Home » Archive Bisha April, 2014

Beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo Baaq u Direy Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Apr 15, 2014
Golaha Dhaqanka Qawmiyadda Beelaha Jareer Weeyne waxay kugu salaamayaan Salaan la isku salaamo midda ugu qiimaha badan ee Asalaamu Calaykum Waraxmatu laahi Wabarakaatu. Mudane Ra’iisul wasaare waxaanu kuugu Hambalyeyneynaa kuguna taageereynaa Safaradaadii aad ku kala bixisey Gobolada dalka qaarkood gaar ahaan safarkii aad ku tagtay Gobolka Shabeelaha dhaxe Jowhar, Hiiraan Buulo burde iyo Jubada... 

Machadka (EISA) oo qabtey Aqoon isweydaarsi ku saabsan Dasuurka iyo Sameynta Xeerka Xisbiyadda Dalka.

Apr 15, 2014
Waxaa Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho lagu soo gabagaabeeyey Laba Maalmood oo ku saabsan Aqoon Isweydaarsi waxaana maalinkii Koowaad loo qabtey Qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana ay ka Doodayeen Kaalinta Bulshada Rayidka ee ay kaga qayb qaadan karaan Dastuurka Dalka , waxaana Aqoon Isweydaarsigaan soo qaban qaban qaabiyey Machad lagu Magcaabo Electrical Institute for Sustainable Democracy... 

Shidaalka Soomaaliya waxa uu beddelayaa sicirka saliidda ee caalamka haddii la soo saaro

Apr 15, 2014
Xeebaha Soomaaliya ee bad-weynta Hindiya ayaa loo badinayaa in ay ku jiraan kayd shidaal oo ka mid ah kuwa ugu weyn adduunka . Khuburada dhinaca daraasaadka Juquraafiga ayaa tilmaamaya in balaayiin birmiil oo shidaal aan weli la taaban ah uu ku jiro badda iyo berriga Soomaaliya. Sida uu qoray Strategic Intelligence, Dowladda Soomaaliya waxa ay shirkadda weyn ee British Petroleum heshiish kula gashay... 

Nadwado cilmiyeedkii sanad la ahayd oo caaway ka bilaabatay Markazka Al- Rowda ee magaalada Boosaaso:

Apr 15, 2014
  Nadwado cilmiyeedkan  oo noqonaysa tii 12aad ayaa waxaa ciwaankeedu yahay أعمال القلوب , iyadoona ay ka qayb qaadan doonaan qaar ka mid ah Culimada ugu waawayn soomaaliya . Furitaanka  Nadwada ayaa waxa kasoo qayb galay Maamulka Mu’asasada Alminhaaj, Culimo, Cuqaal , Wasiir kuxigeen Wasaarada awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Puntland iyo Dadwayne aad u faraba badan. Bilowgii... 

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka qayb galey Gabagabada Mashrruuc ay Hirgelisey Hayadda Elman oo Xirfado lagu Barey Dhalinyaro Soomaaliyeed.

Apr 14, 2014
Waxaa Xarunta Nabada ee ELMAN ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad ku aadaneyd Xiritaanka Tababar Muddo u soo Socdey Dhalinyaro oo isugu jirey Gabdho iyo Wiilal, kuwaas oo Waxbarashadooda soo Bilaabatey Sannadkii tegey, waxaana Dhalinyaradaas la soo Barey Xirfado kala duwan oo kala ah Fasamayaqaan Dhinaca Alaabta (Faryaamo), Dacatirka Mobile-lada , Barashada Kumbuyuutarka , Maamulka, Tubooyinka... 

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee magaalada Kismaayo

Apr 14, 2014
Muqdisho, April 13.2014——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee magaalada Kismaayo, sida dhisme loo diyaarinayo baarlamaanka iyo Wasiirada maamulka Jubba, Dekedda, Isbitaalka guud, Iskool H/dhexe ee Ganaane iyo dhismaha Wasaaradda Arrimaha gudaha, isaga oo dhanka kale xariga... 

Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Gaaray Magaalada Rome ee Dalka Talyaaniga

Apr 14, 2014
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga ayadoo wafdiga Gudoomiyahana ay kusoo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha FIUMICINO Airport ee magaalada Rome kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Talyaaniga, Safiirka Soomaaliya ee dalkan iyo Jaalliyadda... 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Booqasho ku tegey Kismaayo si uu hogaamiyeyaasha maamulka Jubba ugala hadlo meel marinta heshiiskii Addis Ababa

Apr 13, 2014
Ra’iisul wasaaraha DFS ayaa booqasho ku tegey magaalada Kismaayo si uu kulan ula yeesho “hogaamiyeyaasha maamulka Jubba, wuxuuna kala hadli doonaa dardargelinta iyo meel marinta heshiiskii Addis Ababa,” sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda, una qornaa sidan: Warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaare C.weli iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo dhoweyn ballaaran oo loogu... 

Shirweynihii 2aad ee Somalia Investment Summit oo soo gababoobay, Dubai.

Apr 12, 2014
Shirkii labaad ee maalgashiga ‘Somalia Invetment Summit 2014’ ayaa dhowaan waxaa magaalada Dubai ee waddanka Isutaga Imaaraatka Catabta lagu soo gaba gabeeyay 7da April 2014 shirkaasi oo ku saabsan maalgashiga, iyo ganacsiga Soomaaliya (Somali Economic Forum), shirkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madax sare iyo wasiiro ka kala socota Dowlada oo uu ka mid yahay Mudane Saciid Ali Qorsheel, Mudane... 

Mu’ tamarkii 7aad ee jaaliyada Soomaaliyeed Holland iyo nawaaxigeeda

Apr 12, 2014
Taariikhda: 30 April ilaa 04 May 2014 Holland:-Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan Jaaliyada Soomaalida ee ku nool dalka Holland iyo nawaaxigiisa in la qaban doono Mutamarkii sanadlaha ahaa, kaas oo loogu talo galay in lagu wacyi galiyo dhamaan shacabka ku dhaqan dalka Holland iyi nawaaxigiisa. Mutamarka ayaa waxaa ka soo qeyb gali doona culumada kala ah 1- Sh. Dr. Cali Maxamad Salax (Norway) 2- Sh Suldan... 

Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (NSS 1976- 1991) – Q.5aad

Apr 11, 2014
Biloowga 10 kii sano ee ugu danbeeyay cimrigii Kacaanka waxay Soomaaliya gashay Xaalad dhaqaale oo adag oo kasoo gaartay dagaalkii Gobanimo doonka Soomaali Gableed , dhaqaalaha dalka ayaa ciiray , Boqortooyada Sucuudigu waxay ahayd meelaha ugu badan ee loo dhoofiyo Xoolaha Soomaalida , waxaa suuqaas nagu cariirisay Ustareeliya oo daabax fara badan usoo dirta Khaliijka , Ku tirsanahii Amniga ee... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Ayaa Maanta Booqashooyin Ku Soo Kala Bixiyey Degmooyinka Bulo Burde Iyo Jowhar

Apr 11, 2014
Muqdisho, 10, April, 2014..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, Safiirka Djabouti u fadhiya dalka Soomaaliya, iyo Sarakiil ka tirsan Ciidanka ayaa maanta booqasho gaaban ku tagay magaalooyinka Jowhar iyo BuuloBurde. Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisa ku bilaabay Degamada Buulo Burde oo ka mid ah degmooyinkii... 

Beelaha Jareer Weyne oo ka hadlay Kulan Xasaasi ah oo ay la qaateen Gudoomiyha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Apr 10, 2014
Waxaa la isku Afgartey in Beelaha Jareer weyne Xubno Muhiim ah ku yeeshaan Maamulka Degmooyinka Gobolka Banaadir.. Waxaa Xarunta Qowmiyadda Beesha Reer Weyne ee ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kulan balaaran , waxaana Kulankaas ka soo qayb galey Qaybaha kala duwan Bulshada Sida Salaadiinta , Cuqaash, Waxgaradka, Culimadudiinka, Dhalinyarada iyo Haweenka , waxaana Kulankaas Ujeedkiisu... 

DALDALAADDA GODANE !!! MA U WAAYEY XIJAAJ ???? (1)

Apr 10, 2014
HORUDHAC; Taariikhda islaamka waxaa ku jirta xiliyo lala dagaalamay Khawaarijta siiba waqtigii xukunkii Ummawiyiinta ooy aad u xoogeysteen ayaa ka faa’ideysanaayey Dagaalkii Muslimiinta dhexdeeda ee bilowday kadib dimashadii amiirkii macaawiye ibnu yaziid . waqtigaas oo uu Ciraaq iyo Xijaaz uu ka talinaayey C/llaahi ibnu Zubeer muddo 17 sano ah oo uu wallaalkiis Muscab ibnu zubeerna uu Ciraaq... 

Wasiiru Dowlaha Arriamaha Dibadda oo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyey muwaadiniin laga soo tarxiilay Kenya

Apr 10, 2014
Muqdisho, 09,April, 2014… Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Burci Xamza ayaa maanta ku soo dhaweyey Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cade 81 qof oo laga soo tarxiilay dalka Kenya, Wasiirka oo war fidiyeenanada kula hadlayey Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aysan ka gaabin doonin kaalinteeda ku aadan daryeelka shacabkeeda, “Anigoo... 

Mu’asasada Al-Minhaaj oo shaacisay in la qaban doono Tartanka Qur’aanka ee Heer Gobol, ganacsatadana ugu baaqda inay door ka qaataan

Apr 9, 2014
Mu’asasada Al-Minjaah ee dacwada iyo horimarinta ayaa galabta uso bandhigtayshacab waynaha reer puntland talaabada ay ugu diyaar garoobayaan tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Heer Gobol,kaasi oo la qabto sanad kasta marka la gaaro Bisha Barakaysan ee Ramadaan. Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaah Sheekh Maxamed Maxamuud Ciise oo Saxaafada kula hadlay magaalada Bosaso ayaa sheegay in... 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Ridwan oo maanta ka qayb galay kulan looga hadlayey tayeeynta Shaqaalaha Dowalada

Apr 9, 2014
Muqdisho, . **Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiiraka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha, kaasi looga hadlay tayeynta iyo dib-u-habaynta shaqaalaha rayidka ah ee Dawladda, waxaana kulankaasi oo uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda... 

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976- 1991) | Q.4aad

Apr 8, 2014
Dhaq dhaqaaqa Xoraynta Falastiin (PLO) xafiis uu ku lahaa Adis Ababa ayaa dawladda Soomaaliyeed qoonsatay , xafiiskaas ayaa wuxuu noqday xarun ay dawladda itoobiya ka hesho war bixinada xasaasiga ah ee khuseeya Ammaanka dunida Carabta oo ay Soomaaliya xubin ka tahay , madaxda Soomaaliyeed ee safarada ku tagta dunida Carabta markay kala sheekaystaan wax yaabaha ay Soomaaliya ka maagan tahay Soomaali-Galbeed,... 
Halkudheg:

“Ku biiritaanka Ciidanka Itoobiya ee AMISOM waa arrin khaldan, taariikh ahaan iyo deegaan ahaanba…”

Apr 8, 2014
Waraysigii Telefishanka Somali Channel oo Xasan Dhooye… Televisionka Soomaaliyeed ee Somali Channel ayaa waraysi dheer oo ku saabsan ciidamada Kenya iyo Itoobiya ku biiritaan koodii ay ka mid noqdeen ciidanka AMISOM kala yeeshay Xasan Dhooye oo ku sugan Minneapolis. Ku biiritaankaas oo ah “Arrin khaldan, siyaasad ahaan, taariikh ahaan iyo deegaan ahaan,”…. ka daawo Videoga... 

Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Caafimaadka Adduunka 7-da April oo lagu qabtey Magaalada Muqdisho.

Apr 8, 2014
Waxaa Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimey oo lagu Xusayey Maalinta Caafimaadka Aduunka ee 7 April waxaana ka qayb galey Xildhibaano, Wasiiro, Masuuliyiin ka socotey Hayadaha Samafalka kuwooda Dibada iyo Gudaha, Ururka Dhaqaatiirta Soomaalyeed,, Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka ee Daryeelka Bulshada, Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Fanaaniin. Ugu... 

Ninku waa i dilaye ii qabta!

Apr 6, 2014
Salaadda duhur ayaan ku jirnay. Waxaan safafka naga dambeeya ka maqalnay: war ninku waa i dilay, war ninka ii qabta, qabo, ka qaad toorayda iyo bulaan qaybtii dambe ee masjidka qabsaday. Goortii salaada laga baxay ee dibada loo soo baxay waxaan ugu imid lix war oo ku saabsan wixii dhacay, kana midaysan inuu ninka oo rukuucsan toorray ku dhaabay! laakiin lix sababood oo kala duwan baa la wariyey. Mobile... 

Urugada Islii anagaa eedeeda iska leh! Oo sabab?!! (Qalinkii Maxamed Xaaji)

Apr 6, 2014
Soomaali hadaan nahay waxaan nahay bulsho ku caan baxday inay kaliya cabaadaan marka ay la kulmaan cawaaqib xumada cillado ay iyaga iyo iyaga oo qur ihi ceebaalkeeda leeyihiin, waayo waxaa na haysta dhibaatooyin kumanaan ah oo kulligood ah ASTAAMIHIIM CUDUR aan ka horteggiisa lagu mashquulsanayn. Haatan waxaa taagan raafka iyo rucubka Soomaalida ku haysata xaafadda Eastleigh oo aan runtii aad uga gubanayo,... 

Ciidamo Gaar ah iyo Saraakiil Tababar ku soo Dhameystay Dalka Imaaraatka Carabta oo dib ugu soo laabtay dalka.

Apr 5, 2014
Waxaa Dalka dib ugu soo laabtay ciidamo gaar ah iyo Saraakiil lagu soo tababaray dalka Imaaraatka Carabta. Ciidammadaas oo loo soo tababaray ilaalinta Madaxtoyada Soomaaliya iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee Caasimmadda. Tirada ciidankan sida gaarka ah loo soo tababaray ayaa waxay gaareysaa 58 askari oo ay ku jiraan dhowr Saraakiil sar sare ah, waxayna ku soo qaateen dalka Imaaraatka Carabta tababar... 

Barlamaanka Soombaaliya oo dalbanaya in lasoo bandhigo Qodobo u badan Heshiisyo iyo Qorshe hawleedka Ciidamada AMISOM

Apr 4, 2014
Xildhibaan Cabadiqaadir Cosoble Cali oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaki weyn geliyay Mandate ama waqtiga ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya ay ku joogaan. Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay iska joogaan dalka Soomaaliya, laakiin aysan jirin waqtiga rasmiga oo Soomaaliya ay joogaan, taasi oo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyay. Cosoble ayaa runta... 

Golaha Wasiirada oo ka shiray amniga, howlgalada iyo gargaar la gaarsiinayo gobolada

Apr 4, 2014
Warsaxaafadeed Muqdisho, April 3, 2014—–Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. Kulanka ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen amniga dalka, howlgalada ciidamada wadajira ay ka wadaan gobolada dalka,... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...