Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee magaalada Kismaayo

Muqdisho, April 13.2014——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee magaalada Kismaayo, sida dhisme loo diyaarinayo baarlamaanka iyo Wasiirada maamulka Jubba, Dekedda, Isbitaalka guud, Iskool H/dhexe ee Ganaane iyo dhismaha Wasaaradda Arrimaha gudaha, isaga oo dhanka kale xariga ka jaray Banki uu yeelan doono maamulka Jubba.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerkiisan ku wehliyay hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Madoobe, wasiiro iyo xildhibaano, waxaana intii uu ra’iisul wasaaruhu booqanayay xarumahan u kuurgalay xaaladda ka jirta goobahan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar uu kormeerayay isbitaalka guud ee degmada Kismaayo waxa uu warbixino ka dhegeystay dhaqataatiirta iyo howlwadeenada isbistaalka, waxayna ka codsadeen taakuleyn deg deg ah oo dhanka daawada, wuxuuna u balan qaaday in Wasiirka Caafimaadka ee dawladda Federaalka uu booqasho ku iman doono Kismaayo si Wasaaradda Caafimaadku ay taakuleyn deg deg ah ugu fidiso Isbitaalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa si deg deg ah amar ugu siiyay Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dawladda Federaalka in la soo gaarsiiyo magaalada Kismaayo raashin gargaar ah, waxaana uu qadka telefoonka kula hadlay intii uu kormeerka ku jiray Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdullaahi Goodax Barre, waxaana raashinkan lagu soo daabuli doonaa Doonyo. waxa uuna qeyb ka noqonayaa raashinka gargaarka ah ee xukuumada Soomaaliya ay gaarsiisay degaanadii laga xoreeyey kooxaha nabadiidka ah ee Shabaab.somali73

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xariga ka jaray Banki uu yeelan doono maamulka Jubba, waxaana Bankigani uu noqon doona mid shaqeeya oo la dhigo lacagaha maamulka Jubba, si kharashaadka soo gala maamulka loogu isticmaalo nidaam iyo hufnaan.

“Waan ku faraxsanahay horumarka iyo dib u dhiska uu maamulku ka wado magaalada Kismaayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh isaga oo xusay shacabka Jubbooyinku ay dib u dhac ku jireen wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii Millateriga balse haatan loo baahan yahay inay horumariyaan degaanadooda.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkiisa ku soo gabagabeeyey Dekedda weyn ee Kismaayo, isaga oo u kuurgalay xaaladda dekedda, waxaana ka muuqanayay burbur xoogan oo soo gaaray qeybaha ay ku soo xirtaan maraakiibta, isaga oo balan qaaday in dawladda Federaalku ay ka qeyb qaadaneyso sidii dayactir loogu sameyn lahaa Dekedda maadaama ay tahay goobta kaliya ee loogu adeego shacabka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka.

—Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Kismaayo, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.