Home » Faallo »

DALDALAADDA GODANE !!! MA U WAAYEY XIJAAJ ???? (1)

HORUDHAC;

Taariikhda islaamka waxaa ku jirta xiliyo lala dagaalamay Khawaarijta siiba waqtigii xukunkii Ummawiyiinta ooy aad u xoogeysteen ayaa ka faa’ideysanaayey Dagaalkii Muslimiinta dhexdeeda ee bilowday kadib dimashadii amiirkii macaawiye ibnu yaziid .
waqtigaas oo uu Ciraaq iyo Xijaaz uu ka talinaayey C/llaahi ibnu Zubeer muddo 17 sano ah oo uu wallaalkiis Muscab ibnu zubeerna uu Ciraaq haystay.
Ummawiyiinta oo Shaam iyo Masar haystay waxaa Hogaaminaayey Cabdimalik ibnu Marwaan, waqtigaas kala qeybsanaanta Muslimiintu ay jirtay ayey ka faa’ideysteen Khawaarijtu oo xoogeysteen sida Haddaba ay Al-shabaab uga faa,ideysteen Firaaqa dawladnimo ee Soomaaliya.
Maxaa xalay caawa uga eg ??? Ma godane ayaan xijaaj u waayey ???!!!
Haddaba waxaa jiray Nin Khawaarijta ka tirsan oo Geesi ah oo lagu magacaabi jiray ( Shabiib ) abuu madallah ( laa xukmah ila Allaah ) !!!! waa ninka ay ku abtirsato Khawaarijta kuwooda la yiraahdo Shabiibiyah .
Ninkaas iyo Naagtiisa Ghazaallah waxay Nadar ku mareen in ay Baqdaad Qabsadaan oo waliba Ghazaalah waxay ku nadartay in ay masjid Jaamaca Baqdaad in ay ku tukato labo rakcadood oo sunna ah oo mideeda hore ay Akhrineyso Suratul Al-Baqrah midda labaadna ay akhrineyso Suuratul AL-Cimraan, weyna ka dhabeysay oo magaalladdii Baqdaad ee weyneyd bay qabsadeen.
Waa markaas marka loo baahday in uu dagaalkaas ka soo qeyb galo Amiirkii Geesiga ahaa ee Xijaaj ibnu Yusuf, maxaa ku ogeysiiyey Xijaaj ??? Waa Ninkii Ciraaq oo loo taag waayey Edbiyey ee yiri Hadalkiisii caanka ahaa : ( waxaan u jeedaa Madaxyo bislaaday oo u baahan in la guro ) !!!.
Waa geesigii dhidibadda u aasay xukuumadihii Ummawiyiinta ee 70 sano ka talineysay Carradda Muslimiinta ??? Waa Ninka uu Amiirkii Cumar bin C/siiss RC uu yiri : ( Haddii Ummaduhu iskugu faanaan xagga xumaanta annagu waxaan ku faani laheyn Xijaaj ibnu Yusuf.
waa Geesigii markii uu Dhimanaayey yiri : ( Ilaahoow dadku waxay u haystaan in aadan i cafineynin ee i cafi ) !!! .
wuxuu kaloo yiri Cumar Bin C/siis : ( عن عمر بن عبد العزيز أنه قال: «ما حسدت الحجاج عدو الله على شيء حسدي إياه على: حبه القرآن وإعطائه أهله عليه، وقوله حين حضرته الوفاة: “اللهم اغفر لي فإن الناس يزعمون أنك لا تفعل”»
XIJAAJ BIN YUUSF KUMA AANAN XASDIN CADAWGAAS ILAAHAY ILAA QURAANKA UU JECEL YAHAY MOOYEE IYO U ROON YAHAY AHLU QURAANKA IYO HADDALKIISII MARKUU SAKARAADAAYEY : ILAAHOOW II DANBI DHAAF ,DADKU WAXAY SHEEGAAYAAN IN AADAN II DAMBI DHAAFEYNIN ) !!!!
Taariikhdiisii horena wuxuu ahaa macallin Dugsi oo Quraanka wuu xifdisanaa.
Daggaalkaas markuu ka soo qeyb galay Xijaaj ,Khawaarijtii dagaal adag bay kala hor tageen se markii danbe waa la jabshay ??? Maxaa Caawa xalay uga eg ??? Ma Godanaan Xijaaj u waayey ???!!!.
Shabiib Colkiisii markii la jabshay waa la baacsaday sida loo eryanaayo ayuu faraska ku kor seexdaa oo gamaanyoodaa ,se mar ayuu intuu soo kaco colkii ka horyimaadaa oo qaar ka laayaa, sidaas markii ay muddo ku socotay ayey buundo wabi ku yimaadeen ,markaas buu shabaab Buundadii Faraskiisii kala dhacay ,asgoo leh ( ) Halkaas buuna ku dhintay .
Markii Subaxdii maydkiisii la soo baxshay ayaa Xijaaj caloosha ka jeexay oo wadnihiisii soo saaray ,kadib ayaa la arkay wadne yar oo adag oo markii dhulka lagu dhufto sidii banooni boodbaadaaya.
Shabiib Hooyaddiis oo 80 jir ah waxay aheyd khaarijiyat macnaa shabaab ??? Dhawr mar baa la yiri : Wiilkaagii shabiib waa la dilay ???se markasta waxay weydiin jirtay waxa lagu dilay markii la yiraahdo waran ama seef ama toori waxay dhihi jirtay shabiib ma dhimanin ???!!!.
Markaan markii loo sheegay in uu wabi ku dhacay oo maashooday, waxay tiri : Maanta ayuu dhintay, maxaayeelay markaan Uurka ku waday ayaan ku riyooday Anniga oo caloosha dab u sida ??? Dabna biyo uun baa bakhtiiya ???!!!
sannadkaas wuxuu ahaa 76 Hijriyadda , sidoo kale 79 Hijriyadda wuxuu dilay khaarijigii caanka ahaa Qudri ibnu Fujaa’iyah ee gabayaagga ahaa oo uu madaxiisii u keenay Boqorka Cabdi Malik RC , sidoo kale wuxuu asagana jabshay oo khaarijigii C/raxmaan ibnu Ashcas sannadkoo 85 Hijriyadda Seddexdaas Khawaarij ee madaxda ahaa oo gadaal lagu magacaabo Al-Shabiibiyah,AL-Fujaa’iyah iyo AL-ashcathiyah waxaa gumaadau Geesigaas weyn ee Xijaaj bin Yusuf Allaah ha u raxmadee.
Maxaa caawa xalay uga eg ??? Ma Godanaan , Xijaaj u waayey ???!!!.
Xasuuqii Buulo Jameeco :
Akhristoow xasuuqii ay Al-shabaab Shufto ka geesteen Buulo Jameeco oo u dhaw Buur Xakaba ayaa ahaa mid Soomaali oo dhami u ooyday ,xasuuqa odayaal Dhaqameedka bir ma gaydada ah ,Naboodoonada waligood u tafa xeydnaan Nabadeeynta Beeshooda iyo beelaha kaleba.
Waddada wada shiikhyadda ah ee kan ugu yar 60 jirka uu yahay ???!!!.
Akhristoow ha igu doqonoobin oo ha dhihin shabaab waa iska fogeeyeen ??? Maxaa Caawa xalay uga eg ??? Hoteel Shaamuu ma ilowdeen Dec 4, 2009.
Shabaab tan oo kale ma qirtaan iyo Hoteel shaamuu haddii ay qirtaan waa laga soo kala cararayaa ,waanna lagu wada duulayaa ,ayagoon xataa haatan wax sumcad ah ku haysanin Soomaaliya.
Malaaqyaddaas Magacyadoodu waxay kala ahaayeen;
1) cusmaan maxamud cumar ( Goobaale).
2) Axmed mahad cali.
3) Xaaji Cumar shiikh.
4) Abukar mohamed Ahmed.
5) Nuur Sh Mohamed Abdullaahi
6) Mucaawiye shariif mohamed yarow.
7) Shariifoow Cali Aboowe
8) Caddow nuur mohamed .
Allaah Nabaddoonadaas Soomaaliyeed ha u naxariisto annagana gadaashood Allaah nama fidneeyo !!! Jannatul firdowsa Allaah ha ka waaabiyo .
Maqaalka waxaan ku soo gabagabeynayaa in Allaah na siiyo Xijaaj bin yusuf oo kale oo shabaabka wadankeena ka sifeeya ??? maxaa caawa xalay uga eg !!! godane ma u waayey Xijaaj !!!!.
Waa in xoogga Dalka Soomaaliyeed noo keenaan madaxa Axmed cabdi Godane iyo Fu,aad Shongale, Mukhtaar Rooboow , Cali dheere indho guduud, Abuu Muscab, Dulyadeen ,ina kaba jecel ,kaba ku tukade iwm .
Maqaalka qeybtiisa labaad waxaan ku soo qaadanayaa sida dawlladu ula dhaqantay Xasan Daahir Awees oo ahaa ninkii huriyey Dagaalkii Qarxay May, 2009 markii uu ka soo noqday Ereteriya , taas oo aheyd mid caddaallada ka fog ???!!!.
FII AMAANI LAAH .
Shiikh Sahid mohamed yusuf
USA, VA
sahidyusuf@yahoo.com.
AL-Mutakhasis fil xarakaat Al-islaamiyah .
(1) sheekooyinka xijaaj, shabiib ,fujaaiyah,Ashcath ka aqri Bidaayah wa Nihaaya sannadaha 73-85

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " DALDALAADDA GODANE !!! MA U WAAYEY XIJAAJ ???? (1) "

  1. Guled says:

    Asc,
    Waryaa islaam ah, waxaa cajiib ah ninkii oo hadda nool oo ka jawaabi kara wixii la fahmi waayo ayaa lagu been abuuranayaa.
    Waxaa idinku filan idinkoo dhaha maxaad ka wadaa tusaallahaad.
    Fadlan qoraalka dib u akhriya, iskuna daya in aad fahamtaan. Anigu saad u fahamteen uma aan fahmin.

    Guled

  2. ahmed says:

    walaalka maqaalka qoray waxaan hada kahor aqriyay hadaanan qaldaneeyn waxaan kamid ahaa kooxihii islaamiyiinta somalia sagaashameeyadii asagoo leh marka hada waa asaga leh hala xisaabiyo xasan daahir aweeys aniga uma doodayo xasan daahir dadka somalidana hadii eey arkaan qof qofkale u hadlaya waxaa kusoo dhaca malaha waa isku qabiil xataa aniga iskuma dhowin laakiin hadii in la xisaabiyo noqoto soo asaga xataa walaalka uma baahna in laga xisaabiyo waagii uu qaldanaa oo uu kamid ahaa xarakaatkaan hadii uu wax geestay hadaba somalida uma wanaagsan mindi mindi ku taag somalia qof aan dambi galin wuu yaryahay haba ugu badnaadaan kuwaan madaxda noo ah iyo ciidanka qaranka kuwa lagu sheegayo oo ciidankii qabqablayaasha ah marka waxaan kula talin lahaa walaalka iyo walaalah somaliyed oo dhan in la is cafiyo cidnana aan waxbana loo raacan sidaasna waa cusub somalia ugu baryo

  3. umuabdirahim says:

    walaal asc qoraga waxaan u sheegi lahaa in uusan xajaaj bin yuusuf oo kale islaamka tusaale ugu qaadan ………taariikh madow weeye xajaaj bin yusuf taariikhdiisa marka yeyesan dadka caaamda ah ku qaldamin qoraaladaada oysan u qaadan in uu ahaa xajaaj nin cadaalad badan wapilaahi towfiiq

  4. Qolo aan isku qoys nahay oo la yiraahdo,TUUGO ORAD DHEER,qoraaga ayaa garanay
    maka cadaaladiisa waxey tahay inuu xaqa ka indho beelay,takhasuskiisan wuxuu yahay
    Raali gelinta qolada uu u shaqeeyo.

  5. SCWXWB:
    Maqaalkayga ereyaddaan baa ka mid ahaa xaggee Akhristayaasha ku il duufeen ???!!! Xijaaj bin yusuf nin ceynkee ah buu ahaa : [ Amiirkii Cumar bin C/siiss RC uu yiri : ( Haddii Ummaduhu iskugu faanaan xagga xumaanta annagu waxaan ku faani laheyn Xijaaj ibnu Yusuf) ].
    Haddaba anigu Maqaalkayga ugama hadleynin xumaantii xijaaj ee waxaan ka soo qaatay wanaagiisii oo aheyd in uu Seddex kacdoon oo weyn oo khawaarij ah uu cagta mariyey ???!!! Waa kacdoonkii Shabiib iyo Qadri iyo Ashcath ??? Haddii uusan xijaaj khwaarijtaas cagta marin laheyn maanta Islaam sax ahi nama soo gaareen , oo waxaa noo talin lahaa Naasa weyne iyo Xiirane Aabihii Khawaarijta .
    Dhanka kale annigu ma oranin Ilaahoow Nin Xijaaj oo kale ah nagu salid ee waxaan iri ilaahoow Nin Xijaaj oo kale ah ku salid AL-shabaab .
    Daldallaadda Godane ma u waayey Xijaaj ???!!!
    Ninka caddaalladda daliilsanaayoow Xijaajna u caddaalad fal ileen waa ninkii soo af meeray dagaalladdii Khawaarijta.
    Akhristayaasha waxaan ka codsanayaa in dhibcaha xuruufta dushooda la saaro ee aan la fahmi waayin Qoraaladeyda faraha badan ee ku saabsan AL-shabaab shufto.

  6. SCWXWB:
    Maqaalkayga waxaa ku jira ereyaddan : [ Amiirkii Cumar bin C/siiss RC uu yiri : ( Haddii Ummaduhu iskugu faanaan xagga xumaanta annagu waxaan ku faani laheyn Xijaaj ibnu Yusuf ) ].
    Haddaba xijaaj xumihiisii waan sheegay se Maqaalkaygu wuxuu ku saabsan yahay Wanaaghiisii oo ah in uu kacdoonkii AL-khawaarij uu baa’bashay oo Seddex madax iyo colkoodiiba uu baabashay !!! Taariikhdu ilow ma leh ???Haddii uusan Xijaaj kacdoonadaas damin laheyn maanta Diin sax ahi nama soo gaarteen ee Naase weyne iyo Xiirane iyo Godane ayaan na xukumi lahaa ???.
    Dhanka kale annigu Allaah kama baryin in uu xijaaj oo kale nagu ciqaabo ee Al-shabaab baan uga baryey in uu xijaaj oo kale ku ciqaabo ???!! Marka yaan haddaladeyda la badalin !!!
    Xijaaj haddii uusan Shabiib & Qadri iyo Ashcath dili laheyn maanta AL-khawaarij wey ka xoog badnaan laheyd Azaariqadda khaliijka ku nool.

  7. muslim says:

    Nin si faanshay waa lax is nuugtay. maqaalada aad soo qorto waxay u badan yihiin kuwa aan loo fiirasan ama qof aqoon u leh waxaad ka hadlayso ay ku hadaaqaan. waxaad fiirisaa waxay culumada ka qoreen taarikhda xajaaj bin yuusuf. Umada cadaalad deeqda ayay u baahan tahay ee allow na sii abuubakar assadiiq oo kale.

  8. Sh Mohamed says:

    Xajaaj waxaad ku faanineysaa xumaantiisi iyo dhibkii uu ummada Muslimiinta ku haayay. Maa sheegtid “sheekhow” sida uu culimada ulaayay.
    Maaf sheegtid duqeyntii uu kacbada u geestay
    Maad sheetid leeyntii uu laayay saxaabadi waaweyneyd si Cabdullaahi Bin Zubeyr

    ma waxaad weysay inaad muslimiinta tusaalo ugusoo qaadato nin Xajaaj karoon.

    Yeysan kaa tanbadin neceebka ad u qabto Shabaab.

  9. Run sheege says:

    Asc salaan ka dib illaah wuxuu qur,aankiisa ku leeyahay yeesan idin ku xambaarin cadaawad aad u qabtaa qoom kale inaydaan cadli sameenina. Walaalkeyga qoraayga ah wuxuu qoray wax aan aniga la yaabay oo ah in uu maanta raboodo in illaah Nagu salido qof xijaaj oo kale ah. Xijaaj ma wuxuu ahaa nin wanagsan waa maya asaaba qoraalkiisa ku caddeeyay inuusan wanaagsaneen. Xijaaj ma wuxuu laayay kaliya khawaarij mise shacab masaakiin aha ay ku jiraan taabiciyiinta uu laayay sida saciid bin jubeyr? Ma ogolaaneysaa adiga in nin ka amar qaata dowlada uu laayo qof walboo dowlada dhaleeceesa waa maya oo adiga ayaa si u mucaaradsan mana ogolid in xijaaj oo kale lagugu salido. Waxa maanta naga maqan maahan hogaamiye ee waa inaan anaga noqonaa dad ogol in la hogaamiyo ayna jirto meel ay rabaan in hogaamiyo oo ah qaranimo. Soomaali haddaan nahay qaran qabiil aan ka dooranay oo hadda magac qurxoon loo baxshay “Dowlad goboleyd”. Xijaaj iyo nin u eg illaah kuma salido umddaan ogoowna ninka aad rabto xijaaj oo kale inuu noqdo wuxuu leyn doonaa qof walboo dowladda si u mucaaraddo adigana waad soo geli. Aan dhahno Godane allaha naga qabto soomaaina qaranimada allaha jecleysiiyo. Mahadsanidiin