Home » Warar »

IGAD oo ku Hanjabey in Ciddii hor istaagto Dadaalka uu Wado Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxkamad la soo taagi doono .

Iyadoo Dhawaan la soo afmeerey safar oo uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku joogay magaalada Kismaayo ayaa arrimaha shirkii dib u heshiisiinta Maamulka Jubooyinka ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Ergeyga Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey.

Ergeyga ayaa sheegey in ay diyaar u yihiin dhaqan gelinta heshiiskii Adis Ababa isla markaana ayan u dul qaadanayn in la carqaladeeyo Heshiiska iyo dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Maxamed Cabdi Afeey Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa ku hanjabay in Maxkamad la soo taagi doono cid kasta oo iskau deyda in ay is hor taag ku samayso dadaalka uu Ra’iisul Wasaaraha ka wado sidii loo dhamayn lahaa xurgufta siyaasadeed ee ka jirta Gobolka Jubada hoose.

Maxamed Cabdi Afey Ergeyga oo ka mid ahaa xubnihii halkaa ku sugnaa Maalmihii la soo dhaafay ayaa ugu baaqay dhinacyada in ay iska dhaafaan wixii khilaafaad keenaya isla markaana la tageero dadaalka ay IGAD iyo Beesha Caalamku ay waddo.

Hadalkan Ergeyga ayaa imaanaya xilli dadaalkii uu waday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Kismaayo uu ku gacan seeyrey Col. Barre Aadan Shire Barre Hiiraale oo isaga iyo Ciidamadiisu dagaal lagaga gacan sareeyay Kismaayo kula galay Ciidamada Axmed Madoobe taasoo keentay in Magaalada laga saaro Ciidamadii uu watay Barre Hiiraale oo weli ku hanjabaya inuu sii wadayo Dagaalka inta uu Kismaayo ka Xoreynayo waa siduu hadalka u dhigaye.

afey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.