Home » Faallo »

Halgankii Hal Yeyadii SYL Iyo Himilo la’aanta Dhalinta Maanta

abdinuur

Waa Qore Cabdinuur Faarax Maxamud

Eamail-guuleed72@hotmail.com

Assallamu calleykum
15,Maarso ama (may) 1943, waa maalintii dhidibada loo taagay Halgamayaashii Halyeyadii Soomaaliyeed ee dhalin yarada` ahaa waa maalin xasuus gaara u leh dhammaan ummadda ku hadasha luuqadda Af Somaliga iyo Guud ahaan Qaradda Africa siiba Geeska Africa waana maalin mudaan inay abaalkeeda gudaan dhalinta Soomaliyeed ee Rag iyo Hablaba isku jira.

Waaxay ahayd maalin Wiilal iyo Hablo dhalin yara` oo,an Tacliin badaan lahayn Hub iyo Saanad milatari an ahaysan taageero dad shisheeye` aan haysan ayku dhiiradeen inay Gobonimo wanaag iyo xornimo u raadiyaan dhulka Soomaliyeed Himiladaas oo ka soo maaxday dhalin yaro da,dooda 20,jiro lagu qoyaasay waxay hanteen 1960, guusha`ayaga oo xornimo Gaarsiiyey Soomaliya oo markaas gacanta ugu jirtay xogagii Reer Yurub.

Xoriyadii ummada Soomaaliyeed ay hanatey sanadkii 1960-kii waxaa loo marey halgan aad u dheer oo dhiig badani ku daatay, isla markaana Halgamayaal fara badani` ay maalkooda iyo naftoodda u hureen, si Ummadda Soomaaliyeed ay u heli lahayeen xornimo, iyadoo xiligaasi `Ay aheyd xili ay Qaarada Afrika ay si weyn ug halgamayen xoriyada iyo inay iska qaadan heeryadii guumaysata yaashii Reer Yurub.

waxaana Soomaliya xiligaa u kacay kana dhiidhiiyey tacadiga gumaysta dhalin yaro aad u da, yar kuna guulaystay hadafkoodii manta oo dunidu casri tahay meeday Soomaliya? meeday dhalintii Soomaaliyeed ? yaa u` abaal gudaya? halgamayaashii SYL Adiga iyo anigu waa inaan is waydiina ileen ceeb looma dhinto dhalinta manta waxaa waajib ku ah inay nolosha isku aasaan waayo waxay gabeen kaalintootii.

Waxaa Soomaaliya dhexda dhiisha iska dhigay muujiyeyna kartitoota Ururkii dhalin yaradda ee SYL kaas oo go, aan ku garay inay ummadda Soomaaliyeed ka rogaan reeryada gumaaysiga dhalintaas oo aad u da,yarayd laakiin isticmaalay maskaxadooda iyo kartita ay lahayeen waxay ku guulaysteen himiladoodii oo ahayd inay Soomaliya ka dhigaan qaran madax banana.

Tariikhadda sida aan ku hayo Ururkii dhalin yarada SYL wuxuu, ahaa dhaq-dhaqaaqyadii Qarada Africa ka jiray midkii ugu wanaagsanaa marka loo `eeg da, ahaan iyo yoolka ay lahayeen oo, ahaa inay Soomaliya iyo qarada africaba ka xoreeyaan mustacmaradii Reer Galbeedka.

15kii May 1943 waxaa u suurta gashey 13 dhalinyaro Soomaaliyeed Inay dhidibadda u taagan xisbigii la magac baxay SYC (Somali Youth Club ) ama ururuka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo markii dambe Uxuubsiibtey Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL (Somali Youth League)” dhalintaas oo baal dahaba ka galay tariikhada Geeska Africa iyo Soomaliyaba kuna guulaystay hamigoodii.

Waxaan tariikhada ku hayaa fekerkaas inuu ka yimid markii hore labo dhalin yaraa oo, aad u da,yaraa kuwaas oo kala ahaa C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke oo rag saaxiibo ah waxaana tariikhda an ku maqlay inay ka sheekaysteen sidii ummadda Soomaaliyeed looga rogi lahaa gomausiga waxaan sida tariikh yaqaanadu ay qoreen waxaa feker soo jeediyey Cabdul qaadir Shookh Sakhaawadiin isga oo yiri aan asaasno Urur diiniya xornimadana sidaas aan ku raadino.

Hayeeshee waxa feker kale soo jeediyey Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake oo yiri aan asaasno urur siyaasiya waxaana la isku raacay inay asasaan urur dhalin yaro oo gobonomo doona sida aan tariikhada ku maqlay waxaa ku soo biiray dhalintaas dhalin yaro kale oo ninka ugu wayn uu ahaa 26 sano jir oo ay ku jireen 17 saano jir manta 17 jirka Soomaaliyed maxaad ku qayman lahayd ?

Geesinimadii iyo kartitii ay lahayeen dhalintaas waxay diyaarsadeen qorshe` ay Soomaliya xornimo ku gaarto ayaga oo` aan haysaan Tasiiladka manta jira iyo isgaarsiinta manta jirta waxayna go, Aansadeen inay u tagaan xaakimkii gumaysiga ee Ingriiska u fadhiyay Muqdisho waxayna hor dhigeen inay doonayaan inay furtaan Naadi mideeye dhalinta Soomaliyeed Ninkaas Ingiriiska ahaa wuxuu ugu jawaabay dhalintaas sidaan hoos ku qoraan.

Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan waxaana hubaal ah in aadan kuwa hishiin Karin feker iyo ra’yi toona, aniga waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo ari xero lagu wada xareeyay, sideed Naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan manta ayey ina haysataa bal inta qabiil ee aan u kala safanahay hadii dhalintii Soomaliyed aan nahay wiilka ama gabadha Soomaliyeedow is waydiih manta halka aad ku socoto.

Dhalintaas ayaga oo ka fekaraya mustaqbalkooda iyo dantoota guud waxay ugu jawabeen Faranjigii hadalkaaga waxaan ka dhiganeynaa Cashar aan ka faa’iideysano,waxaana bar-baarin doonnaa dhurwaayada si ay u noqdaan ummad midaysan waxaad arki doontaa dhurwaayadaas oo aan Ari”ga cunin kuna midaysan Naadiga bal in yar dib u feker wiilka Soomalaiyeedow manta iyo maalintaas waxaa u dhexeeya manta Dhurwaayadii Gaalku sheegay soo kuma sifowno?.

Dhammaan dhalinta Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah inay dib u milicsadaan halka ay ka yimadeen iyo dhalintii Soomaaliyeed ee, aan ka soo sheekeyey halka ay Soomaliya ka keeneen iyo abaalka ay inaga mudan yihiin oo ah inaan ilaalino gobonimadii ay dhiigooda iyo Maalkooda u hureen dhalintaas oo Rag iyo dumarba isku jiray waa inaan tusaale ka qaadano dhalinta Soomaliyeedna ay kumidooban Aayaha mustaqbaleed ee jilalka socoda sidii ay ugu dhigi lahayeen Tariikh lamida midi SYL Ay inoo dhigeen.

Maanta 71,sano kadib waxay ku soo beegantay xili dhalin yarada Soomaaliyeed ay cadow isku yihiin xili dhulka Soomaliyeed kala qoqoban yahay Magaalo kastana ay tii kale ka fogaanayso xili wiilka Soomaaliyeed uu yahay gudinta lagu jaro mustaqbalka umadda Soomaliyeed ayada oo loo adeegsanaayo dhammaan wixii xun-baa.

Maanta waxaan jogna xili 2o, kun in kabadaan oo ciidan shisheeya ay dalkeena mamulayaan manta waxay ku soo aaday xili dhalinta Soomaliyeed ay kala wataan boqolaal calaan oo” an la aqoon mustaqbalkiisa xili dhalintii ay ku dhamanayaan badaha caalamka laguna bahdilaayo dawladaha dariskaa yaa laga sugaya inay hagaajiyan mustaqbalka dhalinta iyo ummadda Soomaliyeed? Waa inaad is waydiisaan dhalinta manta jogtay.

Baaq iyo dardaaran ayan dhalinta Soomaliyeed u soo jeedinaya kaas oo ah inaan manta boorka iska jafno waliba manta waxaan heli karaa dhammaan wixii agaba ee, aan dhulkeena iyo dadkeena ku hor marin karo hadii ay noqon lahayd aqoon dhaqaale iyo cudud ayada oo Soomaliya lagu qiyaaso 70% dalkeenu,inuu yahay dhalin yaro dhalinyarada Soomaliyeedeey muujiya wanaaga una abaal guda Halyeyadii Soomaliyeed ee dhalin yarada ahaa.

Ugu dabayntii dal waa dhalin yaro hadba sidii dhalin yaradu u fekertu Ayuuna noqdaa dalkaas manta ceebta Soomaliya saran waxaaa Sabab u ah dhalinta Soomaliyeed oo aan lahayn himilo iyo hadaf buuxa

Waxaan ku soo koobaya Tixdaan uu tiriyey Abwaan Khaliif Faarax
ayr

Doorkeenii weyee dulmiga mahor istagnaa xaq maw dagalanaa

Danta guud ma eegnaa
Dabka shidaan madaminaa ubadkeena
dayacaan
Daryeel mawsamaynaa

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.