Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay gabagabada shirweynaha Amniga Qaranka

Warsaxaafadeed

Muqdisho, April 23, 2014—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa khudbad dhinacyo badan ka jeediyay gabagabada shirweynaha amniga oo soconayay muddo 4 cisho ah kaasoo lagu casuumay ergooyin matalayay dawlad goboleedyada, maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka, aqoonyahano ka yimid dalka dibeddiisa, iyo khubaro dhanka amniga ah.
raisalwasaare
Shirweynahan oo ahaa midkii labaad oo looga hadlayo amniga ayaa cinwaankiisu ahaa shirweynaha Xoojinta Amniga Qaranka oo cinwaankiisu ahaa ayaa waxaa gabgabadii khudbad dheer ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh, isaga oo sheegay inuu soo dhoweynayo natiijada shirka iyo ka soo qeybgalka wakiilada matalaya dawlad goboleedyada iyo maamulada gobolada, isaga oo xusay in arrintani ay tilmaan u tahay sida loogu mideysan yahay raadinta nabadda iyo xoojinta amniga Qaranka.

“Labo arrin oo halkan iiga muuqata ayaa waxay igu abuurtay kalsooni, mida koobaad, waxaa halkan iiga muuqda rag iyo dumar khabiiro ah oo aqoon sare u leh amniga oo dal iyo dibedba isaga kala yimid kuwaasoo shiilay maskaxdooda sidii loo heli lahaa amniga iyo kala dambeyn” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo intaasi sii raaciyay.

“Waxaa kale oo i hami geliyay ka soo qeybgalka wakiilada ka socda dawlad goboleedyada iyo maamulada kale ee ka jira gobolada iyo degmooyinka dalka, waxaana arrintani ay tilmaan cad u tahay sida ay idiinkaga go’antahay inaad iska kaashataan amniga laga bilaabo magaalo madaxda Muqdisho illaa gobolada kale ee dalka”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa sidoo kale khudbadiisan kaga codsaday golaha Baarlamaanka inay meel mariyeen sharciga la dagaalanka argagixisada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Amniga oo haatan hor yaala golaha Baarlamanka, si loo helo ciqaab sharci ah oo lala tiigsado kooxaha nabad diidka iyo argagixisad.

“Safaradii aan bishaan gudaheeda ku tegay qeybo ka mid ah gobolada dalka, sida Buuro-burde, Jowhar iyo Kismaayo, waxaan ku ogaaday in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u wada yihiin xoojinta iyo xasilinta amniga dalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in Wasaarada Amniga looga baahan yahay inay dhexgasho shacabka iskaashi dhowna la yeelato qeybaha bulshada gaar ahaana haweenka iyo dhalinyarada.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray xildhibaanadii ay kooxaha nabadiidku dileen, wuxuuna xusay in falalkan guracan ee ay ku kacayaan kooxaha argagixisadu ay dardargelin doonto ciribtirka kooxaha caddowga ku ah nafta, maalka iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

–Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.