Home » Maqaallo »

Beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo Baaq u Direy Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Golaha Dhaqanka Qawmiyadda Beelaha Jareer Weeyne waxay kugu salaamayaan Salaan la isku salaamo midda ugu qiimaha badan ee Asalaamu Calaykum Waraxmatu laahi Wabarakaatu.

somali77Mudane Ra’iisul wasaare waxaanu kuugu Hambalyeyneynaa kuguna taageereynaa Safaradaadii aad ku kala bixisey Gobolada dalka qaarkood gaar ahaan safarkii aad ku tagtay Gobolka Shabeelaha dhaxe Jowhar, Hiiraan Buulo burde iyo Jubada Hoose ee Kismaayo, sababtoo ah mar haddii aad booqatay meelihii dhibaatadu ka jirtay soona ogaatay indhahaagana aad ku soo aragatay kuuna sheegeen baahidooda si aad wax ugu qabatid maxaa yeelay waa tii hore loo yiri (- War helaa talo Hela-), waxaana lagaa sugayaa in xukuumadaadu wax ka qabato maadaama hadda lagu jiro xiligii Gu’ga loo diyaar garoobi lahaa tacab iyo wax soo saar.

Md Ra’iisul wasaare Golaha Dhaqanka Qawmiydda Beelaha Jareer weeyen waxay kuu sheegayaan inay jirto cadaalad darro gobolada, maamul goboleedyada iyo degmooyinka, tusaale ahaan Gedo, Jubada Dhaxe Jubada Hoose laga soo bilaabo Beled xaawo laga soo bilaabo illaa laga keeno Kismaayo Wabiga labadiisa dhinac waxaa dega Beelaha Jareer Weeyne kana kooban Soddon iyo Lix Qabiil, haddii ay noqoto in maamul goboleed la dhiso sedaxdaas Gobol lagama siiyo xuquuqdii ay ku lahaayeen hadday ahaan lahayd Guddoomiye Gobol Degmo iyo Maamul Goboleedb.

Nasiib daradaas dhacday ayaa waxa ay tahay in dad ku tegay Ganacsi shaqo ama hoggaamiye Kooxeed loo tixgeliyo Qabiil ahaan, dadkii degaanka u dhashay kana qayb qaadanayay Cashuurta, wax soo saarka iyo Kobcinta Dhaqaalahana lagama tixgeliyo

Haddaba waxaa in la is weeydiiyo mudan Maamul Goboleedyada kala ah Somali-land, Puntland iyo Gal Mudug waxaa maanta ku nool dad haddii la qiyaaso ka badan kuwii u degganaa haddana looma oggola in ay ka qayb qaataan maamuladooda iyo siyaasadooda miyaysan ahayn Caddaaladdarro in loo ogolaado dadka ka yimid Goboladaas aan soo sheegnay marka ay yimaadaan Jubbooyinka iyo Shabeelooyinkain ay iyagu hoggaamiyaan Siyaasadda iyo Maamulka Goboladaas.

Md Ra’iisul Wasaare waxaan kaaga fadhinaa sidii aad wax uga qaban lahayd Cadaaladdaradaas aan soo sheegnay adiga iyo Xukuumadaada, waxaadna ogaataa adiga iyo nin kastoo mas’uul ah oo kaa horeeyay ama hadda jooga uu Ilaaheey wax idinka weydiin doono arrimaha Jareer Weeyne.

Codsi mudane Ra’iisul wasaare waxaan kaa codsaneynaa in aad noo ogolaatid inaan kula kulano si aan kuugu faah faahino waxa jira.

“Wa Billaahi Towfiiq.”

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka Qawmiyadda Beelaha Jareer Weyne.

Shiikh Muqtaar Cabdi Rooble.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.