Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh oo Kampala kula kulmay R. Wasaaraha Itoobiya

sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya

Warsaxaafadeed

Muqdisho, March 27, 2014——-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo howlo shaqo u jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa kulan gaar ah saaka la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailamariam Deselign.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhanka amniga iyo horumarada laga gaaray howlgalada ka soconaya gobolada dalka ee ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya kuwa AMISOM, waxaana Ra”iisul Wasaaruhu uga mahadceliyay dawladda Itoobiya is garab taagooda dhanka howlgalka nabad soo celinta dalka Soomaaliya.
somali49
“Ra’iisul Wasaaraha waxaan ka wadahadalnay iskaashiga dhanka amniga iyo horumarada laga gaaray howlgalka nabad illaalinta ee ka soconaya gobolada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in xukuumadu ay ku howlan tahay sidii howlgalka wejigiisa labaad loogu gudbi lahaa kaasoo gargaar lagu gaarsiin doono goobaha laga saaray kooxaha nabadiidka oo in muddo ah go’doonsanaa.

“Howlgalkani wuxuu caawinayaa sidii loo nabadeyn lahaa dhamaan gobolka geeska Afrika, caalamkana looga badbaadin lahaa dhibaatada iyo falalka argagixisada ay maleegayaan” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay intii uu socday kulankan in xaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ay haatan xasiloon tahay isla markaana ay Xukuumadu wado dadaalo ay ku mideyneyso aragtida qeybaha kala duwan ee ku howlan dhismaha maamul loo dhan yahay oo ka hana qaada goboladaasi, wuxuuna tilmaamay inay magaalada Muqdisho ugu yeereen qeybaha siyaasada iyo dhaqanka ee dadka goboladaasi si ay dawladda iyo dhinacyadaasi si loo mideeyo dadaalka iyo aragtida dhinacyada.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa hambalyo u jeediyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuuna ku ammaanay adkeysigooda iyo geesinada ay ka muujiyeen goboladii laga saaray kooxaha nabadiidka, gaar ahaana degmada Ceelbuur oo saldhig xoogan u aheyd kooxaha argagixisada. isaga ku dhiirageliyay inay shacabka kasbadaan isla markaana u muujiyaan dabacsanaan iyo caawin.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Kampala, Uganda

Warsaxaafadeed
Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya

Kampala, March 27.2014——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya Aamina Cabdalla Maxamed, iyaga oo ka wadahadlay arrimo kala duwan oo ku aadan siyaasada, ammaanka iyo qaxootiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii uga tacsiyadeeyey dawladda iyo shacabka Kenya dhimashadii ka dhalatay weerar ay kooxo hubeysani ku qaadeen goob Kaniisad ah oo ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna tilmaamay in sidaasi si la mid ah ay kooxaha argagixisadu u dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dawladdaha Soomaaliya iyo Kenya ay leeyihiin xiriir dhinacyo badan siyaasad,dhaqaale iyo mid bulsho, loona baahan yahay in si wadajir ah iyo iskaashi looga hortago falalka lidiga ku ah ammaanka labada wadan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dawladda Kenya sida ay u soo dhoweysay shacabka Soomaaliyeed uguna martigelisay. isaga oo muujiyay walaaca ay ka qabaan amarka dawladda Kenya ee ahaa in shacabka Soomaaliyeed ay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga, wuxuuna rajeeyey in dawladda Kenya ay ka qafiifin doonto amarkaas.
somali50
“Waxaan ku rajo weynahay in Dawladda Kenya ay tixgelin doonto heshiiskii Qaxootiga ee saddex geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Kenya iyo Q/midoobay, kaasoo dhigayay in Qaxootiga Soomaalida ay dalkooda dib ugu laabtaan si iskood ah oo aaney ku jirin qasab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda dawladda Kenya Aamina Cabdalla Maxamed ayaa dhankeeda xustay in dawladda Kenya ay ka shaqeyneyso sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskaasi saddex geesoodka ee qaxootiga.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Kampala, Uganda

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.