Home » Faallo »

XIL KAQAADISTII TARZAN IYO MAGACAABISTII MUUNGAAB WAXBAA LAGU QARINAYEY

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeenna Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Aqristoow, dadka aan siyaasada dalkooda sidaa ula socon sababo aad u farabadan darteed, waxbadanna aanan ka fahmi karin ayaa dalkasta isaga badan, sidaa daraadeed inyaroo siyaasiyiin ah (The Political elite) ayaa inta badan sida eey rabaan dadkaa hadba dhinac ugu jeediya. Xilka qaadistii Mudane Mohamud Axmed Nur (Tarzan) iyo U magacaabistii General Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab labadaa jagee is dulsaaran micno weyn baa ku jirey. Inkastoo qorshaha xil kaqaadista mudane Tarzan uu mudo soo socotey, hadana waxeey bannaanka si toos ah u timi kadib markii uu Ra’isulwazaaraha hadda jiraahi Mudane: Cabdi Wali Sheekh Axmed Maxamed u magacaabey Waziir-Ku-Xigeenka Sport-ga. Waxaase muhiimad gaar ah laheyd xiliga lagu soo beegey ama lala fiirsadey ku dhawaaqista in Tarzan si rasmi ah xilka looga qaadey, waase intiiba garankareeysa.

somali32

Waxaa xilka looga qaadey Mudane Tarzan Digreeto kasoo baxdey Xafiiska madaxweyne Xassan Sheikh maxamuud taariikhdu markii eey ahedy: February 27, 2014, Isbuuc kadib weerarkii dhacay February 21, 2014 ee ugu xasaasisanaa ee dowlada hadda jirta Al-Shabaab eey ku qaadan. Waxkale iska daaye Madaxtooyadii baa lagu weereray dowladii. Ogoow! Waa halkii ugu dambeeyseyba ee madaxdii dowlada ugu sareeysey eey wada daganeyd. Waa meesha loo baahnaa in eey ugu ammaan badnaato oo eey weerarada Al-Shabaab ka caaganaato (The Green Zone). Waxaa nasiibdarro! Weerarradaa lagu diley mas’uuliyiin aad u sarsareeysa, oo eey ka mid ahaayeen Allaha u wada naxariistee: Agaasimihii hore ee xafiiska Ra’isulwazaaraha: Marxuum Dr. Maxamed Xirsi Cabdulle (Indhacade) iyo Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida qaranka Jen. Nuur Shirbow iyo muwaadiniin kalaba. Taa waxaa fursad ahaan looga faa’ideeystey-Ileyn Carabtaa tiraahda, Masiibada dad, dad kaleey faa’iido u tahay (مصائب قوم عند قوم فوائد)-Xil ka qaadista mudane Mohamud Axmed Nur (Tarzan), iyadoo si xirfadeeysan dusha looga saarayo guul-daradaa Amniyeed, iyadoo eedaa laga duwayo/wareejinayo ragii sida dhabta ah ee tooska ah eey u qeeysey guul-darradaa Amni ee dhacdey. Waxaa tooshka sidaa looga leexiyey Waziirka Amniga Qaranka “Ee lama taabtaanka ah” Mudane: C/Kariin Xuseen Guuleed oo ah saaxiib aad ugu dhow H.E. Madaxweyne: Xasan Sheekh Maxamuud, madaama waziirku uu ka mid yahay kooxda isxulufeeysiga Dam-Jadiid ee xiligan talada dalka gacanta ku heeysa. Xaqiiqdiina wuxuu Mudane: C/Kariin Xuseen Guuleed ka mid ahaa ragii uu R/W hore mudane: Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu sababsadey in meeshaba laga eryo kadib markuu damcey in uu ka saaro liiska waziiradii cusbaa ee uu soo waday. Ra’isulwazaaraha hadana jira Mudane: Cabdi Wali Sheekh Axmed Maxamed-na lagu qasbey in uu kusoo daro liiska waziirada isaga iyo mudane: Faarax Sheekh Cabdulqaadir (Faarax Topaz) oo hadda ah Wasiirka Dastuurka iyo Cadaaladda Dowlada federaalka ah. Hubaalna wadaxweynaha ugaba sii dhow Mudane: C/Kariin Xuseen Guuleed. Hadii aan xaqiiqda la iska indho tireyn C/Kariin Xuseen Guuleed waa Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliyeed, waa ninka 1-aad ee Arimaha Amniga howshiisa iyo mas’uuliyadiisa dhabta ahi tahay, cidkaloo ka xigtaa hadii fashil dhinaca Amniga ahi yimaadana ma jirto, balse nasiibdarro! Si xirfadeeysan ayaa tooshka inta looga wareejiyey la duldhigey Mudane: Tarzan oo horeyba loogu socdey, si looga dhigto waxa afka qalaad lagu yiraahdo “scapegoat”. Waxaase sidaa si la mid ah mas’uuliyadaa Aminga Waziirka Aminga C/Kariin Xuseen Guuleed ula qeeybsanaya waliba si toos ah dusha eey uga dhaceeysaa: Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. C/Xakiin Daahir Siciid (Saacid) iyo Taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliyeed: Jeneraal Bashiir Max’ed Jaamac (Bashiir Goobe). Caalamka Madaxda jagooyinkooda oo kale heeysa marka eey guul-darradaa aadka u xumi (Catastrophic failure) dhacdo weey is casilaan, si sharaf ah waliba iyagoo mas’uuliyada eey ku leeyihiin guuldarradaa qiranaya ummadana weey ka horwareegaan. Nasiibdarase! Sadaxdaa nin jago jaceeylkood in eey iscasilaan iska daaye, xitaa ma aaneey qiran qeeybta eey ku leeyihiin guul-darradaa iyo gudasho la’aantaa mas’uuliyadeed. Waxaase habooneyd in maadaama aaney is casileynin uu madaxweynaha shaqada ka eryo, inta nin jecleeysiga iska iloobo, si kuwa mustaqbalka imaanaya eey duruus cad ugu noqoto, isagana uu u noqdo mas’uul qaran oo aan ciyaar-ciyaar qaadan, kuna dhiirada go’aannada ad-adag balse saxda ah kuwaasoo mudan in la qaato. Madaxweyne Xassan-se ma rabo in sidii Madaxweynihii hore H.E.Sh.Shariif Sheikh Ahmed uu asxaabtiisa (His team) uu marba meel mid uga tago, illaa uu kaligii meel soo istaagay.

Nasiib darro! Wixii oo dhan ayaa waxaa si afka aan lagu dhufaneyn (Lisaanul Xaal) dusha looga tuurey Tarzan, si dadka loogaliyana waxaa lagu badaney General Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ku caanbaxey dil toogasho ah dhalinyaro ku wada xukumid, si dadka loogu yiraahdo-Si dadban-Mas’uuliyadaa Aminga ninkii hore (Tarzan) waxbuu ka qaban waayey, nin adag baan keenney oo hadda wax ka qabanaya, taasoo ah Indha-Sarcaad mas’uuliyada dadkii iska lahaa looga leexinayey. Gen. Muungaab oo sifiican kaartadaa ula socda mustaqbalkana kasii gaashaamanaya, ayaa khudbadiisii xil-lawareegida ku yiri, “”Talisyada Booliska Iyo Nabad Sugida Gobolka Banaadir waa In ay iga amar qaataaan, hadii kale Amniga gobol-ka yaan waxba la iga weydiin” isagoo u cuskanaya sharcigii No. 21 ee soo baxay Augost 1963 ee aan la badalin sidiisana u jira. Waa  arin Tarzan hore uga hoosbaxdey, Muungaab-se Allah uu garadsiiyey.

WAXQABADKII MUDANE MAXAMUUD AXMED NUUR (TARZAN)

Aqristoow Mudane Mohamud Axmed Nuur (Tarzan) Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho waxaa lagu xasuusan doonaa waxqabad hufan oo aad u baaxad weyn. Wuxuu waxbadan ka qabtey magaalada Muqdisho. Wuxuu ahaa nin si dhab ah u rumeeysan wax ugu qabashada Gobolka Banaadir iyo Caasimada dalka ee Muqdisho. Wuxuu taa ku yeeshey saaxiibo iyo cadow badan oo aad u jecel in magaalada Muqdisho aaney waligeed ka bixin dhimasho, dhiig daata, horumar la’aan iyo dib u dhac dhinac kasta ah, iyadoo dhinaca kalana magaalooyin iyo gobollo kaloo dalka ka mid ahna eey nabad iyo horumar dhinackasta ah ku naaloonayaan. Wuxuu ahaa mas’uul si dhab ah ugu maseeyra, si dhab ahna ugu gubta arimahaa Gobolka iyo Caasimada Qaranka ee Muqdisho. Inkastoo eey jireen mas’uuliyiin isaga ka horeeysey ee xilalkaa hore loogu soo magacaabey, hadana wuxuu ahaa mas’uulka kaliya ee isbadal dhab ah ee la taabankaro ka sameeyey Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Banaadir. Waxyaabaha uu magaalada Muqdisho iyo Gobolka Banaadir ka qabtey hadii aan dhahno aan wada sheegno, waxeey inooga baahnaaneeysaa qormo aad u dheer oo arimahaa u gaar ah, balse kuwa ugu mhuiimsan waxaa ka mid ahaa; In uu ahaa ninkii ugu horeeyey ee xilkaa qabta burburkii dowladii dhexe ee Marxuum Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre kabacdi ee Gobolka iyo Magaalo-Madaxda u sameeya Dab-Damisyo lagula tacaalo dabka inta badan hantida ummada Soomaaliyeed iyo naftoodaba eey ku baaba’aan. Waxaa xusid mudan in Suuqa ugu weyn Dalka ee Bakaaraha si joogta ah sanadkasta loo gubijirey, sidaana dhaqaalaha iyo hantida ummada loogu cuuryaaminjirey, iyadoo dowlada hoose, Gobolka Banaadir iyo Magaalo-Madaxduba aaney laheyn wax Dab-Damis ah.Wuxuu sidoo kale hirgaliyey mashruuc gobolka uu ku yeeshey Ambulance-yo si ummada naftooda loogu badbaadiyo.Wuxuu dhisey qalabeeyeyna dhamaan xarumaha degmooyinka gobolka, oo hortii Foore/Eber ahaa. Wuxuu ballaariyey Isbitaalka Banaadir oo dayactir baaxad leh uu gobolka ku sameeyey. Wuxuu dhisey isbitaalka Fiqi ee ku yaalla Ceelasha Biyaha.Wuxuu dhisey xarunta caafimaadka ee Xamar-Jajab. Wuxuu dhisey Xarunta Police ee u dhaweyd College Feraro meesha canshuurta, xafiisyadoodana uu u qalabeeyey. Waxaa intaa u siidheereyd waxqabadkii aadka loola dhacay ee soocelinta Bilicda Magaalada Muqdisho iyo Guud ahan Gobolka Banaadir sida: Hagaajintii uu u sameeyey Beerta Nabada ee Yoobsan oo isaga hortii iska noqotey meel baabuurta qanaxyada ah lagu guro, balse uu u badaley meel banaanbaxyada lagu qabsado, ummadana isku wacyigeliso, iyadoo qorshe lagu sii casriyeynayana uu Turkiga kula heshiiyey. Waxyaabaha Ummada aadka usoo jiitey Qaranimadii, sharaftii iyo karaamadii ummadan in eey soo noqoneeysana shacabka uu ku dareensiiyey waxaa ka mid ahaa in uu dhisey Beerta Dhagax-Tuur, Taallada Dhagax-Tuur, Taallada SYL, Taallada Sayidka, Taallada Dal-Jirka-Dahsoon, Beerta KM-4, Afarta-Darjiino, Kalabeeydhka Fiat, Kalawareega Shangaanni IWM. Waxaa sidoo kale uu waxweyn ka qabtey dhinaca qashinka magalada oo buuro ahaa meelkasta, taasoo aheyd mushkilo dhinac bilic iyo mid cuduraba isugu jirtey. Si uu u dhiiragaliyo rajada iyo soo noqoshada Nabada la heley, wuxuu dalka ku casuumey fannaaniin caan ah sida: Hiba Nuura, Qoomaal, Lafoole, Kooxda Qeylo-Dhaan…IWM si qurbo-joogta eey ugusoo dhiiradaan kusoo noqoshada iyo maal-gashiga dalkooda hooyo, gaar ahaan Caasimada dalka. Waxaa xusid mudan in xilka markuu la wareegayey mudane: Tarzan eey gacanta xukuumada ku jireen oo kaliya 5-Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Caasimada ee Muqdisho. Wuxuu daganaa Hotel Naaso-Hablood-2, waxaana u furnaa halwado oo kaliya, wadadaana waxeey aheyd mid Afar Mas’uul lagu qarxiyey, waloow isagana la isku dayey, balse Allaah uu ka badbaadiyey dhowr jeer. Xaqiiqdii aad ayuu u dhabar-adeeygey, halis farabadanna ugu bareerey si dalkiisa iyo dadkiisa uu wax ugu qabto.

ARIMAHA KA HOOSBAXEY MUDANE MAXAMUUD AXMED NUUR (TARZAN)

Mudane Tarzan waxaa ka hoosbaxdey dhowr arin oo muhiim aheyd in uu wax ka qabto. Waxaa ugu muhiimsan 1- Waxaa jirta in Gobolka Banaadir yahay meesha kaliya ee dusha kaligeed loo saarey in dhaqaalaha kasoo baxa Dakadda iyo Garoonka Muqdisho lagu wado dowladnimada Soomaaliyeed ee ummadoo dhan laleeyahay weey ka wada dhaxeeysaa, iyadoo gobollada kalee leh Dakado iyo Garoomo aaney waxba ka dhiibin culeyskaa baaxada weyn ee dowlada Dhexe lagu kala wado-Marka laga reebo waxa bulshada caalamku bixiso-Gobolladaa waxeey u hadlaan sidii kuwo kaalintoodii kasoo baxay, nasiibdarrana! Waxba uma qirsana bulshadaa culeeyskaa lagu wada fiirsadey. Arintaa wax ka badalin dhab ah waliba degdeg ah ayey u baahneyd, walina ubaahantahay. 2-Arinta la wareegida ciidamada gobolka Banaadir oo uu ku dadaalo in eey Booliska iyo Nabad-Sugida gobolkuba isaga hoos yimaadaan, si aanu cidkalaba ugu halleyn. 3- Arinta Maamulka Siyaasadeed iyo Isdoorashada oo eey aheyd in uu xooga saaro kana shaqeeyo in uu maamul isdoorta, madaxdeedana lasoo doorto gobolka Banaadir yeesho, si markasta uu gobolka mustaqbalkiisa aanu ugu xirnaan mustaqbalka dowlada dhexe, si gobolka Banaadir uu dhinackastaba ugula tartamo gobollada kalee dalka ee maamullada leh. Haduu arintaa ku guuleeysan lahaa maanta cidi ma casilikarteen. Inkastoo taasi jirto hadana aad ayuu u dadaalay.

WAXA LAGU QOONSADEY MUDANE MAXAMUUD AXMED NUUR (TARZAN)

Waxaa lagu qoonsadey in uu ahaa nin aragti fog, codkar ah, aan la gamban runta cidii eey rabtaba ha quseeysee. Wuxuu marar badan aflabadii eedeeyn ugu jeedinjirey dowlada dhexe, xitaa intii la socotey qudbadii xilwareejintaba eey ka mid aheyn eedeeyn uu u jeediyey waziirkii hore ee arimaha gudaha C/Kariin Xuseen Guuleed. Wuxuu noqdey siyaasi lawada afhayo ammaantiisa iyo waxqabadkiisa, sumcadiisana maalinba maalinta ka dambeeysaahi sii kordheeyso. Wuxuu ahaa siyaasi aad uga awoodbadnaa xitaa Waziirada. Waxaa la dhihi karaa wuxuu ahaa Booska Afaraad waa marka laga soo tago madaxweynaha, Ra’isulwazaaraha iyo Gudoonka Baarlamaanka. Shiiqinta uu ku sameeyey siyaasiyiin farabadan darteed, waxaa halis u arkey in badan oo mustaqbalkooda siyaasadeed uu ku cariirinkarayey hadaan laga hortagin sumcadiisa iyo magaciisa degdega usii kobcaya. Ugu dambeeyna hawadaa lagu cunay.

Wabillaahi Toowfiiq

Writing only for SOOMAALINIMO

 boqor3

C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”

Maamule ku xigeen ahna Bare Jaamacadeed, Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha

Al-Madinah International University, Malaysia

abdulkadirphd@hotmail.com. Sawirrada: Google images search

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.