Home » Faallo »

Mu’asasada Al-Minhaaj oo shaacisay in la qaban doono Tartanka Qur’aanka ee Heer Gobol, ganacsatadana ugu baaqda inay door ka qaataan

Mu’asasada Al-Minjaah ee dacwada iyo horimarinta ayaa galabta uso bandhigtayshacab waynaha reer puntland talaabada ay ugu diyaar garoobayaan tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Heer Gobol,kaasi oo la qabto sanad kasta marka la gaaro Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

somali62

Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaah Sheekh Maxamed Maxamuud Ciise oo Saxaafada kula hadlay magaalada Bosaso ayaa sheegay in tartanka Qur’aanka Kariimka ah la qaban doono bisha Ramadaan,wuxuuna xusay in saddexdii sano ee ugu dambaysay ay tartanka xoogiisa ay ay ka qayb qaadanaysay Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis,hasa yeeshe sanadka ay u furan tahay dhamaan Shirkadaha dalka iyo cid kasta oo ka qayb qaadanaysa dhiiri galinta Ardayda ku baratamaya Qawlka EEBE.

”Qur’aanka Kariimka ah Tartankisii la qaban jiray waa la qaanayaa,waxaana lagu qabanyaa Garowe,Bisha Ramadaan ayaa la qabanayaa,waxaan iclaamainaynaa Bulshada Muslimka ah ee Puntland ku dhaqan iyo dadka Qur”aanka Kariimka ah ka saqeeya in tartankii uu xiligii jiro loona diyaar garoobo”Ayuu yiri Guddoomiyaha Mu’asasada Minhaaj.

Wuxuu intaas ku daray in tartanka looo xilsaaray Guddi ka kooban saddex xubnood,kuwaas oo kala ah;-

1-Sheekh Cismaan Maxamuud Xaaji Diriri

2-Sheekh Axmed Yuusuf Daad.

3-Ustad Maxamed Cabdulaahi Cabdule.

”Sidoo kale waxaan u iclaaminaynaa in hawsha tartanka lagala soo xiriiri doono saddexda xubnood,tartanka Qur’anka Kariimka ah xoogiisa Shirkadda Golis ayaa Maalgalinaysay,laakiin sanadkaan Shirkadaha oo dhan waa u furan tahay,waana ku dhiiri galinaynaa Qur’aanka sharfidiisa iyo Kor u qadidiisa waan ku dhiiri galinaynaa”Ayuu yiri Sheekh Maxamed Maxamuud Ciise.

Dhan kale Gudoomiyaha Minhaaj ayaa ka codsaday Xukuumadda Puntland inay ka qayb qaadato dhiiri galinta tartanka.

Sheekh Maxamud Xaaji Dirir oo ka mid ah Guddiga tartanka oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa sheegay inu soo dhowaynayo hawsha loo igmaday,wuxuuna xusay in dhowaan ay sxoo gudbin doonaan Xogta tartanka.

OGAYSIIS MUHIIM AH

Waxaa ay Mu,asada Al-Minhaaj Ee Dacwada iyo Horimarinta  La socodsiinaysaa dhamaan Dad waynaha soomaaliyeed in Nadwo ciliyeedkii sanadlaha ahayd ee ka dhici jirtay magaalada Boosaaso ay bilaabandoonto taariikhdu markay tahay 15/4/2014.

Nadwadaan oo sanadle ah ayaa gashay sanadkeedii 12 aad oo xiriir ah, hadaba waxaan la socod siinaynaa dhamaan umada soomaaliyeed inay ka faa,iidaystaan .

somali63

La xiriir

minhaajfoundation@gmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.