Home » Warar »

Xabsiga la Hjiregliyey Garoowe waa mid aan ku imaan Rabitaanka Ummada Soomaaliyeed , waxaana la doonayaa in Dad gaar ah lagu Ciqaabo.

“Xabsiga Garoowe laga hirgeliyey waa Xabsi u gaar Beel Soomaaliyeed waxaana taas kuu Cadeynaya Furitaankiisa lagala ma tashan, Dowladda Federaalka sidaa darteed waxaan Beesha Caalamka uga digayaa in Xabsigaan aan la geyn Karin dad ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya” ayuu yiri md ka mid ah Ciidamadii Asluubta oo diidey in magaciisa loo adeegsado Saxaafada waxaa uu sheegey in Xabsigaas uusan ku imaan Rabitaanka Ummadda Soomaaliyeed ee uu ku yimid Rabitaan Wadamo Shisheeye lana doonayo in ay dad gaar ah ku Ciqaabaan waxaa uu sii raaciyey

“ Waxay ahayd Furitaanka Xabsigaas in laga qayb geliyo Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka si uu Xabsiga u noqdo mid Ummada Soomaaliyeed ay wada og yihin marka waa Xabsi ay beel gaar ah leedahaya hadii la doonayo in Xabsi laga hirgeliyo Soomaaliya waxay ahay in dib loo dayactiro Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho kaasoo ay baahi weyn u qabto Dowladda Federaalka sidaa darteed waxaan u arkaa Xabsiga Garoowe mid la doonayo in la isaga horkeeno Ummada Soomaaliyeed oo aan ogahay in aysan si rasmi ah u heshiin” waxaa uu intaa ku darey

“ Waxaa ayaandaro ah in maanta la yiraahdo waxaa Heshiis wada gaarey Maamulka Punland iyo Dowladda Seychelles iyadoo ay ay joogto Dowladda Federaalka, marka maxaa Adduunka uu u leeyahay waxaan aqoonsanahay Dowladda Fedearalka hadiiba Gobol iyo Dowlad Heshiis wada gaarayaan, marka waxaa dhab in Caalamka uusan marnaba dooneyn in Xaalada Soomaaliya ay degto

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz ayaa kulamo kula qaatay Magaalada Garoowe mas’uuliyiin ka socday Hay’adaha Caalamiga oo halkaa gaaray, kuwaa oo ahaa kuwii Dahqaalaha faraha badan klu bixiyey Hirgelinta Xabsiga Garoowe .
somali56
Madaxweynaha oo ayaa kulanka kaddib wuxuu xarigga ka jaray Xabsi weyn oo casri ah oo laga dhaqan galiyay Duleedka Magaalada Garoowe kaasoo ka mid ah xabsiyada ugu casrisan oo loogu tala galay in lagu xiro Burcad Badeedda Soomaaliyeed iyo dadka lala xiriirinayo wax loogu yeerey Argagixisada .

Xabsigan ayaa sida la filayo waxaa lagu xiri doonaa kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo ku xir xiran Xabiyada Caalamka kuwaas oo marka dib loogu soo celiyo dalka halkaas ku dhamaysan doona Xabsiyadooda oo qaarkood la sheegey in ay ku Xukuman yihiin ilaa 20 sano iyadoo dhawaan Magaalada Garoowe laga soo dejiyey Kooxo Burcad Badeed ah oo laga keeney Dalka Seychelles

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Xabsiga la Hjiregliyey Garoowe waa mid aan ku imaan Rabitaanka Ummada Soomaaliyeed , waxaana la doonayaa in Dad gaar ah lagu Ciqaabo. "

  1. Waxan idinweydinaya miyinan aqri amse aqonin dasturka wa idinka dhahaya puntland wa gobol dal heshis lama galikaran ader dasturka ku lbta

  2. waniyad says:

    Asalama Alleykum. Aad waxaan ula yaabay markaan arkay maqalkaan, mar waxaan is waaydiiyey tolow article kaan ma waxaa loola dan leeyahay 1 april, maalinta beenta aduunka oo qof kasta waxuu doono iska sheegi karo mise waa dhab. Ka dib markaan sii aqriyey waxaaba ii soo baxday in aay qoraaga dhab ka tahay. Waxuu yiri muqadisho ayaa u baahnaad in xabsiga ku yaala la dhayac tiro, xabsiga garowe ku yaal isagu dayac tir uma baahna miyaa? Mida kale dadka wadamada shisheeye ku xiran, oo aaysan waridkood iyo ehelkoodu arki karin, qaarna waliba ku xukuman yihiin xabsi daa’in ah, hadii garowe oo dal soomaaliyeed ah la keenay maxaa ku jaban, soo garowe uma dhaanto dal shisheeye? Tan ugu danbaaysa waxuu yiri qoraagu Puntland waa gobol ee in aduunku la tashto ma ahaayn. Waxuu ilaawsan yahay in wadanku federal yahay, Puntlana aay tahay midii dowladaan hada jirta samaaysay oo asaaskeeda lahaayd. Waxaan dhihi lahaa dadka soomaaliyeed inta xaasidnimo, xumaato, iska celis, nacaayb, qabyalad , iyo garasho la aan ku jirto aaysan soomaaliya hagaageen. Waa bilaahi taaqfiiq waxaay tagi wixii la iska qaado baa la leeyahay.