Home » News »

Baydhabooy ka Maseyr Gaalkacyo inta aad Dagaal geli lahayd !!

Markii ay dhacdey Dowladii Miltariga Sannadkii 1991 ayaa waxaa Abuurmey Jabhado Magaca ugu horeeya uu yahay S oo ay ka wadeen Soomaaliya ,waxaana si Miyir la’aan ah ay Beel waliba u samsyatey Urur u gaar ah,

markii laga xiso dhacay ayaa waxaa hadana lagu daatey in Beel walia ay samysatey Maxkamad Islaami ah oo u gaar ah , hase yeeshee Shaqsiyaad gaar ah ayaa Kacdoon kasta ka Faaiideystey oo ku gaarey Maqaam sare , waxay hadba meel soo Tu’atu Xaalada Soomaaliya , ayaa haatan waxaa bilowdey in la sameysto Maamul Goboleed ka dib markii la qaatey wax loogu yeerey Federaal 2004, waxaana sii saacidey markii Gobolo ka tirsan Soomaaliya si rasmi ah looga qayb geliyey Kulamadda Caalamiga ah .

Xiligaan ayaad moodaa in uiu sii Laba kacleeyey Arrimihii Maamul Goboleedka oo Federalku taageerayey oo si aad loogu waaashey , waxaana lagu dhawaaqey Dhowr Maamul oo qaarkood oo ilaa iyo hadda Khilaafkoodu uu taagan yahay, Tusaale hadii aan soo qaadano Maamulkii laga sameeyey Magaaladda Kismaayo ,waxaa ku daatey Dhiig fara badan oo ilaa hadda aan laga gaarin wax Xal ah maadaama inta badan Beelhii Degenaa Gobolada Jubada Hoose , Jubada Dhexe iyo Gedo ay si aad ah uga soo horjeesteen, waxaa Fududeeyey Maamulkaas ku dhawaaqistiisa Ciidamada Kenyaoo soo galey Soomaaliya Sannadkii 2011 qabteyna Magaalada Kismaayo ooo Istaajiiji ah , waxayna dadka Odorosa Siyaasada ay rumeysan yihiin in Maamulka Kismaayo uu soo Gabagaboobayo marka ay Ciidamada Shisheeea ka baxaan Goboladaas.

Maamulkaas markii la saamyey ayaa waxaa hadana la dhisey Dhowr Maamul ugu dambeeyey midkii Lixda Gobolka oo isna markiba la Mucaaradey oo Xitaa ay ka hor Timid Dowladda Federaalka , waxayna Dowladda Fedraalka u Ololeyneysaa sidii uu u dhaqan geli lahaa mid Saddexda Gobol ah hase yeeshee Dulucda Sheekadu waxay tahay sidee Laba Maamul uga wada shaqeyn karaan Magaalada Baydhabo? Waxaan weydiiyey Su’aashaan Saciid Guuleed oo ah Odey Soomaaliyeed oo mudo u soo joogey Xaaladda Soomaaliya waxaana uu yiri “waxaa wax laga xumaado ah in Magaalada Baydhabo maanta laga sameeyo Laba Maamul oo is Feer socda taasoo aan dani ugu jirin Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo , waxaana aaminsanahay in arrintaan ay ka dambeeyaaan Dowlado Shisheeye oo aan marnaba dooneyn in Soomaaliya ay degto” waxaa uu sii raaciiyey

“Waxaan moodayey in dadka Soomaaliyeed ay in ku filan ka haysto Dhibaatada Soomaaliya hase yeeshee waxaa dhab ah Muddo 23 Sanno ka dib aysan Soomaaliya wax waayo aragnimo ah ka helin wixii la soo marey, iyadoo Xaaladda Soomaaliya marba marka ka dambeysa ay ka sii dareyso , waxaa Bulshada inta badan markii aad weydiiso oo aad tiraahdo ka waran Sannadihii Qabqablayaasha waxay markiiba la soo boodfayaan “ma Sanadihii Nabada” xagee nabadi taaley waa la ogaa wixii la soo marey oo rafaad ahaa, marka arrintaa waxay kuu cadeyneysaa in Xaalka Soomaaliya uusan fari ka qodneyn, waxaana Xaqiiqo ah in Baydhabo mar kale ay u Durbaan tumaneyso Colaad Sokooye haddi aan laga shaqeysiinin Caqliga wanaagsan “

Cabdi Cali waa nin dhalinyaro oo aad ula socda Xaaladda Soomaaliya waxaan isna weydiiyey waxaa ka socda Magaalada Baydhabo waxaan uu yiri “ waxaan leeyahay reer Baydhabo hadii aysan ku heshiin oo aysan hal maamul Sameysan waxaad mareysaan Kuwii idiin ka horeeyey halki ay mareen, hadii taa laga maarmi waayo waxan leeyahay Magaaladda Gaalkacyo waxaa ka jira Laba Maamul oo kala ah Maamulka Puntland iyo Maamulka Galmudug kuwaas oo Maamuladooda iyagoo Hal Magaalo ka wada dhisan si Nabadgelyo ah ugu wada nool oo qola waliba iskiid u Qaraabato, marka waxaan leeyahay reer Baydhabo “ Isma Hurtooy ha is haleyn” waxan Aaminsanahay in aydaan kala maarmin , Shisheeyaha Gadaal idiin ka riixayana aad ka Foojignaataan ” waxaa uu intaa kudarey.

“Magaalada Baydhobo markiiba wxaa laga dareemey Saansaantii kala qaybsanaanta oo si Nabadgelyo ah u socoto, waxaa dadka isku Aqoonsadaan Qofka Lixda Gobol Taageersan waxaa uu taagaayaa Lix farood oo uu Dadka ku Salaamayaa , halka kuwa taageersan sadexda Gobol I iyana taagayaaan Saddex Farood , isku Qosalkaas hadda ka socda magaalada Baydaho ma yahay mid sii socon doona mise markii Maamulka Saddexda Gobol lagu dhawaaqo oo ay Magaalada yeelato Laba Madaxweyne waxaa Dhici doona Gacan ka Hadal oo aan ka Cabsi qabo in Xaaladdu sii adkaato , waxaanna soo jeedinayaa in looga Gudbi karo iyadoo si taxadar leh loo Wajaho waxa ka socda Magaaladda Baydhab oo ay Odayaashu u Guntadaan ugu yaraan sidii loo joojin lahaa Dagaal suurtagal ka dhiga in uu Magaalada uu ka dhaco ”

Cabduqaadir Sope Allaha u Naxariistee oo ahaa Siyaasi si weyn looga yaqaan Beelaga Digil iyo Mirifle ayaa waxaa la weydiiyey Siyaasiga uu ugu Jecel yahay, waxana uu ku Jawaabey “ Waxaan ugu Jecelahay Col Maxamed Nuur Caliyow oo si aad ah Siyaasada isaga soo horjeedaan, waxaa la sii weydiiyey Sababta uu ku xushey Ninkaas waxaana uu yiri “ Col Maxamed Nuur Caliywo si kasta oo aan isaga soo horjeedno ugu yaraan waxaa uu ku Maqan yahay Dan Digil iyo Mirifle” Hadaba Siyaasiyiinta maanta ku loolamaya Baydhabo ma ka suurrtowdaa Siyaasada Noocaas Marxuum Cabduqaadir Sope

Ugu Dambeyntii Magaaladda Baydhabo oo waxa hore loogu yeeri jirey Baydhabo Janaay hase yeeshee Dagaaladii Sokeyey waxay soo martey Macluul aad u daran oo waxay Magaaladda Baydhabo qaadatey oo mar loogu yeerey Magaalada Geerida, sidoo kale waxay soo martey Colaado Sokeeye oo ay ku naf waayeen dad fara badan , oo waxay dib u soo kabatey Markii Dowladii Cabdulaahi Yuusuf oo Xarun ka dhigtey Magaaladda Badhabo taasoo dadka ku nool Magaaladaas dib u Xasuusisey mar kale Magacii Baydhabo Janaay, hadaba Bulshada ku nool Magaaladda Baydhabo ayaa Magaaladooda ka badbaadin kara Colaad Sokeeye hadii taa la waayana sidaan hore u soo sheegneyna Magaalada Gaalkacyo waxay marti gelisey Laba Maamul oo si Nabad ah loogu wada nool yahay, iyadoo Magaaladaas wada degan yihiin dad Xaqjiriin ah Mowqifyadooda kala fog yihiin oo waliba Dagaalo qaraar soo dhex marey marka Magaaladda Bayadho oo aan ognahay in ay wada degan yihiin dad isku beel ah oo aan sinaba u kala maarmin waxaan leeyahay Baydhabooy ka Maseyr Gaalkacyo inta aad Dagaal Geli lahayd !!

khasaaro
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.