Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Khudbaddii ku aaddan weerarkii madaxtooyada

Khudbad ku aaddan weerarkii madaxtooyada

February 25, 2014

Bismilaahi Raxmaani Raxiim,
Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku salaamayaa salaanta Islaamka, Assalaamu calaykum wa raxmatu laahi wabarakaatuhu.

raisalwasaareMar kale, waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo eheladii ay ka geeriyoodeen marxuumintii ku dhintay falkii argagixisanimo oo ka dhacay Villa Soomaaliya maalintii Jimcaha ee 21-kii bishan. Waxaan Eebbahay ugu baryayaa in uu jannadii geeyo marxuumiinta, samir iyo imaanna ka siiyo ehelkoodii. Ina lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Ma ahan markii ugu horreysay ee ay argagixisadu la beegsadaan falal noocan ah shacabka Soomaaliyeed . Kooxahaan waxay banneysteen dhiigga dad aan waxba galabsan ayagoo marar badan xasuuqay carruur, arday, macalimiin, takhaatiir, aqoonyaanno, culumo, shaqaale, saraakiil dawladeed iyo dad kale oo wax ku ool ah.

Argagixisadu waxay lid ku yihiin nabadda, waxqabadka iyo horumarka dadkeenna. Diinteennu ma banneeyneyso in naf Ilaahay abuuray xaqdarro lagu gooyo, iskaba daa in la gumaado dad Muslimiin ah oo masaajid u taagan salaad.

Falkii foosha xumaa ee Jimcihii dhacay, waxaa fulintiisa loo adeegsaday carruur yaryar. Carruurtaas waxaa lagu marin habaabiyey fikirka gurracan ee xagjirnimada – oo aan xiriir la laheyn diinteenna xaniifka ah. Waa nasiib darro ah in carruurtaas markasta ay ku dhintaan falalka noocaas ah, maxaa yeelay naftoodu qiimo uguma fadhido arxanna uma hayaan kuwa adeegsanaya.

Jimcihii ina dhaafay waxay argagixisadu galaafteen dad aan waxba galabsan oo isugu jira saraakiil iyo masuuliyiin dawladeed oo ku sugnaa goob ay ku cibaadeeysanayeen. Waxaa dadkaas ka mid ahaa marxuum Maxamuud Xirsi “Indhacase” iyo marxuum General Nuur Shirboow. Dhacdadan iyo kuwii ka horreeyayba waxaa ku agoomoobay carruur badan waxaana ku kala dhantaalmay qoysas.
Argagixisadu waxay had iyo goor sheegtaan in ay la dagaallamayaan cadowga Islaamka. Waxaa cad inay iyagu yihiin cadowga dhabta ah ee diinteena iyo dadkeena. Tusaale, marxuum Maxamuud Xirsi “Indhacase” hadalkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa ‘Laa Ilaaha Ila Laah, laa Ilaaha ila Laah’. Taas waxay muujinaysa inaysan waxba ka jirin waxa argagixisadu sheeganayso.

Waxaa la ogsoon yahay in ay xukuumaddu kordhisay cadaadiskii millatari ee ay kula dagaallameysay kooxaha argagixisada ah iyo hoggaankooda. Wixii Villa Soomaaliya ka dhacay Jimcihii ina dhaafay wuxuu ka yimid cadaadiska ay xukuumaddu ku hayso argaggixisada. Kooxahani waxay raadinayaan fursado ay ku muujiyaan inay weli jiraan, khatarna ku yihiin amnigeena. Waxaa wiiqantay awoodda dhaqaale, dagaal iyo moraal ee argaggixisada, waxaana taas caddaynaya naflacaarinimada ka muuqata.

Xukuumadda waxaa ka go’an in kooxahaas laga tirtiro dalka oo dhan (haddii Eebe idmo). Dadkeenna, meel kasta oo ay ku sugan yihiin, waxay dhowaan ku diirsan doonaan howlgallo xanuujiya, dhabarkana ka jabiya nabad-diidka.
Ka sokow hawlihii socday, waxay xukuumadda ku dhaqaaqday tallaabooyin ka jawaabaya weerarradii dhowaan dhacay. Waxaa tallaabooyinkaas ka mid ah:
1. Waxaan baaritaan dhab ah oo qoto-dheer ku sameyn doonnaa weerarkii Jimcihii, si loo ogaado waxa dhacay, sababtey u dhaceen, ciddii ka dambeeysay, iyo sida loo waajahay markii uu falku dhacay. Baaritaankaas waxaa loo xil saaray guddi wasiirro ah oo kaashan doona xeel-dheerayaal hawshan loo xulay.

2. Waxaan dhisnay oo hawlgalinnay Guddiga Amniga iyo Nabadeynta Degmooyinka oo ka kooban xubno ka mid ah: golaha wasiiradda, baarlamaanka, ururrada bulshada, maamullada degmooyinka, ganacsatada, booliska, nabadsugidda, culimaa u diinka, ururrada haweenka iyo dhallinyarada. Dadaalkan wuxuu bilow u yahay wadashaqeyn dhab ah oo dhex marta xukuumadda iyo bulshada. Wadashaqeyntaasi waxay lagama maarmaan u tahay sugidda amniga iyo horumarinta bulshada.

3. Waxaa dhowaan la xil saari doonaa khubaro daraasad ku sameeya tayada, waxqabadka iyo wax ku oolnimada hay’adaha amniga, oo ay ka mid yihiin hay’adda nabad sugidda, booliska iyo millatariga. Hadafka daraasaddaan waa in talo loo helo xoojinta tayada iyo waxqabadka hay’adaha amniga qaranka.

4. Waxaa dhowaan baarlamaanka la horgeyn doonaa sharciyo lagu qaado dadka ku eedeysan falalka argagisxisanimada. Sharciyadaas waxay, sidoo kale, ciqaabi doonaan shakhsiyaadka kalkaala argagixisada, cidkastoo ay yihiin.

Tallaabooyinkan looga hortagayo falalka argagixisanimada waxay salka ku hayaan qorshe ballaaran oo aan dooneyno inaan ku sugno amniga guud ee dalka.

Waxaan, si dhakhso ah, u fulin doonnaa talooyinka ka soo baxa guddiyada baarista ee la xiriira nabadgelyada. Xukuumaddu ma dooneeyso inay qaaddo tallaabo aysan hubsan, baarin, kana baaraan degin. Waxaa naga go’an in aan dadkeena u soo celino nolosha iyo xorriyadda ay mudan yihiin, xaqana u leeyihiin, taasna waxaa lagu gaari karaa shacabka iyo xukuumadda oo isku duubma.

Waxaan farayaa saraakiisha amniga iyo maamullada gobollada in ay muujiyaan wadaqasheyn buuxda. Ciidamada amniga, sidoo kale, waxaan farayaa inay xilkasnimo iyo hufnaan ugu adeegaan shacabka. Marnaba, ciidamadu, waa in aysan dhib u gaysan nolosha shacabka. Ciidamadu waa in ay ogaadaan in lagula xisaabtami doono wax qabadkooda iyo sida ay u dhowraan xuquuqda dadka.

Waxaan giddigeen u shaqeeyneeynaa shacabka. Mabda’an waxaa asal u ah hannaanka dawlad wanaagga ee aynu hiigsaneyno. Albaabadeennu waa u furan yihiin shacabka. Waxaan sii wadi doonnaa xiriirka iyo wadatashiga aan la leenahay ummadda. Waxaan dhagaysan doonnaa talooyinka ay noo soo gudbiyaan.

Hubaal waxaa ah in nabaddu ku xiran tahay ka qeybgalinta shacabka hawlaha sugidda amniga.
Haddaba, waa in shacabku mas’uuliyad isa saaraan lana shaqeeyaan ciidamada amniga iyagoo soo gudbinaya wixii ay u arkaan inay khatar ka imaaneeyso. Waxaan ku baaqaynaa in shacabku u dhaga nuglaadaan codsiga dawladda ee ku aaddan nabadeeynta dalka.

Sidoo kale, culimada Soomaaliyeed waxaan xasuusinaynaa inay u istaagaan fahamsiinta ummadda mowqifka diinteennu ka qabto argagixisanimada iyo ku xadgudubka xuquuqda dadka iyadoo la isticmaalayo magaca diinta Islaamka.

Waxaa ku dayasho mudan, oo aan boogadinayaa, ciidamada qalabka-sida, gaar ahaan ilaalada madaxtooyada iyo saraakiishii kale oo naftooda ka hormariyay badbaadinta muwaadiniintii cibaadeeysanayay. Ilaaladaas iyo saraakiishaas waxay horjoogsadeen oo fashiliyeen hadafkii argagixisada oo ahaa inay dad badan gumaadaan, waxayna abaalkooda mariyeen oo laayeen dhammaan kuwii weerarka soo qaaday. Geesinimadoodu waxay mudan tahay abaal marin qaran, taas oo ay xukuumaddu ku talo jirto dhaqanglinteeda.

Gebagebadii, dadkeennu waxay ku baraaarugsan yihiin dhibaatada nabad-diidka al-Shabaab ay ka dhex wadaan bulshada, taas oo ka hortaagan in ay helaan nolol xurmo leh, waxbarasho, caafimaad, fursado shaqo, caddaalad iyo xornimo shakhsi ahaaneed.
Go’aankeennu waa midnimo, geesinimo, wada-shaqeyn, iyo inaaynu meel uga soo jeesano dagaalka aynu kula jirno argagixisada. Bartilmaameedkeenu waa guul, nabad iyo horumar.

Mahadsanidiin!

Mudane Cabdiwali Sheikh Axmed
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.