Home » Faallo »

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976- 1991) | Q.4aad

Dhaq dhaqaaqa Xoraynta Falastiin (PLO) xafiis uu ku lahaa Adis Ababa ayaa dawladda Soomaaliyeed qoonsatay , xafiiskaas ayaa wuxuu noqday xarun ay dawladda itoobiya ka hesho war bixinada xasaasiga ah ee khuseeya Ammaanka dunida Carabta oo ay Soomaaliya xubin ka tahay , madaxda Soomaaliyeed ee safarada ku tagta dunida Carabta markay kala sheekaystaan wax yaabaha ay Soomaaliya ka maagan tahay Soomaali-Galbeed, war bixinada hoose ee ay wasiiradda guduhu isku dhaaf sadaan Tunis ( Xarunta Wasaaradaha Gudaha Carabta ) ayay Falastiiniyiintu si hagar la’aan ah ugu baasi jireen Xabashida .

nssJaallihii aan maantaa ka amar qadanayay ayaa wuxuu ii dhiibay khariiradda dunida oo ku sharaxan Af-Carabi wuxuu igu yiri sidaad doontaba xafiiska (PLO ) ee Adis Ababa kusoo dhaji , ogoowna waa sir yaysan arkin Xabashida, Waxaan ku Tolay Buug bahda hanta wadaaggu ay ku qoreen Af-Ingiriisi , safar 16 Maal mood ah oo aan isaga talaabay 3 Dal oo ay ka mid tahay Janaddii Basaabiinta Qubrus, ayaan gaaray Adis ababa anigoo sheeganaya Magac , Dhalasho, Darajo iyo Diin dulsaar ah , 18 Maal mood ayay igu qaadatay in si nabad galyo ah loogu dhajiyo Khariiddii uu amarka igu siiyay S/Guuto ….. Taliyahaygii in laga lulo xafiiska Falastiiniyiintu ku lahaayeen Adis Ababa oo dhaawac wayn Gaarsiiyay Jamahuuriyadda Soomaaliya .

Dr Fikre Merid oo xubin ka ahaa Dhaqaaqa Hantiwadaagga Itoobiya Garabkiisa Siyaasadeed ayaa casho sharaf uu iigu sameeyay Maamuuska Magaca iyo Meeqaamka Shisheeye ee aan sitto wuxuu si xamaasad leh iigaga waramay siday u doonayaan Inay Soomaaliya yeeshaan , wuxuu asagoo aad mooddo inuu safka hore ee dagaalka ciidanka joogo la hadlayo , yiri adduun yadu way ku khaldan tahay inay Soomaaliya u aqoon sadaan Dal ka madax banaan Itoobiya , wuxuu ii qiray inuu Jiro kala fogaansho Siyaasadeed oo u dhexeeya asaga iyo Mingiste hasa ahaattee wuxuu yiri “Ma qarsanayo nacaybka aan u qabo Mingiste iyo Marin habaabinta Shacabka Masiixiga ee Itoobiya ee sida maskax xumada ah uu ula daba gablaynayo Shuuciyadda inkirsan Ilaahayga nagu abuuray Ruuxda , sideen u inkiraa Rabigii i abuurtay oo aan uga doortaa Nin Ruush ah oo waliba Cad , anigoo waxaas oo dhan og hadana waxaa na mideeyay Colaadda Soomaalida aan u qabno iyo siday nooga Go’an tahay inaan yeelano dhulkaas baaxadda leh ee ay ku nool yihiin qoysaska yar ee Muslimka ah.”

86 habayn ka dib ayaan Xamar kusoo noqday anigoo mala awaalay inuu S/Guuto Taliyihaygii ii diray shaqo lagu hubinayo halka uu gaarsiisan tahay iimaankayga Kacaanka waasne ku mala khasaaray, aroor hore ayaan xafiiska ugu galay intii aan hadalkaygii bilaabin ayuu yiri ‘’Jaalle warkaaga waa kasoo horeeyay , akhri bogga 3 aad ee Xidigta Ogtoobar oo uu kasoo saaray meel gaar ah’’. Waxaa ku sawirnaa laba nin oo isa salaamaysa oo dhex taagay xafiiskii aan kusoo dhajiyay Khariirad Juqaraafiyeedka adduunka oo aysan naftaydu marna helin hal xiraalaha ku duuggan.

Mid waxay ila ahayd caadi waa xaduud beenaadka aan la wadaagno Dalalka dariska oo xariiqin googo’an lagu astaameeyay hoosna ku sharaxaya xaduud lagu muran san yahay , erayga ‘’ Muran san yahay ‘’ waxaan ka jeclahay (Xuduud Beenaad )laakiin marna ma soo dhigan meesha ay xeel dheerayaashii Nabad Sugida Soomaaliya ka dhex arkeen danta Dalkeenna oo ahayd in Ereteriya oo markaas ka mid ahayd Itoobiya laga Jaray Khariiradda Itoobiya , taas ayaa si xoog ah uga caraysiisay Xukunkii Mingiste , Halkaas ayay Falastiiniyiinta Garabka ay Yuuhudda laab salaaxa leeyihiin ( Fatax ) ku waayeen Xafiiskii iyo laba Gaari oo ay kaga aqdaaman jireen Adis Ababa.

F. Xiirane (NSS 1976- 1991 )
fahiira@gmail.com

Qaybaha kale ka akhri: https://somalitalk.com/tag/nss/
_______________
FG: NSS waxaa laga soo gaabiyey “National Security Service” oo ahaa nabad sugidii iyo sir doonkii Soomaaliya (intelligence agency of Somalia) xilligii dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Xarunta NSS waxay ahayd Muqdisho intii u dhaxaysay 1970 ilaa 1990. Wixii ka dambeeyey dagaalkii ahliga ee Soomaaliya 1991 ayey hawl gab noqotay NSS. Waxaana sannadkii 2013 dib u soo cusboonaysiiyey dawladda Federaalka ee Soomaaliya, magaciina u bedeshey NISA oo laga soo gaabiyey “National Intelligence and Security Agency”.


Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976- 1991) | Q.4aad "

  1. suleyman says:

    maqaalada taxanaha ah ee uu noo soo qorey faarax waan akhriyaa oo si fiican ayaan ugu taxanahay !. waxaan kale dhowaan akhriyey qoraal kooban oo barta face book la soo dhigey oo uu isna qorey sarkaal hore oga tirsanaan jirey sirdoonka xiligii dowladii shariif sheikh axmed oo ka hadley beel 6aad oo aan somaliya tuulo ka degin hadana ka hub iyo awood badan beelaha kale oo dhan hadaba maqaaladaan markaan arkey waxaa maskaxdeyda ku soo dhacdey qaacida usuul fiqi ah oo oraneysa (iتأخير البيان عن وقت الحاجة لا يجوز)n la dib dhigo cadeynta mas’alada xiliga loo baahan ma banaana! ugu dambeyn yaan bal ka hor degin gunaanadka qoraaladaan oo ay dhici karto in xog iyo klhibrad fiican laga faaiideysto. shukran xiirane