Home » Warar »

Siyaasiyiin iyo Ganacsato Caan ah oo Maalintii Saddexaad ku jira Xabsi ku yaal Magaalada Muqdisho.

Odoyaal Dhaqameed ay isku Hayb yihiin Siyaasiin iyo Ganacsto Dhawaan Dowladda Federaalka ay Xabsiga u taxaabtey oo Warbaahinta la soo xiriirey ayaa waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka Codsadeen in la sii daayo Siyaasiinta iyo Ganacsatada oo ay sheegeen in si gardaro ah loo xirey iyagoo aan wax dambi ah gelin, islamarkaana ka qayb galayey waxay ku tilmaameen Kalfadhigii Labaad ee Maamulka Banaadir State oo ka socdey Hotelka Kuweyt Plaza ee Magaaladda Muqdisho

“Siyasiyiintaas iyo Ganacstadaas waxay u Xiran yihiin Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muun Gaab) wixii dhibaato ah ee ka yimaada Xariga Xubnahaas waxaa Dusha u ridan Doonto Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Maamulkeeda Gobolka Banaadir “ayey yiraahdeen Odoyaashaas oo sheegey in Ragaas ay xiran yihin Muddo Sadax Maalmood ah taasoo ay Xuseen in uu Xarigoodu ka hor imaanayo Dastuurka Dalka oo sheegeya in aan Muwaadinka lagu hayn Karin Xabsi muddo ka badan 24 Saac Maxkamad la’aan

Odoyaashaas waxay kaloo sheegeen in Dowladda Fedraalka ay wado wax ay ugu yeereen Caburin waayo bay yiraahdeen Dastuurku waxaa uu ogolaanaya in Mawaadinka Soomaaliyeed uu si Xor ah uga qayb geli karo Shirar iyo isku Imaatin. marka ma garaneyno Sababaha loo qabtey Xubnahaas oo ay sheegeen n ay ka qayb galayeen Kalfadhigii labaad ee Maamulka Banaadir State kaasoo ay sheegeen in ay hore u qabsadeen kafadhiyo noocaas oo kale .
somali54
Xubnaha haatan ku jira Xabsiga waxay kala yihiin Muxyadiin Maxamed Xaaji oo mar Dowladii Cabdulaahi Yuusuf ka soo noqdey Wasiirka Gaashaandhiga, Ganasade Cumar Shariif , Milkiilihii Hotelka Kuweyt Palaca iyo Xubno kale. sidoo kale Siyaasiyiin ku nool Magaaladda oo sheegey in ay ka Careysan yihiin Falka lagula kacay Ragga la xirxirey ayaa dhinaca kale dalbadey in la sii daayo waxayna intaa ku dareen in Dowladda Federaalku ay ku Xadgudubtey Ragaas Siyaasiyiinta iyo Ganastada isugu jira oo aan wax dambi ah gelin, waxay ku Celceliyeen Siyaasiyiintaas haddii aan deg deg loo siideyn ragga Xiran in wixii dhibaato ah ee ka yimaado ay dusha u ridan doonto Dowladda Fedraalka,

Dadka Ehelka la ah Siyaasiyiinta iyo Ganastada u Xiran Dowladda Federaalka ayaa ku doodaya in sharciga lagu Xirey Ragaasuu soo baxay Saacado ka dib markii Xabsiga loo taxaabey qaar ka mid ah Dadkii ku shirsanaa Hotel Kuweyt waxayna Wareegtada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho soo saarey amreysey in Shir ama Kulan aysan Maamulka Banaadir ka war qabin lagu qaban Karin Magaalada Muqdisho, iyadoo amarkaas uu sheegeyey in Ciddii ku Xad gudubta loo taxaabi doono Xabsiga, hase yeeshee Odoyaasha iyo Siyaasiyiintaas ayaa waxay sheegeen in Amar Gudoomiyaha uu yahay mid ka hor imaanaya Dastuurka iyo Xeerarka u degsan dalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.