Home » Warar »

Cabdulaahi Xasan Isaaq “Ma aha Qunsulkii Kenya ee waa Barasaabkii Gobolada Jubbooyinka ”

Cabdulsaaaahi Xasan isaaq oo ka mid Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolada Jubboyinka ayaa mar uu u Waramayey Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa wax laga weydiiyey Qunsul Dowladda Kenya u soo Magacowdey Gobolada Jubbooyinka kaasoo la sheegey in uu dhawaan Waraaqihii Aqoonsiga ka Gudoomey Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe , waxaana uu sheegey in ay arrintaas ay Xadgudub ku tahay Qaranimada Soomaaliya

“Maha Qunsul ee waa Barasaabkii Gobolada Jubbooyinka ee Dowladda kENYA” ayuu yiri Col Cabdulaahi oo sheegey in ay la yaab tahay in Dowlada Soomaaliyeed aysan weli ka hadlin Xadgubkaas ay Dowlada Kenya kula kacdey Qaranka Soomaaliyeed , waxaana uu u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in ay arrintaas sida ugu dhaqsiyaha badan uga dhiidhiyaan

“Dowlada Kenya ma aqoonsana Dowlada Federaalka taasna waxaa ku Cadeynaya Xadgudbkii ay kula kacdey Qunsulkii Soomaaliya ee u fadhiyey Dalka Keynya Siyaad Maxamuud Shire “ ayuu yiri Col Cabdulaahi oo sheegey in waxa ka taagn Gobolada Jubooyinka ay yihiin Gumeysi Cusub oo ku soo kordhey Xaaladda Soomaaliya .

2

Waxaa uu sii raaciyey: “Waxaa Xaqiiqo ah in Gobolada Jubbooyinka ay bixiyeen Dadkii hore u bixiyey Dhulka Soomaaliyeed NFD, waxaan ayaandaro ah in Barasaabka Dowladda Kenya u soo Magacaabey Gobolada Jubooyinka uu yahay nin u dhashey Qabiilka Kukuuyada oo maanta dadkeenii ku dhibaateynaya Dalka Kenya, marka waxaan u soo jeedinayaa Dowlada Soomaaliyeed in ay sida ugu dhaqsiyaha badan Xiriirka ugu jarto Dowlada Kenya islamarkaana ay gabi ahaan joojiso Qaadka ka imaanya Dalka Kenya iyo wixii kale ee Ganacsi ah “ 1

1989 ayay ahayd Markii Dowladda Kenya ay Xadgudub kula kacdey Dad badan oo Soomaaliyeed oo ku noolaa Dalka Kenya waxayna taas keentey in uu ka hadlo Wasiirkii Ganacsiga ee Xiligaas Cabdiqaasim Salaad Xasan oo sheegey in aan Kenya loogu Dulqaadan doonin Dhibaateyna Shacabka Somaaliyeed hadii ay sidaan ku sii socotana Xiriirka loo jari doono Dowlada Kenya, taasina waxay soo Dedejisey in Dowladda Kenya Go’aankaas ka laabato,hadaba sow arrintu uma muuqato in aaney Soomaalida maanta “CIDNA U MAQANEYN CEELNA U QODNEYN”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.