Home » Warar »

Wasiirka Warfaafinta “Kor u-qaadida tayada iyo aqoonta saxuufiyiintu waa saldhig horumarka warbaahinta Soomaaliya.”

Mogadishu,– Wasiirka Warfaafinta, Mudane Mustaf Dhuxulow ayaa u hambalyeeyey 138 suxufi oo maanta dhamaystay koorso waxbarasho ku aadan “sida loo qoro wararka raadiyaha” waxuuna yiri “Hambalyo ayaan leeyahay 138-da suxufi ee maanta u dabaaldagaya dadaalkoodii iyo natiijadii waxbarashadii, shakina iigama inay saameyn balaran ku yeelan doonaan horumarka warbaahinta Soomaaliyeed.” Waxaana uu intaa ku daray “In kor loo qaado tayada iyo aqoonta saxuufiyiintu waxay saldhig u tahay horumarka warbaahinta Soomaaliya.”

Wasiirka Warfaafinta oo safar shaqo ugu maqan dalka dibadiisa ayaa u soo mahadceliyey aas-aasaha iyo maamulka Akademiyada Warbaahinta Soomaaliya oo waxbarashadan ku qabatay xaruntooda Muqdisho, wuxuuna yiri “Waxaan halkan uga mahad-celinayaa maamulka Akademiyada Warbaahinta Soomaaliyeed oo waxbarasho muhiim ah u qabtay suxuufiyiinta Soomaaliyeed.” Wuxuu sidoo kale yiri “Dowladdu si weyn ayay u soo dhaweyneysaa fikirkan muhiimka u ah warbaahinta dalka.”

Maadadan ah sida loo qoro wararka iyo barnaamijyada raadiyaha waxey suxuufiyiinta bareysaa habka loo diyaariyo wararka, dokumentariga, qormooyinka, ganacsiga iyo barnaamiyada kale oo muhiim u ah saxufiyiinta korna una u-qaado xirfadahooda iyo aqoontooda, kuwaas oo ah kuwo ay suxufiyiinta Soomaaliyeed baahi weyn u qabaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay isbadalka dalka ka jira iyo saamaeynta hawshani leedahay, waxaana uu yiri “Bacdamaa uu waddanku ka gudbayo xaaladihii fjaahwareerka iyo fowdada oo uu u guurayo xaalad nabad, degenaan iyo dawlad wanaag, waa muhiim inaan dhisno oo kor u qaadno tayada iyo xirafadaha suxuufiyiinta oo runtii daruufo adag ku soo shaqeynayey 23kii sano ee la soo dhaafay”.

Waxaa uu intaas ku daray wasiirku in Wasaaradda Warfaafinta ahmiyad gaar ah siineysaa in kor loo qaado tayada iyo xirfadaha suxuufiyiinta si barnaamiyadu u noqdaan kuwo macno leh, oo si hufan loo tifaftiray, oo ah kuwo dhex-dhexaad ah oo bulshada wax weyn ku soo kordhinaya. Wuxuuna markale, u hambalyeeyay dhalinta maanta qalinjabisay, wuxuuna ku dhiiri gelinayay inay xirfadihii iyo aqoontii ay barteen ay uga faa’iideeyaan saaxiibadood oo ay la wadaagaan. Asagoo u rajeeyay in Akademiyada Warbaahinta Soomaaliyeed ay sii wadi doonto dadaalkeeda ay kor ugu qaadeyso xirfadaha saxuufiyiinta Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Wasaaradda Warfaafinta
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya
Tel: +252 (0) 616 44 00 28

22 May 2014

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.