Home » Faallo »

Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay? (Q.1aad) W.Q. Aden Colujoog

Inta aanan guda gelin cinwaanka qormadan oo ah “Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay?”, marka hore bal aan dul istaago in aan si kooban wax uga iraahdo waxa ay luuqadi tahay, halka ay luuqadda Soomaaliga kasoo jeedo, kuwa ay yihiin luuqadaha ay isku bahda yihiin, iyo waliba gobolada looga kala hadlo luuqadahaasi.

Luuqadi maxay tahay?

Luuqad waxaa lagu fasiraa in ay tahay macnaha uu sameeyo dhawaq ama cod (an interplay of sound and meaning), ay isu diraan ama isu tabiyaan bani’aadam ama xayawaan, taasoo aakhirkana keenta in ay xiriirka noocaas ah isku af-gartaan.”

Barashada cilmiga luuqadaha ayaa la yiraahdaa “linguistics”, qofka ku takhasusa cilmigaas ama si fiican ugu hadli kara dhowr luuqadoodna waxaa loogu yeeraa “luuqadyahan” ama “linguist.”

Luuqadda Soomaaliga xagey kasoo jeedaa?

Soomaaliga waxuu ka mid yahay luuqadaha isir ahaan ku abtirsada “Afroasiatic language” oo ay ka mid yihiin Berber, Chadic, Cushitic, Egyptian, Omotic iyo Semitic.

Afroasiatic waa xididka ay ku arooraan luuqado badan oo marka dhinacyo dhowr ah laga eego si gaar ah isugu xiran, gaarayana ilaa iyo 300 oo luuqado nool ah (living languages), kuwaasoo inta badan looga hadlo Bariga dhexe, waqooyiga Afrika, galbeedka Afrika, geeska Afrika, iyo qeybo ka tirsan wadamada dhaca deegaanada la’isku yiraahdo Saaxil.

Tirada guud ee dadka ku hadla luuqadaha la’isku yiraahdo “Afroasiatic” ayaa qiyaastii gaaraya ilaa iyo 362 milyan, ayada oo tan ugu badana luuqadahaasina ay tahay Carabiga oo dadka ku hadla tiradooda ay u dhaxeyso 200 ilaa iyo 230 milyan.

Luuqadaha kale ee sida weyn loogu hadlo ee ku aroora “Afroasiatic” ayaa waxaa ka mid ah: Husa, Oromo, Amharic, Somali, iyo Hebrew-ga danbe “Modern Hebrew.”

Waxaa iyana jira, luuqado ka mid ah bahwadaagta “Afroasiatic” oo ka mid ah luuqadaha inta la og-yahay ugu faca weyn caalamka uguna taariikhda fog, balse aanan ka mid aheyn luuqaaha maanta lagu wada hadlo. Luuqadahaas oo ay qaarkood baaba’een, kuwo kalena qarka u saaran yihiin in ay baaba’aan ayaa waxaa ka mid ah: Ejebshiyaankii hore “Ancient Egyptian”, Akkadian, Biblical Hebrew, iyo Aramaic.

Shabakad la yiraahdo Ethnologue oo wax ka qorta macluumaadka la xariira inta ay la’eg yihiin luuqadaha adduunka looga hadlo, deegaanada looga hadlo, kala badalnaashaha yar ee qaabka ku hadalka luuqadda “dialects”, iyo halka ay asal ahaan luuqadaasi ku xiran tahay “linguistic affiliations” ayaa warbixin ay daabacday sanadkii 2009, cadadkeeda 16aad waxay ku sheegtay in tirada luuqadaha nool ee la yaqaano “known living languages” ay u dhaxeeyaan 5,000 ilaa iyo 10,000, ayada oo kuwa baa’bay (extinct languages), iyo kuwa qatarta ugu jira in ay dhintaan (endangered languages) ay iyana badan yihiin.

Xagee Soomaaliga looga hadlaa?

Soomaaliga waxaa looga hadlaa gudaha dalka Soomaaliya, dalka Jabuuti, gobolka ay Soomaalida degto ee ay Itoobiya xukunto, gobolka Soomaalida (NFD) ee ay Kenya xukunto, iyo qurba joog badan oo ku kala nool wadamada caalamka.

Soomaaliya: Dalka Soomaaliya waxaa ka jira laba luuqadood oo rasmi ah (2 official languages), kuwaasoo kala ah: Soomaali iyo Carabi, ayada oo luuqadda Soomaaliga si weyn looga adeegsado xafiisyada dowladda, baarlamaanka, iyo maamulka.

Jabuuti: Dalka Jabuuti waxaa looga hadlaa 5 luuqadood oo saddex ka mid ah ay yihiin luuqado ay ku hadlaan dadka u dhashay Jabuuti (Indigenous languages) oo kala ah Soomaali, Cafar, Ta’izzi-Cadani Carabi, iyo 2 luuqadood oo kala ah Faransiis iyo Carabi.

Faransiiska iyo Carabiga ayaa waxay dalka Jabuuti ka yihiin luuqado rasmi ah (official languages), kuwaasoo loo adeegsado xafiisyada dowladda, baarlamaanka, iyo maamulka. Luuqadda Soomaaliga oo ay dadka reer Jabuuti intooda badan ku hadlaan, ayaanan qiimeyn weyn oo ka baxsan ku hadalka (spoken language) ku laheyn Jabuuti.

Itoobiya: Dalka Itoobiya waxaa looga hadlaa luuqado badan, tan ay dadka ugu badan ku hadlaana waa Oromo. Luuqadda Amxaariga ayaa ah tan rasmiga ah (official language) ee loo isticmaalo adeegsiga xafiisyada, dowladda, baarlamaanka, iyo maamulka. Waxaa kale oo ay tahay Amxaariga luuqadda qura ee ay qowmiyadaha kala isirka ah ee ku dhaqan Itoobiya ku wada hadlaan (lingua franca.)

Luuqadda Soomaaliga ayaa waxaa gobolka ay Soomaalida Itoobiya ku dhaqan tahay looga isticmaalaa oo kaliya ku hadal (spoken language), sidaas awgeedna, waxaa la oran karaa qiimeyn sidaas u weyn kuma lahan dalka Itoobiya.

Soomaalida Northern Frontier District (NFD)

Luuqadda Soomaaliga ee looga hadlo gobolka Northern Frontier District (NFD) oo ah gobol ay Kenya ka haysato Soomaaliya, ayaa u muuqda mid bulshada Soomaalida ku hadasha Soomaaliga “native Somali speakers” aanay si fasiix ah ugu hadlin, dalka Kenyana waxaa maamulka iyo qoraalada xafiiska loo isticmaalaa luuqadda Ingiriiska, halka ay Sawaaxiliga iyo Ingiriiska ka yihiin labada luuqadood ee la’isku af garto (lingua franca.)

Soomaalida Qurbaha (Somali Diaspora)

Waxaa si weyn u muuqata in da’ yartii Soomaaliyeed ee dalkooda laga kaxeeyay ee la geeyay wadamada dibadda, iyo caruurtii ku dhalatay dalalka dibadda in aanay badankooda waxba ka garaneynin ku hadalka luuqadda Soomaaliga, ayada oo cidda kaliya ee sida fiican ugu hadasha luuqadda Soomaaliga ay yihiin dadkii ayaga oo weyn tagay qurbaha.

Haddaba, marka la eego marxaladda qalafsan ee ay qaxootiga Soomaaliya ee ku nool qurbaha ku nool yihiin, iyo sida deg-degsiiyaha leh ee ay Soomaalida qurbaha ku dhaqan durbaba ugu milmeen dhaqamada bulshooyinka ay la nool yihiin, waxaa la oran karaa “luuqadda Soomaaliga qurbaha kuma sii waari doonto oo waxay u dhiman doontaa si la mid ah sidii ay u dhinteen luuqado badan oo ay ku hadli jireen qaxooti ayaga qurbaha uga horeeyay.”

La soco Q.2aad oo aan kusoo qaadan doono sababaha keena in ay luuqadi dhimato!

Kala soco linkigan: http://somalitalk.com/tag/luqadda-soomaaliga/

colujoog9

Aden Colujoog

Qoraa iyo suxufi madax banaan

adencolujoog@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay? (Q.1aad) W.Q. Aden Colujoog "

  1. maxamed says:

    asc, qoraagu aad ayuu u mahadsantahay, Allaah hakaa abaal mariyo ilaalin haybta ummadda. waxa leeyahay walaalahayga akhristayaash ah luuqadi(af) waa barasho ! waxa ummadayda iiga muuqda inay baylihiyeen barashada afkooda, waan ku dhashay iyo waan u dhashay midna wax ma tarayo, baro!

  2. Adam says:

    Walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay qormadan iyo kuwa kale ee aad soo wadid intaba. Jawaabta su’aasha waxay ilatahay inaysan sii jiridoonin afka Soomaaliga maanta lagu hadlo waayo inta maanta wax akhrisa intooda badan waxay wax kusoo barteen luuqad aan Soomaali aheyn, mana muuqato baahi ay uqabaan inay afka soomaaliga kuhadlan intay dalka dibidiisa kusuganyihiin. Rajo waa jirikartaa haddii maanta dalka sidegdeg ah isugu soo noqono- taas umuuqato mustaqiil- iniaay luuqada iyo qaranimadu wax kaqabano.Waad mahadsantahay

  3. Axyaa-Wadani says:

    Qoraa SARE
    Aadbaa ugu mahadsantahay qormadaan xaqiiqdo Raadiska ah ee aad nasoo gaadhsiiday: Allaha Cimrigaaga raajiyo , luuqadeena Af-ka hooyo dhalinta u baqsan ayaan ka mid ahay . Runtiina waan ku dadaalaa waana ku baraarujiyaa da’yarta ineey adkeeyaan afkooda hooyo oo awysan sinaba u dayicin.

    Qiso- iga qabsaday intaan waday aqriska buuggaagta Af.-Soomaaliga, waxaan joogteeyn jiray Rugta buugaagta Maktabadaha wadankaan Sweden , halkaasna waxaan mar walbaa kasoo deynsan jiray buugaagta afka hooyo nuuc kasteey yihiin gaadh ahaan kuwa Suugaanta iyo Taariikhda+ sheekooyinka. Wiil ka mid ah dhalinta soomaaliyeed ee magaalada isla deganahay ayaa i arkay anigoo buuggaag badan sooomaali ah wata.

    Waxuuna igu yiri ” Af soomaali buug ah intaa aqree ayaa facaa ka haree.
    Waxaan ugu jawaabay : Tiisa gabe tukale ma daryeelo.

    Afkeeyga haddaan buuggaag badan ku aqriyo waxaa ii sahlnaanee inaan bugaag badan oo luuqado kale ah aqrin karo.

    Alxamdulillaah waxaan dareemay horumar xagga afka soomaaliga ah dhanka qoritaanka iyo erayada xitaa dhanka suugaanta fahamkooda ah.

    Mahadsanid Qoraa Sare Aden.