Home » Warar »

Eng Yarow Shariif Aadan oo u soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay wax ka qabto Duqeymaha Ciidamada Kenya ka wadaan Degmada Jilib.

Iyadoo Maalmahaan Diyaarado laga leeyahay Wadanka Kenya ay Duqemo ku hayaan Magaalada Jilib iyo Deegaano ka tirsan Degmadaas oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa Arrintaan si aad uga Hadley Gudoomiyaha Hogaanka reer Goleedka ee Jubbooyinka Eng Yarow Shariif Aadan , waxaana uu sheegey in Dhowrkii Maalmmood ay Duqntaasi Socotey ay Dhibaato ka soo gaartey dad Beeraleey oo ku Dhan Degmada Jilib iyio Tuuooyiinka ku Dhow .

“Duqeyntaas waxaa loo geystey Tuulooyinka kala ah Maanyo Gaabo, Sandaariya , Boobleeynka iyo Baladul Raxmo oo hore loo Oran jirey Faragurow, waxaan Duqyntaas Geystey Diyaaradaha Wadanka Kenya” ayuu yiri Eng Yarow oo sheegey in Duqeyntaas ay geysteen waxyeelo isugu jirta Dhimasho iyo Dhaawac iyo waliba in Gubtaan qaar ka mid ah Beerihii ku yaaley Deegaanadaan oo qaarkood uu sheegey in ay ku yaaleen Dalagyo Kala Duwan.

yarow
Eng Yarow Shariif Aadan waxaa ugu baaqey Dowladda Faderaalka in deg deg wax ugu qabato Duqeyntaas ay geysteen Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya isagoo sheegey in Deegaanadaas ay yihiin Deegaano wax soo saar ayna ku nool yiihiin Dad fara badan oo Beeraleey ah islamarkaan ah dad Danyar ah , isagoo sheegey in aysan u Dulqaadaneyn Duqeyntaas lagu waxyeeleynayo dadkaas Masaakiinta ah, wuxuuna sidoo kale uu u soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay wax ka qabato Duqeyntaas

“Ciidamada Kenya waxay qayb ka yihiin Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Amisom , waxaan u sheegeynaa in ay ka Fiirsadaan Duqeyntaas islamArkaana ay Dhowraan Xaquuqda Shacabka ku dhaqan Degmada Jilib iyo Deegaanada ku Xeeran ee Gobolka Jubadda Dhexe” ayuu yiri Gudoomiyaha Hogaanka reer Goleedka ee Jubbooyinka Eng Yarow Shariif Aadan oo u soo jeediyey Dowladda Kenya in ay Joojiso Duqentaas .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.