Home » Warar »

Xarunta SWDC oo lagu Qabtey Munaasabad Shahaadooyin lagu Gudoonsiinayey Gudoomiyayaashii hore ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaa Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (SWDC) ee magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad lagu soo Dhaweynayey waxqabadkii Gudoomiyayaashii hore ee Gobolka Banaadir,waxaana Munaasbadaas ka soo qayb galey Dhamaan Gudoomiyayaashii hore , Madaxda Xarunta iyo marti sharaf kale .

Ugu horeynwaxaa halkaa ka hadley Sahro Axmed Maxamed oo ka mid Madaxda Xarunta SWDC, waxayna uga Mahadcelsey Gudoomiyayaashii hore sida ay ugu soo dhabar adeygeen Howlihii baaxada lahaa ee ay ka soo qabteen Degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan Dhinaca Aminiga,waxayna ka Codsatey Gudoomiyayaashii hore in ay la shaqeeyaan Gudoomiyayaasha Cusub islamarkaana wixii Waayo arganimo ah u gudbiyaan Gudoomiyayaasha Cusub
somali92
“Haddii aan nahay Haween waxaan ku lahayn Hal Gudoomiye waana Gudoomiyaha Degmada Warta nabada Deeqo Cabduqaadir oo aan dhihi karo waxay Tusaale u tahay Haweenka Soomaaliyeed oo ah in ay wax Hogaamin karaan islamarkaana ka shaqeyn karaan Degmo aad u Baaxad weyn” ayey tiri Maama Sahra oo sheegtey in Ururka SWDC uu la shaqeyn doono Gudoomiyayayasha Cusub ee Gobolka Banaadir.

Inkastoo Gudoomiyayaal hore oo fara badan ay ka hadleen Munaasabadaas ayaa waxaa ka mid ahaa Xubnihii halkaa ka Hadley Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) waxaa uu ugu Horeyn uu Mahadceliyey Xarunta SWDC oo uu sheegey in ay tahay Xarun ka Go’an sidii Soomaaliya Nabad loogu soo dabaali alhaa islamarkaana dalka uu Horumar u gaari lahaa, sidoo kale waxaa uu Hoosta ka Xariiqey in ay la shaqeyn doonaan Gudoomiyayaasha Cusub islamrkaana ay u Gudbin doonaa wixii waayo Aragnimo ay u leeyihiin Xaqiijinta Amaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Deeqa Cabduqaadir oo Gudoomiye ka soo noqotey Degmada warta Nabada , noqoteyna Haweeneydii ugu Horeysey ee Gudoomiye ka soo noqtey Degmooyinka Gobolka Banaadir Xili ay Xaaladu ahayd mid adag oo halkaa ka hadashey ayaa u Mahadcelisey Xarunta SWDC , SIdoo kale waxay halkaa ka balan qaatey in ay la shaqeyn doonaan Maamulka Cusub ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Madaxdooda, waxayna ku faantey in ay wax badan ka qabteen arrimo badan sida Amniga iyo Bilicda Magaalada , waxayna ku Boorisey Madaxda iyaga Badeshey in ay la yimaadaan Wax Muuqda oo la Taaban karo, waxaana Gabagabadii Xarunta SWDC Shahaadooyin ka Tarjumaya waxqabadkoodii lagu Gudoonsiiyey Gudoomiyayayashii hore ee Degmooyinka Gobolka Banaadir

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.