Home » Faallo »

Shirkadaha Turkiga Dhaliil iyo Ammaan!.

 

Shirkaddaha  Favori iyo Tika, waa Shirkado laga leeyahay Dalka noo soo Gurmadey ee aynu  weliba Walaalaha nahay  ee Turkiga, Favori waxay Howlihii Garoonka Diyaradaha ee Magalada Muqdisho  kala wareegtay Shirkad laga leeyahay Dalka Koofur Afrika oo la yiraahdo SKA ka dib markii Xukuumaddii Raysul-Wasaare Saacid Faarax Shirdoon ay sidaas daw u aragtay oo ay weliba Baarlamanka  u gudbisey inkastoo aanu weli meel mrin.

Waxyaabaha loo idmaday Favori waxaa ugu wayn Casriyaynta Garoonka Diyaradaha ee Aadan Cadde iyo Maamulkiisa, in kastoo aanay Shirkaddu bilaabin dhismaha ama Dayactirka Garoonka hadana  durba waxay soo bandhigtay Naqshadda Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho oo Casri ah waxayna  ballan qaaday iney Dayactirkiisa oo Casri ah ku dhamayn doonto mudo Sideed Bilood ah, TIKA iyana wxaa loo idmaday dib u habaynta Laamiyada Magaalada Muqdisho ugu yaraan 120 KM, iyadoo Bilo ka hor bilowday samaynta Marshe-biyeediyada iyo Dayactirka qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho oo hada ka wanaagsan sidii hore.

Anigoo ka mid ah Saxafiyiinta ka howl gala Magaalada Muqdisho  ayaa  Waxaa naga badatay dhaliilaha loo soo jeediniyo Waxqabadka Shirkada Favori oo aan anigu  u haystay iney ahayd mid Ilaahay noo soo adeejiyey oo si wanaagsan howlaheeda u wadata, kadibna waxaan isku Waajibiyey  u kuur gelidda inaan wax badan ka ogaado waxa dadku ku dhaliilayo iney wax ka jiraan iyo in kale, Waxaan tegey Garoonka Muqdisho oo ay si buuxda Maamulkiisa gacanta ugu hayaan Maamulayaasha Shirkadda Favori, waxaan la sheekaystay Qaar ka mid ah Shaqaalaha Shirkadaha Diyaaradaha, Ciidamada Dowlada ee  ka howl gala Garoonka iyo Dad siyaabo kala duwan u taga Garoonkaas  Maalin walba oo ay ku jiraan Taksiilayaal.

“ Favoori Ilaa iyo hada Dhismaha Garoonka Diyaaradaha waxba kama qaban” sida waxa yiri mid ka mid ah Shaqalaha Shirkadaha Diyaradaha, waxa uuna intaa ku daray “ waxay na tuseen Nashqad Wanaagsan, laakiin ma ogi markay wax bilaabi doonaan” Ninkaasi waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri “ waxay qabsadeen iney ku dayactiri doonaan Garoonka Sideed bilood” waxa uuna hadalkisa sii daba dhigay “ uma malaynaayo sideed Bilood iska daaye iney labo sano ku dhamynayaan Dhismaha garoonka oo leh Nashqada ay soo bandhigeen“.

somali17

“Diyaaradaha keena Tarxiilka  iyo kuwa soo dega lixda Aroornimo ma helaan wax haga oo u tilmaama Baakinkooda”sidaana waxaa yiri mid kale oo isna ka mid ah Shaqaalaha Shirkadha Diyaaradaha Muqdisho” waxa uuna inta raaciyey “ waxay ahayd arin  Qatarteeda leh oo ay masuuliyadda leeyihiin Shaqalaha Favori oo aan waqtigasi joojin garoonka, hadii ay jooganna aan wax xil ah iska saarin arintasi”.

Mid kale oo mid ah Shaqaalaha Shirkadaha Diyardaha oo subax walba  u Shaqa taga garoonka Diyaaradaha ayaa isna yiri “ waxaa dhacda inaan mar-marka qaar wayno Shidaalka Diyaaradaha oo laga rabey iney mar hore favori sii diyaariso” waa uu sii hadlay ninkaasi oo waxa uu hadana yiri “ waxaan ku fakanaa mar-markaas Shirkaddii SKA oo na siisa Shidaal, taasoo aan weli ka guurin Garoonka Muqdisho”

“ waxaa xitaa dhacday iney Favori ku fashilmeen dejinta Diyaarad wayn oo soo degtay garoonka horaantii Bishaan Febraayo” sidaasna waxaa yiri Askari sheegay inuu Garoonka gudihiisa ku sugnaa, waxa uuna sii raaciyey “ waxaa qalabkaas la yimid oo Diyaaraddii dejiyey Shirkadii SKA oo  siday ila tahay aan ilaa iyo hadda looga maarmin Maamulka Garoonka”

Mid kale  oo ka mid ah Ciidanka Dowlada oo ka howl gala Garoonka Diyaradaha ayaa  yiri   “ Maalin dhowayd waxaa dhacday iney labada Shirkadood Favori iyo SKA oo isku qabsdaan Shidaal siinta Diyaardaha Garoonka yimaada” waxa uuna intaa ku daray “ waxaa kaloo isla Subaxdaasi dhacday iney Shaqaalaha Favori Irdaha Garoonka Xirtaan”  Askarigaasi waa uu sii hadlay wuxuuna yiri “ waxaan maqlay iney xitaa dacwdoodu gaartay Madaxda sare ee Dowlada”waxa uuna Askarigaasi hadlkiisa ku soo Gunaanadey “ Amisom la’aanteed Garoonkani ma shaqeeyeen sababtoo ah iyagoo loo dacwoodaa”.

 

Markay Sheekadu halkaas maraysey oo aan Dhaliil mooyee Ammaan ka  waayey  Nimankii Sheekada ii weedy ayaa waxaan waydiiyey waxyaabaha lagu Ammaani karo Shirkadda Favori ee ka howl gasha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana mid ka mid ah Nimankii la soo boodey “iney Muslin yihiin oo ay nala dukadaan mooyee waxaan ku Ammaano ma arag” .

Dhinaca kale Shirkadda Tika waxaa lagu Dhaliilaa dib u habaynta Laamiyada Magaalada, Dadka qaar waxay rumaysan yihiin in aanu Lamigoodu wax tayo ah lahaan doonin maadaama uu deg-deg yahay, kuwo kalena waxay qabaan in Laami kale u dhiman yahay oo aaany sidaan wax uga tegi doonin, waxay kaloo dadku sheegaan inuu jiro Musuq ay sameeyaan Shaqaalaha Soomaalida ee loo idmaday Dayactirka Laamiyada Magaaalda Muqdisho.

Ka sokow, Sheekooyinka Dadku isla dhex marayo ee ku aadan Musuqa laga sheegayo Shaqaalahaas, waxaan idiin soo gudbinayaa sheeko aan Goobjoog ka ahaa waxayna u dhacday sidayan. Shaqaalaha Shirkaddaasi waxay ku howlanaayeen samaynta Marshe-biyeediga caadiga ah ee ku yaala  hareeraha Wadooyinka, waxaa ii yeeray oo i bar garanayey Dukaanle Irriddiisa la Marsiinayey Marshe-biyeediga, waxa uu igu yiri hadaad Turkiga Af garanayso igala hadal  oo waxaan u baahanahay meel Baakin ah oo aan Baabuurkayga dhito in la iiga sameeyo Dukaankyga hortiisa, waxaan u tegay laba Ingineer oo Turki ah oo taagnaa meel aan iga fogayn, waxaana aan u gudbiyey cabashada Saaxiibkay oo doonaya in Baakin loo sameeyo, waxay Turkigii igu yiraahdeen u sheeg Soomaalida gacmaha kula jira Shaqada, waana war wanaagsan.

Waxaan aniga ninkii Saaxiiiibkay ahaa u wada tagnay ninkii ugu sareeyey Soomaalidii howsha wadey, markaan u sheegtay waxa aan rabnana waxa uu yiri waxaad bixinaysaan 100 doolar hadii kale ma samaynyno, sidaas ayaana Saaxiibkay ku awoodi waayey inuu dhiibo 100 doolar oo aan loogu samayn meel Baakin ah oo uu Baabuurkiisa dhigto.

Waxa kale oo jirta oo dad badani ii sheegeen in Shaqaalaha Soomalida ah ee howsha wadaahi ay jaraan Geedaha, dumiyaanna Tabeelayaasha Xayeysiinta eek u u yaala Wadada hareeraheeda ee aan lacag laga siin, taasuna ka mid ma han waxyaabihii loo idmaday Shaqaalahaas.

Waxa kale oo aan Goobjoog ka ahaa  Heshiis dhex maray nin Soomali ah oo ka mid ah Shaqaalaha sameeya Marshe-biyeediyada Muqdisho iyo Ganacsade Mehrad ku leh Wadada Xiriirisa KM4 iyo KM5 oo laba Iskaalo ama Jaranjaro  loogu sameeyey Gorgortan ka dib qiimo dhan 38 doolar.

Guntii iyo Gebagebadii Akhristow waxaad ogaataa in aanay Eeddaasi wada qaadi doonin Turkiga noo soo gurmadey oo ay Eedda inteeda badan dusha u ridanayaan Horjoogayaasha Soomaalida ah ee shirkadaha Turkiga la shaqeeya, waxaana haboon iney arimahaas Sumcad darada ha wax ka qabtaan intaan furta lagu tuurin…si kastaba  ha loo haliilo Tika waxay qabatay waxyaabo muuqda laakiin waxaan sugnaahi waa waxqabadka Shirkadda favori.

W/Q. Cabdinaasir Xirsi Iidle.

E-Mail: Naasirx1@hotmail.com

Tel. 00252-61-5503978

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.