Home » Faallo »

C/KARIIN GUULEED GALBAYE FADLAN BASHIIR GOOBE IYO C/XAKIIN SAACID HALA INAWADA DHAAFIYO!

GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeenna Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

boqor3Intaa kabacdi,maalintii shalay ee Sabtida aheyd taariikhduna ku beegneyd (24/05/2014) abaarihii 11:20AM ama barqanimo ayaa waxaa weerar lagu qaadey Xarunta Golaha Shacabka oo eey ku nafwaayeen tiro aan yareyn oo ka tirsanaa Ciidanka Qaranka kuwaasoo difaacayey nafta Xildhibaannada iyo Xaruntaa qaranka inataba.Waxaa sidoo kale ku nafwaayey muwaadiniin kaloo ka shaqeeynaysey xarunta Baarlamaanka. Madaxweyne Xassan Shiekh Maxamuud oo dalka South Africa jooga kagana qeeybgalaya careema-saarka Madaxweynaha dalaka South Africa: Jacob Zuma ayaa wuxuu fariin cod ah ku sheegey bogiisa twitter-kana kusoo qorey “In talaabooyin cadcad ay qaadi doonaan mas’uuliyiinta dalka, saacadaha soo socdana eey dhici doonaan isbadal kasoo biloow ah balse eey xigi doonaan kuwa kale”.Wuxuu sidoo kale sheegay in uu safarkiisii soo gaabiyey dhacdadaa darteed.

Intaa kabacdi waziirkii Amniga Qaranka Mudane: Ckariin Xuseen Guuleed oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta dhacdadaa murugada badan kadib gooobta la booqdey Ra’isulwazaaraha dalka Mudane: Cabdi Wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa dhiigiisa u shubey dadkii goobta ku dhaawacmay, wuxuuna intaa kabacdi qabtey shir jaraa’id oo uu ku cadeeynayey in uu xilkii Waziirkii Amniga qaranka uu iska casilay. Waa tilaabo geesinimo, waa go’aan raganimo oo aad u adag balse aad u haboon, waloow uu soo daahay oo maalintii Madaxtooyada la weeraray ay aad uga sii habooneyd. Waxaa hubaal ah in eey isaga iyo madaxweynaha kasii wada hadleen is casilaadiisa ka hor. Waxaana sidoo kale wararka hoose sheegayaan in mudaba uu doonayey in uu is casilo fashilka Amni ee jira darteed, balse waqtiga ku haboon in laga dhigo ay isaga iyo Madaxweynahaba hore isula meeldhigeen. Waloow xilkaa mudanuhu ka tagayo hadana C/kariin Guuleed waa tiirka labaad ee madaxweynaha oo ma adka in xilkale oo ku haboon loo magacaabo sida “Lataliyaha Madaxweynaha”, ama xitaa uu si toos ah Madaxweynaha Villa Soomaaliya dalka kala hogaamiyo isaga oo aanan xitaa heyn xil rasmi ah. Rumeeyso ama ha rumeeysane Mudane Ckariin Xuseen Guuleed: Waziirkii horee Amniga Qaranka, Mudane: Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed: Wasiirka Garsoorka ee hada xilkaa haya, iyo Madaxweynaha Dalka: Mudane Xassan Sh. Maxamuud si kastaba ha u wada shaqeeyaane waa niman aad saaxibo dhow uwada ah, in badan soo wada shaqeeynayey siyaasada intaaneey soowada galin ka hor, in uu Mudane Xassan talada dalka hantana qeeybweeyn beey ku lahaayeen, hadana dalka iyagaa wada xukuma, islana wada dhameeystandoona inta uu Madaxweyne Xassan talada dalka hayo, ha hayeen jagooyin rasmi ah ama kuwo aan rasmi aheynba’e. Balse Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. C/Xakiin Daahir Siciid (Saacid) iyo Taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliyeed: Jeneraal Bashiir Max’ed Jaamac (Bashiir Goobe), ee fashilkaa Amni la wadaagtaa mudane C/kariin Guuleed waa in aaney ka harin isaga, oo ama eey is casilaan ama jagooyinka laga qaado oo degdeg loo wada eryo.

Xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ah ee jirtaahi ayaa waxeey tahay in sidaa si la mid ah eey mas’uuliyadaa guuldaro ee Aminga dalka ay Waziirka Aminga C/Kariin Xuseen Guuleed ee hadda is casiley eey ula qeeybsanayaan waliba si toos ah dusha eey uga dhaceeysaa: Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. C/Xakiin Daahir Siciid (Saacid) iyo Taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliyeed: Jeneraal Bashiir Max’ed Jaamac (Bashiir Goobe), balse sidiisa oo kale eey garan la’yihiin in eey xilkaa iska wada casilaan, maadaama eey six un ugu wada guuldareeysteen. Nasiib darrada ina heeysataa ayaase waxeey tahay iyagiina is casilimaayaan jago jaceeylkooda darteed, madaxweynuhuna wuu eryi la’yahay, waloow uu hadalladiisii ku sheegey in is badalkan dhacaya uu billow yahay kuwo kalana xigi doonaan taasoo noqonkarta in xilka laga wada qaadi doono mardhow, waa hadii aaneey inta isgartaan iyaga is casiline.

Caalamka Madaxda jagooyinkooda oo kale heeysa marka eey guul-darradaa aadka u xumi (Catastrophic failure) dhacdo weey is casilaan si sharaf ah waliba, iyagoo mas’uuliyada eey ku leeyihiin guuldarradaa qiranaya ummadana weey ka horwareegaan. Nasiibdarase! Labadan nin ee hartey jago jaceeylkooda darteed in eey iscasilaan iska daaye, xitaa ma aaneey qiran qeeybta eey ku leeyihiin guul-darradaa iyo gudasho la’aantaa mas’uuliyadeed. Waxaase habooneyd in maadaama aaney is casileynin uu madaxweynaha shaqada degdeg uga wada eryo, inta nin jecleeysiga iska iloobo, si kuwa mustaqbalka imaanaya eey duruus cad ugu noqoto, isagana uu u noqdo mas’uul qaran oo aan ciyaar-ciyaar qaadan, kuna dhiirada go’aannada ad-adag balse saxda ah kuwaasoo mudan in la qaato si danaha guud ee Qaranka si hufan loogu ilaaliyo.

Kadib markii xilka laga gudoomiyihii horee Gobolka Banaair ahaana Duqa magaalada Muqdisho Mudane Mohamud Axmed Nur (Tarzan)  ayaan waxaan fallao qiimo badneyd  ka qorey March 2014 taasoo ciwaankeedu ahaa “XIL KAQAADISTII TARZAN & MAGACAABISTII MUUNGAAB WAXBAA LAGU QARINAYEY”. Waxaan aad uga faalloodey dhacdadii foosha xumeyd ee weerarkii Madaxtooyada iyo mas’uuliyada amniga faraha kasii baxaya cida wadaagta oo islawada leh, tahayna in ama eey is wada casilaan ama la wada eryo hadii aaneey sariigtaa iyo garashadeeda toona laheyn.

Mushkilada jirta ayaase waxeey tahay in Madaxweyne Xassan aanu rabin in sidii Madaxweynihii hore H.E.Sh.Shariif Sheikh Ahmed uu asxaabtiisa (His team) uu marba meel mid uga tago sidii uu sameeyey Sh.Shariif oo kale, illaa uu kaligii meel soo istaagay sidaana uu ku noqdey Shimbir Garbo Rifan sidaana cadow badan ee uu lahaa ugu jabey kadib markuu kaligii noqdey. Hadiise la rabo in Amniga dalka si dhab ah wax looga qabto waa in si dhab ah loo wada eegaa cida ka wada dambeeysa khalkhalka amni ee jira waxna laga wada qabtaa, walibana la is weeydiiyaa su’aashii ciwaanka u aheyd qormadii aan ka qorey Amniga dalka ee ciwaankeedu ahaa: YAA KA DAMBEEYA FALALKA AMNI DARRO EE KA DHACA MUQDISHO?. -Allahuma Ballaqtu.

 

 

C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”

Maamule ku xigeenka Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha ahna Bare isla kulliyadaa ah

Al-Madinah International University, Malaysia

abdulkadirphd@hotmail.com. Sawirrada: AminArts iyo Google images search

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.