8/3/2014 Xarunta Muqdisho ee diraasaadka & cilmibaarista ayaa soo qabanqaabisay Dood cilmiyeed ku saabsan Tacliinta Sare ee Soomaaliya dhibaatooyinka soo wajahaya & sida looga gudbi karo.
Dood cilmiyeedkan oo ka dhacay xarunta muâasasada SAFAA , waxaa ka soo qeyb galay qaar ka tirsan maamullada jaamacadaha Muqdisho , aqoonyahano ku xeeldheer waxbarashada , culumaaâudiin , bareyaasha jaamacadaha & weliba ardayda.
Dood cilmiyeedka waxaa furay guddoomiyaha Xarunta cimlibaarista Muqdisho, Ustaad C/wahaab Cali Muumin oo ka warbixiyay waxqabadka xarunta & ujeedada ka dambeysa qabashada nadwadaan, wuxuuna xusay in tacliinta sare ee soomaaliya ay sameysay kobac weyn, & kororka tirade hayâadaha & jaamacaadka ku howlan tacliinta sare , wuxuuna xusay in lagama maarmaan ay tahay in la tayeeyo adeegyada waxbarasho oo ay bixiyaan jaamacadahaas,
Hadaba si loo helo fikradaha aqoonyahanka & bahda waxbrashada , ayay xaruntu qabanqaabisay nadwadaan, wuxuuna hadalka ku soo dhaweeyay aqoonyahanadii lagu casuumay in ay soo bandhigaan diraasaad ku saabsan mushkiladaha haysta tacliinta sare & hababka lagu xalin karo. Waxaana ka mid ahaa mushkiladihii aqoonyahanku soo bandhigeen ee sida weyn looga dooday , kuwo la xiriira dhanka maamulka jaamacadaha, dhanka bareyaasha , dhanka manaahijta, dhanka ardayda & weliba dhanka jawiga waxbarashada.
Aqoonyahanka diraasadaha ka soo jeediyay nadwadaan waxay kale ahayeen :-
Dr Hassan Sh C/qaadir
Ustaad Adam Shidane Guuleed
Ustaad C/laahi Maxamed Ciise
Ustaad C/naasir Xasan Axmed
Ustaad Shaafici C/casiis Xaaji Dhafe
Dood & falanqeyn dheer ka dib, ayaa waxaa la isku raacay in tacliinta sare ee Soomaaliya ay haystaan dhibaatooyin badan , loona baahan yahay in loo helo xal, waxaana talooyinka ka soo baxay dood cilmiyeedkan ka mid ah:-
– In Wasaaradda Hidaha & Tacliinta sare sameyso ââGuddiga Tacliinta Sareââ lana dejiyo siyaasadda tacliinta qaranka.
– In jaamacaduhu sameeyaan Goleyaal qaabilsan dhowridda & horumarinta tayada tacliinta.
– In jaamacaduhu hadafkooda ka dhigtaan soo saaridda arday ka dhisan xaga aqoonta, akhlaakhda.
– in maamulka jaamacaduhu ku dadaalaan kobcinta aqoonta & tababarka bareyaasha.
– In lagu dadaalo casriyenta manaahijta waxbarashada & horumarintooda.
– In la xoojiyo xirrirka & iskaashiga u dhaxeeya muâasaadka ku howlan tacliinta sare.
– In laga faaâideysto tajaaribta wadamada ku horumaray tacliinta.
– In la joogteeyo dood cilmiyeedyada la xiriiro horumarinta tacliinta Sare & tayeynteeda.
Waxaa soo tebiyey
Maxâed Maxâud
mullah40 [AT] hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.