Home » Warar »

Wasiiru Dowlaha Arriamaha Dibadda oo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyey muwaadiniin laga soo tarxiilay Kenya

Muqdisho, 09,April, 2014… Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Burci Xamza ayaa maanta ku soo dhaweyey Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cade 81 qof oo laga soo tarxiilay dalka Kenya,

Wasiirka oo war fidiyeenanada kula hadlayey Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aysan ka gaabin doonin kaalinteeda ku aadan daryeelka shacabkeeda,
somali65

“Anigoo ku hadlaya Magaca Ra’iisul Wasaaraha, kan Xukuumadda iyo Shacbiga Soomaaliyeed, waxaan ku soo dhoweynayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed dalkooda hooyo. Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumadiisa, waxay ku dadaalayaan inay u fududeyso muwaadiniinteeda ku soo noqday wadanka wixii tas-hiilaad ah oo ay u baahan yihiin inta ay la midoobayaan qooysaskooda iyo qaraabadooda” ayuu yiri Wasiiru Dowlaaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu xariiro joogta ah la sameeyey Madaxda Dalka Kenya si wax looga qabta dhibaatoyinka haysta Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi.

“Ra’iisul Wasaare Cabdiweli wuxuu xiriir la sameeyey masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Xukuumadda Kenya si xal waara loogu helo dhibaatooyinka haysta Soomaalida ku nool wadanka Kenya” ayuu yiri Wasiirku

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in loo xilsaaray la tacaalida xaaladaha qalafsan ee haysta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool xaafada Islii Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdullahi Godax Bare iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi mudane Maxamed Cali Ameriko.

Ugu danbayntii Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in Dowladdu ay ugu baaqeyso hey’adaha caalamiga ah ee gargaarka iyo kuwa Xuquuqul insaanka inay gacan kaalmo ah ay siiyaan dadka Soomaaliyeed ee dib loogu soo celinayo wadanka , iyagoo la kaashanaya hey’adaha Dowladda.

somali66

—-Dhammaad—
Buri’ Hamza oo ku soo dhoweeyay Muqdisho 82 ruux oo Soomaali ah oo laga soo daad gureeyay wadanka Kenya .

Mogadishu, April 09, 2014- Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha caasimadda Muqdisho 82 ruux oo muwaadiniin Soomaali ah oo qaxooti ku ahaa Magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya , kuwaasoo dalka dib loogu soo celiyay .

Soo dhoweynta garoonka diyaaradaha loogu sameeyay qaxootigaasi dib loo soo celiyay ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah xubnaha golayaasha Wasiirada,baarlamaanka,talisyada hey’adaha amniga qaabilsan, agaasinada hab maamuuska iyo qurba jooga ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ,hey’adda qaxootiga qaranka iyo Mas’uuliyiin kale .
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ,ayaa halkaasi ka akhriyay war – saxaafadeed u qornaa sidatan :

Anigoo ku hadlaya Magaca Ra’iisul wasaaraha, guud ahaan Xukuumadda iyo Shacbiga Soomaaliyeed, waxaan ku soo dhoweynayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed dalkooda hooyo.
Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumadiisa, waxa ay ku dadaalayaan inay u fududeeyaan muwaadiniinta dib loogu soo celiyay dalka wixii tas’hiilaad ah .

Dowladda Federaalka Soomaaliya , kama gaabin doonto kaalinteeda ku aadan daryeelka dadkeeda .
Dowladdu waxa ay u xilsaartay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka, H.E. Abdullahi Godah Barre iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Kenya , Ambassador Mohamed Ali Nur la tacaalidda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Kenya .

Ra’iisul wasaare H.E. Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed wuxuu xiriir dhanka isgaarsiinta ah la sameeyay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Kenya , si xal waara loogu helo arrimaha Soomaalida ku nool wadanka Kenya .
Dowladdu waxa ay ugu baaqeysaa hey’adaha caalamiga ee gargaarka iyo kuwa xuquuqul insaanka inay gacan kaalmo ah siiyaan dadka Soomaaliyeed ee dib loogu soo celinayo dalka , iyagoo la kaashanaya hey’adaha dowladda.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ku dhawaaqay in Muqdisho laga sifeeyey Waxyaalaha Qarxa

Muqdisho, 09, April, 2014…. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qaybgalay kulan lagu shaacinayey guul laga gaaray waxyaalaha qarxa oo laga sifeeyey magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyey saraakiil ka socotay Midowga Yurub, hay’adda Qaramada Midoobey ugu qaabilsan la dagaalanka miinada ee UNMAS iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa ku dhawaaqay warka ah in magaalada Muqdisho laga sifeeyey waxyaalaha qarxa . Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa gacan ka geysatay sidii loogu guuleysan lahaa hawshan caasimadda lagaga sifaynayey waxyaalaha qarxa.

“Ma dooneyno in dadkayagu ay ku sii jiraan nolol cabsi iyo deganaansho la’aan ah. Carruurta Soomaaliyeed waa in ay helaan mustaqbal aanay ku jirin cabsi iyo argagax. Waxa ugu muhiimsan waa in carruurteennu helaan nolol wanaagsan. Sidaasi ayuu yiri Re’iisul Wasaare Cabdiwali.

“Maanta waxaa war lagu farxo ah in aan ku dhawaaqno in Muqdisho laga sifeeyey waxyaalaha qarxa.Masuuliyad ayaa naga saaran in aan dalka ka ciribtirno waxyaalaha qarxa ee khatarta ku ah nolosha muwaadiniinteenna. Waxaan u mahadnaqayaa dhinacyada naga taageeray fulinta hawshan muhiimka ah” sidaasi ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali waxa uu sheegay in hawlaha dalka lagaga sifaynayo waxyaalaha qarxa aanay ku koobnayn caasimadda ee waddanka oo dhan laga samaynayo si loo helo qaran aanay muwaadiniintiisu ka cabsi qabin in dhibaato ka soo gaadho waxyaalaha qarxa.

Mudane Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa tilmaamay in waddanku uu ku soo jiray tobanaan sano oo nolol lagu waayey sabab ka dhalatay waxyaalaha qarxa, iyadoo magaalada Muqdishona ay ka mid ahayd meelaha ugu daran maadaaama ay ka dhacayeen dagaaladii ugu badnaa.

Ka sifaynta waxyaalaha qarxa ee magaalada Muqdisho ayaa u taagan libin muhiim ah, waxana ay muujinaysaa sida Soomaaliya ugu socoto dariiqa is-bedelka iyo horumarka.

—-Dhammaad—

Abdirashid Muse Said
Press Officer for the OPM
Mogadishu-Somalia
Email:media@opm.gov.so
Tell:+252616318823

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.