Home » Warar »

Beelaha Jareer Weyne oo ka hadlay Kulan Xasaasi ah oo ay la qaateen Gudoomiyha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Waxaa la isku Afgartey in Beelaha Jareer weyne Xubno Muhiim ah ku yeeshaan Maamulka Degmooyinka Gobolka Banaadir..

Waxaa Xarunta Qowmiyadda Beesha Reer Weyne ee ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kulan balaaran , waxaana Kulankaas ka soo qayb galey Qaybaha kala duwan Bulshada Sida Salaadiinta , Cuqaash, Waxgaradka, Culimadudiinka, Dhalinyarada iyo Haweenka , waxaana Kulankaas Ujeedkiisu ahaa Faahfaahinta kulan ay dhawaan la yeesheen Gudoomiyaha Gobolka Banaadi ahna Duqa Magaalada Muqdisho Gen Xasam Maxamed Xuseen (Muun Gaab

Ugu Horeyntii waxaa Kulankaas ka Hadley Gudoomiyha Guddiga Dhaqanka Qowmiyada Jareer weyne Ex- Xildhibaan Shiikh Mukhtaar Cabdi Rooble oo Sheegey in Qowmiyadda Beesha Jareer Weyne ay aad u soo dhaweyneyso isla markaana ay Bagaadinayaan Gudoomiyaha iyo Duqa Magaaladda Magaalada Muqdisho Jen Xasan Maxamed Xuseen (Muun Gaab ) wuxuuna Ilaah uga Baryey in uu la Garab galo Xilkaas Culus ee loo magacaabey

“Waxaan ka Mahadcelineynaa sida Gacaltooyada leh ee Naxariista leh ee uu noo soo Dhaweeyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadi ahna Duqa Magaalada Muqdisho Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muun Gaab waana mid aan ka fileyney, wixii Talooyin ah ee aan u Gudbiney si wanaagsan buu nooga aqabaley oo ah in uu Beesha Jareer weyne uu ka qayb gelinayo Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan Degmooyinkiisa “ ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Cabdi Rooble oo sheegey in Beelaha Jareer weyne ay la shaqeyn doonaan Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir

Sidoo kale waxaa kulankaas ka Hadley Shiikh Xasan Yarow Xasanow oo ah Afhayeenka Beelaha Jareer weyne oo sheegey in Beelaha Jareer weyne ay degen yihiin Gobolo fara badan iyo Gobolka Banaadir sidaa darteed waxaana ka Codsaneynaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muun Gaab uu Horseed u noqdo sidii Beelaha Jareer weyne ay u heli lahaayeen Xaquuqaha faraha badan ee ka maqan Beelahaas oo uu sheegey in Maamuladii Dalka soo marey ay Gacan Bidixeeyeen.
somali67
Xaaji Mucaawiye Maxamed Axmed oo ah Gudoomiye ku Xigeenka Guddiga Dhaqanka Qowmiyada Jareer Weyne oo isna halkaa ka Hadley ayaa si weyn ugu Dheeraadey in Ilaah uu dhinac weliba ka simey Baniaadamka gaar ahaan Ummadaha Islaamka taasoo loo baahan yahay sidii loogu Dhaqmi lahaa, waxaa kale uu u soo jeediyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadi ahna Duqa Magaalada Muqdisho Gen Xasam Maxamed Xuseen (Muun Gaab) in uu ka dhabeeyo go’aamadi ay hore u wad gaareen oo ahaa in Beelaha Jareer weyn ay Xubno Muhiim ah ku yeelan doonaan Maamulka Gobolka Banaadir

Xubnihii kale ee ka Hadley Kulankaas waxaa ka mid Marwo Wiilo Qamiis Cabdalla oo ku Hadleysey Magaca Haweenka Beelaha Jareer weyne waxayna ugui horeyntiii Hambalyo u dirtay Gudoomiyaha iyo Duqa Magaalada Muqdisho Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muun Gaab) sidoo kale waxay soo dhaweysey Kulankii balaarnaa ee ay wada yeesheen Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Jareer Weyne iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadi ahna Duqa Magaalada Muqdisho Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muun Gaab), waxayna ku baaqdey in si Hufnaan ah loo fuliyo wixii Go’aano ah ay wada gaareen Labada Dhinac

W/D Amiin Yusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.