Home » News »

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo Qayb Gashey Manaasabadda Sannad Guuradda 1-aad ka soo Wareegtey SHABAKADDA 2013.

Waxaa Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad lagu Xusayey Sannad Guurada 1-aad ee ka soo wareegtey markii Dhibada loo taagey Urur ay ku mideysan yihiin ilaa 18 Idaacadood oo ku kala yaala Puntland , Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho waxaana Ururkaas lagu Magacaabaa SHABAKADDA 2013 , waxaana ka qayb galey Munaasabadaas Xildhibaano, Wasiiro, Saxafiyiin hore,Madaxda Idaacadaha ka tirsan Shabakadda, Bulshadda Rayidka Fanaaniin iyo Marti Sharaf kale .

Ugu horeyntii waxaa halkaa warbixin ka soo jeediyey Gudoomiyaha Shabakadda 2013 Mustaf Shiikh Yaasiin oo sheegey in Mudadii Sannadka ahayd ee ay dhisneyd Shabakada ay ku Guuleystey in ay Tababaro u qabato Saxafiitiinta Idaacadaha ka tirsan Shabakada , sidoo kale waxaa uu sheegey in Shabakada ay sameystey Xeer u gaar oo uu sheegey in lagu Dhaqaajinayo Howlaha Shabakadda 2013 waxaa uu si raaciyey “ Cid kasta oo dooneysa in ay ka mid noqoto Shabakadda 2013 Albaabada u furan yihiin waa haddii ay u Hogaansamaan Xeerka Shabakadda “ waxaa uu intaa ku darey
somali35
“Waxaan halkaa uga Mahadcelineynaa intii gacan ka geystey isku Dubaridida Munaasabadaan lagu Xasuyey Sannad Guurada 1aad ee ka soo wareegtey markii la Aas-Aasey Shabakadda 2013 waxaaa si gaar ugu Mahacelineynaa Radio Ergo iyo Hayadaha kale oo la’aantood noo qabsoomi lahayn Munaasabadaan” waxaa uu sheegey in Shabakada ay haatan ku Mideysan yihiin ilaa 18 Idaacadood oo ku kala yaal Muqdisho, Puntland Koonfurta iyo Martamaha Soomaaliya iyo Magaaladda

Xubnihii halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Rug Cadaa Saxaafadeed ahna La taliyaha arrimaha Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Xaaji Goobdoon oo sheegey in wax lagu Farxo tahay in maanta ay Midoobaan qaar ka mid ah Idaacadaha taasoo uu sheegey in lagu gaari karo sidii Saxaafadda Soomaaliyeed u Hormari lahayd ,waxaana uu u soo jeediyey Shabakada in Gacamo Furan ku soo dhaweeyaan WarbaahinAda kale ee Dalka ka jira ,

Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo ah Gudoomiyha SOSCENSA oo halkaa ka Hadley ayaa sheegey Daladooda ay soo dhaweynayaan Hayad kasta oo gacansiineysa Saxaafadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku Booriyey Shabakadda 2013 in Shabakadooda balaariyaan oo ay ka qayb geliyaan Dhamaan Qaybaha kala Duwan ee Warbaahinta iyo Ururada kale ee Dalka ka jira taasoo uu sheegey in ay sii Xoojineyso Midnimada Warbaahinta .

Munaasabadaas lagu Xusayey Sannad Guuradda 1-aad ee Shabakadda 2013 waxaa ka Hadley Xoghayaha Guud ee Ururka Nusoj Maxamed Ibraahim Bakistaan oo ugu Horeyntii u Mahadceliyey intii isku soo Duba ridey Munaasabada waxaana uu sheegey in Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed uu diyaar u yahay in la shaqeeyey Shabakada 2013 oo uu sheegey in ay Tahay Shabakad ka go’an in ay wax u qabto Saxaafadda Soomaaliyeed

Dadkii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Careys Maxamed Xaaji oo ah Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo sheegey in Maamulkoodu uu soo dhaweynayo Waxqabka Shabakadda oo uu sheegey in uu tahay mid wax weyn u taraysa dhamaan qaybaha kala duwan ee Warbaahinta,waxaa uu Hoosta ka Xariiqey in Maamulkoodu uu diyaar u yahay in ay iskaashadaan Shabakada 2013

Xunihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mdi ahaa Cabdulaadir Maxamed Mursal oo ah Tafaftiraha Sare ee Radio Ergo waxaa uu sheegey in Sababaha loo dhisey Shabakadda 2013 ay tahay sidii isbedel dhab loogu sameyn lahaa Saxaafadda Soomaaliyeed sidoo kale waxaa uu sheegey in Shabakada ay dooneyso in ay kor u qaado Aqoonta Saxaafiyiinta Soomaaliyeed, wuxuuna u soo jeediyey Saxaafadda Soomaaliyeed in ay Xooga Saaran sidii Bulshadda ugu jiheyn lahaayeen Dhinaca Horumarka iyo wadanka Jaceylka islamarkaana meel iska Dhigaan wax la yiraado Qabyaalada oo uu sheegey in ay tahay Cudur la degey dalka .

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo ah Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka Soomaaliya oo halkaa ka Hadley waxaa uu sheegey in Xukuumada looga baahan yahay in ay dedejiso Xeeraka Saxaafadda Soomaaliyeed oo uu sheegey in uu yahay Xeer faaiido weyn ugu jirto Suxufiga Soomaaliyeed sidoo kale waxaa uu u soo jeediyey Suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay Diiradda Saaraan Waxa la yiraahdo Wadiniyada oo uu sheegey in ay tahay mid ka maqan Suxufiga Soomaaliyeed .

Ugu Dambeyntii waxaa halkaa ka Hadley Wasiirka Warfaafinta Mustaf Shiikh Cali Dhuxulow oo sheegey in Wasaarada ay soo dhaweyneyso Cid kasta oo wax u qabaneysa Saxaafadda Soomaaliyeed isagoo soo dhaweeyeyn Doorka Shabakadda 2013 kaga jirto sare u qaadida Aqoonta Suxufiyiinta Soomaaliyeed, wuxuuna halkaa ka balan qaadey in Xukumada aysan mar naba caburin doonin Warbaahinta Soomaaliyeed waxaa uu sheegey in ay Muhiim tahay in ay ku dhqmaan Xeerarka u degsan Saaxafadda

waxana ka mid ah Idaacadaha ku Mideysan Shabakadda 2013

1- Radio Daljir, Puntland
2- Radio Codka Nabadda – Voice of Peace – Puntland
3- Radio Codka Mudug, Gaalkacyo
4- Radio Codka gobollada Dhexe, ee Cadaado
5- Radio Galagadud ee Guri ceel
6- Radio Caabud-waaq, Caabubwaaq
7- Radio Hiraanweyn, Beletweyn
8- Radio Jawhar, Jawhar
9- Radio Bayadhabo, Baydhabo
10- Radio Xurmo ee Muqdisho
11- Radio Kulmiye , Muqdishu
12- Radio Mustqbal, Muqdishu
13- Radio Gool, Muqdisho
14- Radio Kasmo, Muqdisho
15- Radio Iftin, Muqdishu
16- Radio Warsan, Baydhabo
17- Radio Wadaag, Muqdisho
18- Radio Risaala, Muqdisho

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.