Home » Warar »

Idaacadda Mustaqabal oo Xustey Sannad Guuradeedii labaad ee markii la Aas-Aasey.

Waxaa Hotelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Xaflad aad u balaaran oo ku aadan Sannad Guuradii Labaad ee Markii Dhidibada loo taagey Idaacada Mustaqbal , waxaana Munaasabadaasi oo si aad loo soo Agaasmiey waxaa ka soo qaybgaley Xildhibaano, Madax ka tirsan Dowlada , Hayadaha Samafalka, Ururrada Dalka ka jira, Jaamacadaha,Haween , Dhalinyaro, iyo Qaybaha kala Duwan ee Warbaahinta.

Ugu horeyn waxaa halkaasi Warbixin ka soo jeediyey Agaasimaha Idaacada Mustaqbal Cabdi Fitaax Cumar Xalane oo sheegey in Mudadii ay jirtey Idaacadda ay qabatey Howlo muhiim u ah Ummadda Soomaaliyeed iyo Wariyayaasha ka shaqeeya Idaacada oo uu sheegey in qaarkood ay Shirkadda Warbaahinta Mustaqbal ay siisey Deeq Waxbatrasho si ay u kororsadaan Aqoontooda, waxaa kale uu sheegey in Idaacada Muqtaqbal ay qabatey Tababaro ku saabsan Dhinaca Saxaafada kuwaas oo uu sheegey in ay isugu jireen Wariyayaasha ka Shaqeeya Idaacadda iyo Warbaahinada kale ee ka jira Dalka qaarkoodna Bisha Abriil loo soo gabagabeyn doono Waxabarashadooda ka dib markii ay Sideed Bilood ay waxbarashada Soo wadeen

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusuj Maxamed Ibraahim Baksitaan isagoo ugu horeyntii u Hambalyeeyey Shaqaalaha idaacada oo uu sheegey in ay Bulshada wax weyn u qabteen ,wuxuuna kula Dardaarmey in halkaa ka sii wadaan Howlaha ay Bulshada u hayaan weliba waxaa u ugu baaqeyn in ay ku shaqeeyaan si Wadanimo ku jirto si dalka loogu soo dabaalo Nabad iyo Horumar

Xubnhii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli waxaa uu yiri ”Waa Idaacada keliya ee aan dhageysto waayo waxay ka hadashaa arrimaha Nabada marka waxaan leeyahay halkaas ka sii wada Howsha Bulshada Soomaaliyeed u haysaan “waxaa aad ugu faraxsanahay in ama aan soo dhaweynayo in Idaacada ay Deeq Waxbarasho siiso Shaqaalaheeda taasoo ay kaga horeyso Warbaahinta kale”

Waxaa kaloo Munasabadii loogu Dabaaldegayey Sannad Guurada 2aad Idaacada Mustaqbal ka Hadley Afhayaanka Madaxweynaha Eng Cabdiraxmaan Cumar yariisow oo ugu horeyntii Hambalyo u direy Dhamaan Qaybaha kala duwna ee Shaqaalaha ee Radio Mustaqbal waxaana uu sheegey in Warbaahinta soo Soomaaliyeed looga Baahan yahay in ay ku dadaalaan sidii Wararkooda u noqon lahaayeen kuwa Dhinaca walba laga Tafafatirey
somali37
Xubnihii kale ee ka Hadley Xafladaas ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdirashiid Dahab-Shiil oo ah Gudoomiyaha Shirkadda Dahab-Shiil oo sheegey in uu aad ugu Faraxsan yahay in uu ka soo qayb galo Xuska Sannad Guurada Labaad ee Radio Mustaqabal , waxaa kale uu sheegey in Shirkoooda ay Gacan siin doonto Warbaahinta .

Abuukar Badri oo ka mid ah Bahda Saxaafada ayaa waxaa uu kula dardaarmey Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta in ay Xooga saaraan sidii ay u sii deyn lahaayeen Warar Xaqiiqda ku dhisan si loo helo Warbaahin Dhinac Walba ka dhisan.

Xildhibaan Cabdi Xaash Cabdulaahi oo ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka oo isna ka Hadley Munaasabadaasi ayaa sheegey in Warbaahinta Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan Dhinaca Nabada iyo Dib u dhiska Dalka, waxaana uu sheegey in Xeerarka Saxaafadda uu yahay midka keliya ee ay ku Hormari karaan Warbaahinta loona baahan yahay sidii Xeerkaas loo Dhaqan gelin lahaa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.