Home » Faallo »

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976 – 1991) – Q.2aad | Qore: F. Xiirane

Jaalle Madaxwayne Kacaanku

nss
Siday ballantu ahayd Taliyihii Ciiddanka Nabad sugidda (NSS) waxaan aroortii isugu nimid xafiiska , durba wuxuu ii dhiibay fure gaari iyo tilmaan , waxaan u dhaqaaqay dhankii gaariga siduu amarku ahaana waxaan ku rogay furaha , daqiiqado kadib waxaa dhanka bidix kasoo galay Taliyihii oo caro wajigiisu doorisay , wuxuu yiri inoo dhaqaaji xafiiska sare ee Abaanduulaha , warsan iyo guddoon , ayadood mooddo inay colaad naga dhex aloosan tahay ayaan fariinka ku qabtay iridda madaxtooyada , salaan sharafeedka ciiddanka markaan ka guddoonnay ilaaladii Filada ayaa nalasiiyay tilmaanta inaan galnno.

Abaanduulaha Ciidanka Qalabka Sida, Sareeye Guuto Maxamed Siyaad oo uu xafiiska ku weheliyo ka sareeyaha daraja ciidameedka S/Guuto Maxamed Cali Samater ayaan ku hor akhriyay war bixintii aan sida xirfadaysan uu aruuriyay, waxaa maanta goobta lagu qaatay go’aan ahaa.In la dillo laba sarkaal oo ay laantu hubisay inay laba wajiile yihiin dhaawacna gaarsiiyay guud ahaan umadda Soomaaliyeed , iyo in aniga iyo Taliya nala siiyo laba daro ciidan iyo maamuus dheeraad ah .

Waxaa ka mid ahaa , in laga takhaluso siday doontaba ha ahaatee si looga ilaaliyo inay xil Qaran leeyahay qabtaan ama bulshada dhexdeeda ku yeeshaan wax maamuus ah Raggan soo socda :, S/Guuto Cumar Xaaji Massalle , G/Sare Xassan Maxamed Nuur (Shaati Guduud) Xassan Abshir Muuse ( Duqii Xamar gadaalkii) G/Sare Axmed Cumar Jees, iyo sarkaal ku jiray liiska NSS ta oo magaciisu ahaa Daahir Dheere aanse garan waayay magaciisa sidaasna uga haray liista dadka aan kasoo xaqiijinay inay Dawladdii itoobiya maantaa kalsooni buuxda ku qabtay in laga shaqeeyo sidii loo gaarsiin lahaa darajada go’aan qaadashada Dalka Soomaaliya .

Intii aan huwanaa shaarka shisheeye ee u joogay Itoobiya ‘’caawinta’’ garsoorka, waxaan hubiyay siday uga war war iyo cabsi qabtay xiligaas Itoobiya dhawr nin oo badankood aakhiro u rawaxay maanta inay isfahmaan saraakiisha Kacaanka isla markaana ay wada shaqeeyaan , Wasiirkii Cadaaladda ee xiligaas aan joogay Itoobiya wuxuu si cad iigu yiri ma jecli Ragga haattan xukuma Soomaaliya . hasa ahaatee cabsida noogu badan waxaa weeye haddii ay xukunka xoog ku qabsadaan rag badan oo kasii xag jirsan Siyaad Barre .

Jaalle Madaxwayne Kacaankeenna barkaysan ( Waxay ahayd Deel qaaf in Madaxwaynaha meel uu joogo inaad qof kale darajo siiso Cabsi iyo waxay ahaydba ) waxaa la gudboon in Taageerada Milatari ee aan siinno kooxaha ku kacsan Itoobiya aan xoogeeda gacanta u galiyo Jabhadda Soomaali Galbeed iyo Oromada , Tigreegana aan ka dhawrno inay awoodda ciidan gacantooda gasho , waxaa hubaal ah haddii aan raacno istaraatiijiyad cad inaan guusha hanan doonno dhulalka naga qaman ee ku jira gacanta cadaawahuna ay sahal kusoo noqon doonaan, waxaan rajaynayaa inuu Kacaanku Soomaaliwayn wada xoreeyo.

Ninna kuma dhiiran Karin intanadii maalintaas fadhiday (cabsi awgeed) in Madaxwaynaha hortiisa oo aan anigu ugu darajo hooseeyay in lagusoo bandhigo aragtiyo ku aaddan islaaxinta arimaha gudaha iyo la dagaallanta musuqa iyo qabyaaladda oo dharaarahaas xoog qoorta ugala soo baxday godkii uu kacaanku bilawgii ku riday, gaar ahaan waxaa si xoog ah u waday qolooyinka aan ku kala abtirsanno anigo iyo Madaxwaynaha , Iyo taliyaha NSS tii xiligaas .

Inkastoo la ii muujinayay Inaan qabtay shaqo heer Qaran , in la idalacsiiyana ay mudankayga ahayd haddana waxaan dareemay in uu jiray shaki la’iga qabay oo ahaa iimaankayga Hantiwadaaggii Cilmiga ku dhisnaa oo daciif ahaa, Madaxwayne xigeenka oo haattan Nool dadka warka doonana ay waydiin karaan ayaa igu yiri Jaalle madoonayno inaan qaadanno dhaqanka Sucuudiga , waxaan is dareen siiyay inuusan ku farax sanayn Salaadda aan tukado oo aan badankeed qarsan jiray . Taliyahaygii ayaan isu soo raacnay xaruntii dhexe ee nabad suggidda oo maalmahaa foolanaysay Toogashada dhawr qof oo aan sababtooda anigu lahaa in qoorta Laga jaro .

Mar kaliya ayay saraakiishii iga saraysay siday iila dhaqmi jireen is badalay kadib uun markii Madaxwaynuhu si gaar ah iigala dhex baxay , sidoo kale xarunta Madaxtooyada oo qofkii si gaar ah ula istaaga Jaalle Siyaad uu micne gaar ah yeelan jiray , waxay naftayda itustay inuu haattan ii balaqmay albaabadii hanti goosadka gudaha maamulka Hanti Wadaagga , waxaana qorshaystay inaan xoollo adduun yeesho aakhrina yeelkeed .

Talyihii ayaa damaaciyay inuu wax ka ogaado wixii aan nadhex maray Madaxwaynaha , anigoo u arkay fursad qaaliya ayaan iri Jaalle taliye shaqo qaran ayuu si gaar ah iigu diray warbixintana asagaan toos usiin doonaa , intuu dhoolla cadeeayay ayuu yiri Jaalle wixii aad uga baahatto xafiiskayga amar ayaad u haysattaa, Mahadasanid Jaalle taliye. Markiiba waxaan toos u aaday gurigii Hooyaday oon curadkeeda ahay.

F. Xiirane ( NSS 1976- 1991)
fahiira@gmail.com

Qaybaha kale ka akhri: https://somalitalk.com/tag/nss/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.