Home » Faallo »

Xasuustaydii Nabad Sugiddii NSS (1976-1991) – Q.6aad

27kii Juulaay 1983 dii , galinkii danbe waxaa Jaamacadda Umadda ka socday dood cilmiyeed looga hadlayay Qabyaaladda iyo Qaranka waxaana ka qayb galay Madaxayne Siyaad iyo Wasiirkii Tacliinta Sare Dr C/Qaasim Salaad (2000 – 2004 Madaxwayne KMG ah ) , anigoo akhrisanaya Sheeko (Dhambaalkii naxriista waxaa qoray Yaasiin Jaamac Falax-Falax), waxaa iisoo galay Hooyaday oo daal ka muuqdo qolkii fadhiga ahaa ee guri aan ka dhistay Hanti Qaran, Hooyaday markii ugu horaysay 6 bilood oo aan gurigaas lahaa iyo markii ugu danbaysay ( Alloow adduun iyo aakhirba ku dhawr ) , intaan markiiba istaagay ayaan Xaaskii waydiistay inay Hooyo soo marti soorto , Marxabba iyo Guddoon , wax yar kadib sooryo gobanimo .

nssWaa casar oo cabitaan iyo shaah carfaya ayay Marwadii guriga soo qotomisay , Hooyaday Intay dhawrtay ayay tiri ‘’ Hooyo Anigu waan ka Soomahanay ‘’ intaan Buuggii aan gacanta ku hayay dhinac iska dhigay ayaan iri ‘’Hooyo soo anaga Maqrib tukanay ‘’ waxay iigu jawaabtay hadal erayo aan ku sagootiyay lahaanshihii Aqalkaas ‘’ Hooyo Xaaraanta Mugdi iyo Maalinba waa la iska dhawraa ‘’ hadalkii ayadoon sii wadin ayay tiri hooyo Ina keen , markiiba intaan shaar soo gashaday ayaan Macawistaan xirnaa dibadda ugu soo raacay.

‘’Hooyo maalinta lagu bud dhigo ee lagu waydiiyo xageed ka keentay xoolahan Hooyow maxaad ku jawaabi ? Hooyow maxaad yeeli lahayd hanta aad ku xafidatay Baanka hadduu qof aan lahayn Aqal ku qalabaysto asagoon abaalna kaaga hayn, War war iyo Walaac ayaa naftaydii hareeyay , Aqalku waa qurxanaa , Hooyadayna anigoo maqlaya ayay Ilaahay ka bariday inuusan Gurigaas iyo Xoolo Xaaraan ahba dheef iiga dhigin , halka ay Hooyaday wax ka arkaysay kamaan arkayn oo aniga waxaa ii muuqday dhalanteedka adduunka iyo iska dhicinta , la baratanka asaagay , Qaatay ee adiguna qaado ahaa , Xalaasha iyo Xaaraantu sumad iima kala lahayn dharaartaas ka hor.

28 dii Juulaay 1983 da Maalin kadib markay wax aqoonka Jaamacadda si cilmiyaysan u baareen Qabyaaladda iyo Qaranka inaysan wada Socon karin ayaa wuxuu taliye xigeenkaygii oo markaas sii haye ahaa ii dhiibay tixraac iyo tusmo guri ku yaallay Xaafadda Shiir kole , wuxuu igu yiri waxaa ku shiraya Rag u badan dhalin yaro dibadda wax barasho uga soo noqday iyo qaar ka baxay Jaamacadaha Dalka , kuligood waa isku Qolo waana kugu qoys, kulankoodu waa caawa siday ku ballameen , Jaalle waxaan caawa jiraa Gurigayga Madiina , Waxaan u gartay waaga yuusan ka baryin Taliye . Sidaas Weeye .

Waxaan sii maray Filla Soomaaliya , shalay galab ayuu Madaxwaynuhu joogay Jaamacadda Umadda oo uu daah furay Dood Cilmiyeedkii 2 aad kuna saab sanaa Qabyaalladda iyo Qaranka , saraakiil la socotay ayaan ka qaatay warbixn kooban , kadibna waxaan soo aaday gurigii Hooyaday anigoo dag dagsan ayaan usoo galay salaan iyo bogaadin kadib waxaan u sheegay inaan soo raagayo caawa Hawl Qaran.

Gaari Laan Guruusal cusub oo Aqoonsi Shacab leh anigoo wata ayaan sii istaagay aqalkay ku shirayeen Dhalin yaradu, waxaan isku mar soo istaagnay Ganjeelka ninkii soo agaasimay isuguna yeeray dhalin yarada ay isku reerka yihiin (Wuxuu ka mid noqday darsinkii R/Wasaarayaal 2000 – 2014) raggii meesha isugu yimid oo intooda badani naga soo horeesay waxay u fahmeen inuu Mudanaha abaabulka waday igu casuumay fadhiga , durba wax yar kadib waxaa furmay hadalkii , Isku duba ridihii ayaa yiri waxaan idiinku yeeray inaan ka shaqayno una midowno danta ‘’Beesha’’ . Dhallin yaradaas waxay dawladdu ugu deeqday gaadiid telifoon iyo kirada halka ay ku shirayaan.

F. Xiirane ( NSS 1976-1991)
fahiira@gmail.com

Qaybaha kale ka akhri: https://somalitalk.com/tag/nss/
_______________

FG: NSS waxaa laga soo gaabiyey “National Security Service” oo ahaa nabad sugidii iyo sir doonkii Soomaaliya (intelligence agency of Somalia) xilligii dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Xarunta NSS waxay ahayd Muqdisho intii u dhaxaysay 1970 ilaa 1990. Wixii ka dambeeyey dagaalkii ahliga ee Soomaaliya 1991 ayey hawl gab noqotay NSS. Waxaana sannadkii 2013 dib u soo cusboonaysiiyey dawladda Federaalka ee Soomaaliya, magaciina u bedeshey NISA oo laga soo gaabiyey “National Intelligence and Security Agency”.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.