Home » Warar »

Jaamacadda Somalia International University (SIU) oo Heshiis la Gashey Jaamacadaha ,EAIU, Kenyatta & Makerere .

Ka dib wada hadlo iyo xiriiro mudo soo socday, ayaa Jaamacada Somali International University (SIU) , waxay Heshiis Dhinaca Waxbarashda ah la gashay Saddex ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn Geeska Africa.

Jaamacada SIU waxaa ka mid ah Saddedda Jaamacadood ee ay Heshiiska la gashey Jaamacada Kenyatta ee Dalka Kenya iyo Jaamacada Makerere ee Dalka Uganda iyo East Africa International University o o dhamaantood ku yaala Wadamada Geeska Afrika

Heshiiskan oo dhinacyo badan taabanaya ayaa waxaa ka mid ah Qodabada lagu heshiiyay
1. Is-Dhaafsiga Ardayda iyo Macalimiinta.
2. Howl-galinta Xarumo Cilmi Baaris si Wadajir ah
3. Is-Dhaafiska Tababarada & Xogaha la xiriira Wax-barashada.

Sidoo kale Qodabda lagu Heshiiyay waxaa ka mid ahaa in Jaamacada Kenyatta ay ka dhex-furato Jaamacada SIU Qeyb lugu baranyo Master Program iyada la raacayo Qodobada hoos ku xusan

1. MBA – Master of Business Administration
2. Mater of Public Health – Epidemiology and Disease
3. Master of Public Administration
4. Master of Public Policy and Administration
5. Master of Diplomacy and International Relations
6. Master of Education
7. Master of Arts Peace and Conflict Management
8. Master of Computer Science
9. Mater of Statistics (M. STAT)
10. Master of Economics

Dhinaca kale Jaamacada Makerere waxay hir-galinaysaa Xarun lugu barto English Language & Communication Sidoo kale, waxaa Jaamacadda SIU u suurta gashay in ay Jaamacadda International University of East Africa la samayso Iskaashi la xiriiraKkulliyada Petroleum Engineering.
somali30
Jaamacada SIU- Somali International University ayaa waxaa lagu xusuustaa hirgalintii laabab casri ah oo aan horay dalka uga jirin Bartimihii 2013.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.