Home » Warar »

RW. Cabdiwali: “Maanta waa maalin taariikh ah, waxaan muhiim ah inaan si wada jir ah u xasuusano aabayaashii xorrnimada “

Warsaxaafadeed:
Muqdisho, 15, May, 2014…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda lagu xusayey 71 guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ururkii dhalinyarada gobonima doonka Soomaaliyeed ee (SYL). Munaasabadan ballaaran waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa lagu qabtay Garoonka kubada Cagta ee Koonis.

Muddadii ay socotay munaasabaddaas ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan qiiro leh oo ka tarjumeysa waxqabadka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee laga ciyaaro dalkeenna taas oo ay Jecleysteen ka qeybgalayaasha Munaasabadda. Qaar kamid ah ururada dhalinyarada gobolka Banaadir oo sitay boorar ay ku xardhanyihiin halku dhigyo ka turjimaya qiimaha maalintan ayaa socod kusoo maray goobtii ay munaasabaddu ka dhacaysay.

Mid ka mid ahaa halgamayaashii ururka SYL oo goobta ka hadlay ayaa waxbadan ka sheegay taariikhda ururka iyo qaabkii ay uga qayb qaateen tageerida ururka shacabka Soomaaliyeed oo xiligaas hamuun u qabay in ay helaan xoriyad ay u taamaan

“Waxaan halkaan uga mahadceliyaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa oo runtii xil weyn iska saaray muujinta qiimaha ay leedahay maalintaan oo ah mid taariikhi ah una baahan dadka Soomaaliyeed ee xiligaas joogin wax badan inay ka ogaadaan” ayuu yiri Xaaji Shugri oo wax badan usoo joogay waayihii kala duwanaa ee Soomaaliya.

Sidoo kale Raysul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in sanad guurada 71-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Ururkii Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL) astaan u tahay taariikhda iyo gobonimada Soomaaliya, sidoo kale Raysul wasaraha ayaa ku booriyay dhalinyarada xilligan iney ku daydaan dhalinyaradii SYL oo ummadda Soomaaliyeed uga tegay taariikh dahab ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xukuumadiisu ay mudnaanta siineyso horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed maadaama ay yihiin xubinta ugu firfircoon bulshada.
somali101
“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta dhex taaganahay dhalinyaro xusaysa maalinta weyn ee 15-ka May oo astaan u ah xorriyadda ummadeenna, waa maalinkii ay saddex iyo toban dhalinyaro ah fariisteen dhidibadana u taageen xorriyada maanta aynu haysano waxaana maanta laga joogaa 71 sano, hambalyo ayaan leeyahay dhalinyarada Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan” ayuu yiri R.W Cabdiweli oo dhinaca kale uga qayb galay khadka telfoonka xaflad ka dhacaysay magaalada Baladweyn, wuxuuna hambalyo ku aadan maalintaan qiimaha badan u diray dhalinyarada goblka Hiiraan.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxii Baydhabo iyo dhacadii shacabka Turkigu ku waxyeeloobeen “anigoo Munaasabaddaan qiimaha badan ka faa’iideysanaya waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dadkii Baydhabo lagu dilay ee gacanta ka gardaran dishay waxayna taasi nagu dhiirgelinaysaa inaan u midowno cadowga Al-shabaab, waxaa kaloo isoo gaartay khabar xanuun badan oo ah shil ka dhacay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga oo dad badan ku dhinteen waxaana munaasabaddan sharafta badan ee 15-ka May uga faa’iideysanayaa inaan tacsi u diro dawladda iyo Shacabka Turkiga”.

15-kii May sanadkii 1943-dii ayey aheyd markii 13 dhalinyaro Soomaali ah aasaaseen ururkii SYL kaddib markii ay dareemeen hagardaamooyinka Gumeeysiga, iyadoo dhalinyarada Soomaaliyeed ay horkacayeeen halgankii Gobanimo doonka ahaa sababna ay u noqdeen in sanadkii 1960-kii dalkeenu u helay madaxbanaani kana mid noqdo wadamada xorta ah ee caalamka.

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.