Home » Warar »

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla “ Gudoomiye Jawaari waa Masuul iiga waayo Aragsan, Suurtagalna maha in aan Xilkiisa Hunguriyeeyo” Wareysi

Waxaa noo suuratagashey in aan Xafiiskiisa ku wareysano Xildhibaan Shariif Cabdalla Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka kana mid ah Guddi Xaquuqul insaanka ee Baarlamaanka waxaana u u dhacay Wareysigiisii Sidatan:

Su’aal : Sidee u aragtaa arrimaha Federaalka ee haatan ka socda Gobolada Dalka ?

Jawaab: Federaalka waxaa keeney markii Shacabku aad ugu dhibtoodeen in ay Magaalo Madaxdii ay u soo doontaan Adeegyadi Bulshada sida Caafimaadka , Waxbarashada iyo wixii la mid ah taasina waxay keentey oo si weyn looga soo Hayaamo Goboladii iyo Degmooyinkii kale ee Dalka , sidaarteed in dadka ay dalbadaan Federaal waa midaa waxa keeney , waxayna Bulshadu dooneysaa in ay deegaanada ay joogaan ay ku helaan adeegyadii aan soo sheegney , marka dad baa u fasirtey in Dowlad Goboleedka Qabiil wax ku helayo,arintu sidaa ma ah ee waa Dowlad Deegaameed la doonayo in Shacabka halkaa ku nool ay ka helaan wixii Dowladu qaban lahayd ,sidaa darteed ma aha daneysi gaar ah.

Su’aal : Meelaha qaar waxaa Federaalka uu keeney dagaalo, iyo in dadka Barakacaan oo Shacabka Dhibaato lagu siyaadiyo ma jiraa Xal dadku isku Fahmi karaan?

Jawaab: Dowlad Dhexe ayaa joogta iyo Wasaarad u Xilsaaran arrimaha Federaalka iyada ayaa laga doonayaa in ay sameyso Qorshayaal looga shaqeysiinayo sidii uu hirgeli lahaa arrimaha Fedraalka, oo waxay noqotey Boog iyo nin waliba yaan lagaaga hormarin ,taas baa dhibaatadu keenety , aniga waxaan u arkaa Xalka in si wanaagsaa dadka loogu fasiro arimaha Federaalka waxaa Muhiim ah in Dowladu Shacabka la shirto oo si wanaagsan uga dhaadhiciso,waxa looga dan leeyahay Federaalka islamrkaan Qawaaniin ka soo saarto,Dowlad Goboleedyada la dhisayna ay noqdaan kuwo is bixin kara oo laga ilaaliyey qaab Qabiil ,Baarlamaanka Federaalka uu arrintaa ku Koontoroolo.

somali47

Su’aal : Xildhibaane maanta waxaa Magaaladda Baydhabo ka taagan Maamuul Lix Gobol ah iyo Sadex Gobolka oo hadda Dhismihiisa lagu Guda Jiro waxayna arrinaan keentey in Dhibaato Dhacdey arintaa sidee Xal loog heli karaa.

Jawaab: dadka wixi lagu wacyigeliyo ama loogu celceliyo taasaa Maskaxdooda gasha , arrinta Lixda Gobol iyo midka sadexda Gobol ee la sheegayo, waxaa Muhiim in Bulshadu u aragto haddii Maamul la sameyno in uu yahay mid iyaga loogu adeegayo, midka Lixda Gobol waa fikir jirey , midka Sadexda Gobolna,qolooyin ba isku fahmey in mid Sadex Gobol la sameeyo,iyagoo u arka mid Lixda Gobol mid Khilaafsan Heshiiskii Dowladda sidaa dateed waxaas oo dhan in aan waxba laga soo qaadin , wixii aan raacin hab raaca Dastuurka oo Xukuumadu aan ogolaanin ,Tusaale maamulka Jubba Dowladu uma Aqoonsana Maamul Goboleed oo waxay u aqoonsan tahay mid ku meel gaar ah si maamul Goboleed rasmi ugu gudbo waa in la marsiiyaa Hub raaca Dastuurka,Qolooyinkaas waxaan kula Talinayaa ee Xagaa Jooga In ay taxadar yeeshaan , Fidnadu Af la qabto ayey leedahay ee Dabo la qabto ma leh.

somali46

Su’aal: Arrinta Hab raaca ee Qodobada Datuurka sow ma hayn in Baarlamaanka uu hore u galo si aysan u dhicin Dhibaatooyinka hadda Jira ?

Jawaab: arrimaha Gaabiska ee Baarlamaanka in aan ka hadlo ma rabo waxaan kuu sheegaya in Baarlamaana uu leeyahay Afhayeen, aniga waxaan abaarayaa Xukuumada, haddii HabraaciI iyo Qodobada Dastuurku uusan Suurtageleyn , waxaa habooneyd in Xukluumadu sameyso go’aamo Maamul oo ku meel gaar hadhowna ay ka ansaxiso Baarlamaanka Federaalka

Su’aal . si dadk u helaan Maamul ay ku mideysan yihiin islamarkaan dadkana ay ku degenaan karaan deegaanadooda maxaa talooyin aad soo jeedin lahayd ?

Jawaab: arrintaas Xukuumadu inay soo dedejso , Bulshadana laga dhaaciyo oo la yiraahdo wixiinii waa la idiin samyenayaa , Xukuumaduna ay Garwadeen ka noqoto , Bulshada kacsan loo sheego in wax loo qabanayo ay iyagu leeyihiin, si Daacad ahna loogu adeego , Dadkuna ay ogaadaaan in Xukuumadu tahay Fududeyaal.

Su’aal waxay Warbaahintu qaar sii daayeen War Sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ay Xildhibaano ka geeyeen Mooshin adigana aad tahay Qofkii Bedeli lahaa arrintaa maxaa ka jira ?

Jawaab? Inkastoo aan maqley warkaas oo aan Dhageysan hadana waa dad meel wanaagsan ila doonaya oo Khayr ii rajeeyey ,laakiin aniga uma taagni inaan bedelo ama Hunguriyeeyo Xilkaas welibana ninka hayaa uu yahay Masuul iiga waayo aragsan, waxaa loo tartamaa marka Xilku banaan yahay balse Xil ninkiisii haya looma Tartamo, mana ogi meel lagu saxiixey Mooshin ka dhan Gudoomiyaha Baarlamaanka Warkaasina waa War aan Sal iyo raad lahayn.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.