Home » Warar »

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo Gacanta ku dhigay Caruur fara badan oo la Safrinayay.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka warbixiyay laba qof oo ay ku qabteen Degaanadooda kuwaas oo ku wajahnaa Magaalada Gaalakcyo ee Gobolka Mudug.Afhayeenka Maamulkaasi Carays Maxamed Xaaji oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku wargeliyay Waalidiinta ay Ilmahaas ka maqan yihiin in ay la soo xiriiraan Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Afhayeenka ayaa sheegay in Nin iyo Haweeney Caruurtaas safrinaysey ay gacanta ku dhigeen kuwaasoo sida uu Afhayeenku sheegay laga shakiyay markii warar is khilaafsan ay ku hadleen taasoo iminka Baaritaano lagu hayo.Afhayeenka Carays ayaa intaa ku daray in Caruurtan laga soo safriyay Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha hoose iyo Degmada Xamar weeyne ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka ayaa Tirade Caruurtaas ku sheegay in ay gaarayso illaa Todoba iyo Toban Hablood iyo Hal Wiil taasoo Tiradooda guud ka dhigaysa Sideed iyo Toban Caruur ah.Carays ayaa intaa ku daray in Gabdhaha la safrinayo in midda ugu yar da’deedu ay tahay afar jir kuwaasoo dhamaantooda haatan lagu hayo xarunta Degmada.

Maamulka ayaa falkan ku tilmaamay mid ku cusub degaanadooda haatana ay baaritaan dheer ku hayaan ninkii iyo Naagtii Ilmahan safarsanayay kuwaasoo da’dooda uu ku sheegay inta u dhaxaysa soddon illaa Afartan jir.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.