Home » Warar »

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo Deeq ka Guddoomay Xukuumadda Maraykanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Gen. Daahir Aadan Cilmi Indho Qarsho ayaa Xerada Jaziira Tababar ugu soo xiray Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Gen Indha Qarshe oo ciidankaasi la hadlay ayaa sheegay in wejigii koowaad ee Tababarku u soo dhamaaday Ciidanku isla markaana u harsan yahay wejiga labaad ee Tababarka isagoona Ciidankii uu la hadlayay ku booriyay inay isu diyaariyaan Tababarkaas.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa u sheegay ciidankaasi in Xukuumadda Maraykanku soo gaarsiisay Qalabka ay Isticmaalaan Ciidamada Kamandooska, Dufcadana ay yihiin kuwii ka faa’ideysan lahaa Qalabka Kamandooska.
somali27
Indha Qarsho ayaa sheegay in Ciidamada Kamaandoosku yihiin Laf dhabarka Ciidamada Milateriga sidaa darteedna looga baahan yahay in Ciidamadan tababarka soo dhamystay in duruustii halkaa ay ku barteen ay kaga faa’ideystaan.

Gen Daahir ayaa ammaan u soo jeediyay Macalimiintii Tababarkan bixisey iyo Xukuumadda Marayakanka oo uu sheegey in weligeedba ay Taageero aan hagar lahayn la bar bar taagneed Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba Ciidamadan ayaa qaadanayay Tababar dhinaca Kamandooska ah oo muddo ay halkaa ku baranayeen kuwaasoo Buddhig looga dhigayo dib u soo nooleynta Ciidamadii Kamandooska Soomaaliyeed oo bur burkii dalkua ku dhacay uu si weyn u saameeyay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.k

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.