Home » Warar »

Dowladda Imaaraadka Carabta oo Deeq u Fidisay Boqolaal Agoon Soomaaliyeed.‏

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa oo Taariikhdu tahay 23 Abriil, u qeybisay Boqolaal Caruur Agoon ah, oo da’doodu u dhaxayso 5 ilaa 14 Sano jir, Deeq isugu jirta Raashin iyo Timir.Caruurta Agoonta ah ee la gaarsiiyay deeqdaan ayaa ku xareysan Xarun lagu Magacaabo “Daryeel”, taas oo loogu tala galay in lagu xannaaneeyo Caruurta Agoonta ah iyo Daryeelka Caruurta Darbi jiifka. Xaruntaan waxa ay ku taala Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho.

Deeqda la gaarsiiyay Caruurtaan Agoonta ah waxa ay ka koobnayd Lix Tan oo Timir ah iyo 400 oo Kartoon oo Mac-macaan iyo Raashin fudud isugu jira, taas oo Dowlada Imaaradka Carabta ay ugu tala gashay in lagu caawiyo Caruurta Agoonta ah ee u baahan Kaalmada Bani’aadannimo.

Madaxa Mashaariicda Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Cabdi Xamiid Sulaymaan, oo ka hadlay Goobta lagu qeybinayay Deeqdaan ayaa sheegay in Deeqdaani ay qeyb ka tahay Kaalmada joogtada ah ee Dowladda Imaaraadku ay siineyso Shacabka Soomaaliyeed.

Cabdi Xamiid Sulaymaan waxa uu intaas ku daray in ay sii wadi doonaan Gurmadka iyo Taageerada dhan walba leh oo ay siinayaan dadka Soomaliyeed.“Dowlada Imaaraadka Carabta waxa ka go’an in ay sii laba jibbaarto Kaalmada joogtada ah ee ay siineyso Walaalaheeda Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxa Mashariicda Dowlada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Cabdi Xamiid Sulaymaan.
somali84
Xaliimo Maxamed Macalin oo ah Maamulaha Xarunta Xanaannada Caruurta Agoonta “Daryeel” ee la gaarsiiyay Deeqdaan ayaa uga Mahadcelisay Dowlada Imaaraadka Carabta kaalmada ay siisay caruurta Agoonta ah.Xaliimo ayaa sheegtay in ay kaalmadaan kusoo beegantay xilli ay Caruurta Agoonta ee ku jira Xarunta “Daryeel” ay baahi badan u qabeen Kaalmada nuucaan oo kale ah.

Sidoo kale, Qaar ka mid ah Caruurtii la gaarsiiyay Deeqadaan ayaa dhankooda ka Mahadceliyay Gurmadka ay Dowlada Imaaraadka Carabtu u fidisay, iyaga oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin kaalmada loo qaybiyay.

Deeqdani ma aha tii ugu horreysay oo ay Dowladda Imaaraadku u fidiso Caruurta Agoonta Soomaaliyeed, ee waxaa jira in taageero kala duwan oo soo socotay muddooyinkii la soo dhaafay taas oo la gaarsiinayay kumanaan caruur agoon ah oo ku xareysan Xarumo kala duwan oo ku yaalla Magaaladda Muqdisho.Dowladda Imaaraadka ayaa ka fulineysa Caasimadda Muqdisho iyo Gobollada Dalka qaarkood, Mashaariic kala duwan oo isugu jiraa kuwa Bani’aadannimo iyo kuwa Horumarineed intaba.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.