Home » Warar »

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Hindise-sharciyadeedka iibka Qaranka

Muqdisho, May 22, 2014 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Hindise-sharciyadeedka Iibka Qaranka iyo heshiis dhinaca xog ururinta ah oo ay dowladda Soomaliya la gashay shirkadda CGG oo laga leeyahay waddanka Switezerland.

Hindise-sharciyadeedkan oo lagu wado in la horgeeyo baarlamanka si uu sharci u noqdo ayaa ujeedadiisu tahay in uu abuuro hay’ado iyo qaab loo maro marka ay dowladdu wax soo gadanayso ama nidaam lagu bixiyo qandaraasyada ay dowladdu gasho.

Sharcigga Iibka Qaranka ayaa faa’iidadiisu tahay in uu dhimo kharashka dowladda iyo in loo tartamo qandaraasyada, iyadoo uu dhiirrigelin doono hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, waxana uu sidoo kale kalsooni ku abuurayaa shacabka marka ay timaaddo habka dowladdu wax u soo iibsato.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli isagoo shirka ka hadlayey waxa uu yiri:
“ Sharciga Iibka Qaranku waxa uu muhiimad u leeyahay nidaaminta qaabka ay dowladdeenu wax u soo iibsan doonto iyo qaabka ay u maaraynayso qandaraasyada. Hadda kaddib dhammaan qandaraasyadu waxay noqon doonaan kuwo si xaq ah loogu tartamo.

“Sharcigan waxa uu yaraynayaa musuqmaasuqa isagoo dhiirrigelinaya daah-furnaanta dhammaan hawlaha la xiriira wax soo iibsiga dowladda iyo qandaraasyada. Waxaan rajaynayaa in sharcigan uu wax badan ka beddeli doono duruufaha maanta jira waxana uu astaan u yahay dib-u-soo kabashada dowladnimada Soomalaiya”

Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa ayiday heshiish dhinaca xog ururinta oo ay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolku la gashay shirkadda CGG oo qaabilsan dhinaca ururinta xogta, iyadoo shirkaddan ay wassaaraddaasi ka caawin doonto xogta la xiriirka macdanta iyo Shidaalka Soomaaliya.

Dhammaad

Abdirashid Muse
Press Officer
Warbaahinmta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Mogadishu, Somalia
Tel: +252 6163 18823
Email: media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.