Home » Warar »

Aqoon isweydaarsi ku saabsanaa Qorshaha Nabadgelyada iyo Xasilinta Wadanka ay soo qaban qaabisey Dallada SOSCENSA oo lagu qabtey Magaalada Muqdisho

 

Waxaa Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho Muddo Laba Maalmood ah ka socdey kulan Aqoon Isweydaarsi ah ay isgu yimaadeen qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka waxaana Kulankaan soo qabanqaabiyey Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee SOSCENSA  , waxaana Kulanakaanlagu Casuumey Masuuliyiinta qaabsan dhinaca Aminga ee Dowladda Federaalka , Maamulka Gobolka Banaadir Qaybha kala duwan ee Bulshada Inta uusan Bilaaban Kulanka ayaa Daladda SOSCENSA  waxay ka qayb galayaasha u qabisey Qoraalka ku saabsan qaabka   dalka nabadegleyo loogu soo dabaali karo iyo caqabadaha kala duwan ee hortaagan ka mira dhalinta Nabadgeluyda iyo  Xasilinta Wadanka

 

Xunihii ka Hadley Kulnakaas waxaa ka mid ahaa Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Banaadir ee Dhinaca Amniga  Warsame   Maxamed Cilmi (Warsame Joodax ) oo soo dhaweeyey intii isku soo dubaridey Kulankaas waxaana uu sheegey in Talada Bulshada Rayidka  ee ku aadan dhinaca Amniga iyo Xasilinta Dalka ay tahay mid laga maarmaan ah , isagoo u soo jeediyeyBulshada Rayidka in ay gacan ka geystaan sidii Wadanka Nabad loogu soo Dabaali alhaa .

 

“Dowladda kaliya ma keeni karo Nabadgelyo ee waxaa keeni kara Shacabka Soomaaliyeed “ ayyey Tiri Gudoomiyaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Shiikh Axmed Gaballe oo sheegtey in Bulshada Rayidka  ay diyaar u yihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen nabadgelyada iyi Xasalinta Wadanka sido kale waxay hoosta ka Xariiqdey in Ciidan shisheeye uusan Soomaaliya Nabad ka dhalin karo balse ay nabad ka dhalin karaan Ciidamada Soomaaliya iyo Bulshada oo iskaashata.

somali16

Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo ka socdey Daladda Culimada Soomaaliyeed oo isna ka Hadley Kulankaas Aqoon isweydaarsiga ah ee looga hadlay  Arrimaha Nabagelyada ayaa u soo jeediyey  Shacabka Soomaaliyeed in ay u sitaagaan sidii Wadanka nabad loogu soo dabaali lahaa sidoo kale Dowladda Federaalka ayuu u soo jeediyey in ay Xooga saarto sidii u fududeyn lahayd wax kasta oo nabadgeliyada loogu so Dabaali karo ,waxaa kale uu baaq u direy Qaybaha kala duwan ee warbaahinta oo uu sheegey in looga baahan yahay in ay ku dadaalan sdiii Bulshada ugu wacyigelin lahaa Dhnaca nabadgelyada.

 

Kulanlaan waxa soo xirey Gudoomiye ku Xigeenka  Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee SOSCENSA ee   Liibaan Bile Xiirey oo ka qayb galayaasha uga Mahadceliyey sida Saraaxadda leh ee ay ugu doodeen Qorshaha Nabadegliyada iyo Xasilinta Dalka isagoo sheegey in wixii Talooyinkii ay ka soo saareen  eek u wajahan wax ka qabashada arrimha Amniga iyo  Xasliinta dalka ay gaarsiin doonaan Hayadha Qaabilsan

 

Qoraalkii Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurta iyo Bartahaya Soomaaliya (SOSCENSA) u qaybisey ka qayb galayaasha  ee   Qorshaha Nabadgelyada iyo Xasilinta Dalka.

 

Gogoldhig:

Kulankaan waxaa soo abaabushay “Dalladda Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya” ee marka Luuqada Ingiriiska lagu qoro la-yiraahdo “Somalia South Central Non – State Actors (SOSCENSA)”. Dallada SOSCENSA waxay inta badan qabataa kulamo iyo wadatashiyo noocaan oo kale ah, kuwaas oo laga qeybgaliyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Dowladda ee hadba markaas mowduuca laga hadlaayo howshoodu tahay. Kulankaan maanta aan u fadhino waxaa diiradda lagu saarayaa “Qorshaha Nabadgelyada iyo Xasilinta Dalka”, kaas oo inta badan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku howlan tahay meel-marintiisa iyo fulinta waajibaadka kaga aaddan.

 

Ujeedada Kulankan:

Sida inta badan kulamada noocaan oo kale ah la sameeyaba, ujeedada Dallada SOSCENSA kulan usoo abaabushay waxay tahay; in qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee kulanka isugu yimid iyo xubnaha ka socda Laamaha Dowladda ee Amniga iyo Xasilinta Dalka ka shaqeeya ka wada-tashadaan, kadibna talooyin wax ku ool ah kasoo saaraan, “sida dalka Soomaaliya loo sugi-karo amnigiisa, loogana hirgalin-karo nidaam iyo maamul xasilloon oo loo-dhan yahay, dalkana u hor-seeda degnaansho iyo amni waara mustaqbalka”.

 

·        Amniga Dalka:

Marka aad raac-raac iyo dib-u-eegis ku sameyso istiraatiijiyadihii u yaalay dhammaan Dowladdihii ku-meel gaarka ahaa ee dalka Soomaaliya soo-maray muddadii dhowrka iyo tobanka sano ahayd ee lasoo dhaafay, waxaad arkeysaa “in istiraatiijiyadda koowaad” ee dowlad kasta ahayd “Sugidda Amniga Dalka”. Kadib markii ku-meel gaarka laga baxay oo dalku yeeshay Dowlad rasmi ah, waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya degsatay tillaabooyin dhowr ah oo wax looga qabanaayo dib-u-dhiska iyo xasilinta dalka. Dhammaan tillaabooyinkaas dowladdu sheegtay waxaa Lambar-koow ka ah “Sugidda Amniga Dalka”, tusaale ahaan;

1.    Lixda Tiir (six pillars) ee siyaasadda Dowladda Federaalka ee uu Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud hoggaamiyo ku dhisan tahay, midka koowaad waa Amniga. Madaxweynuhuna marar badan iyo meelo badan oo uu ka hadlay wuxuu ku celceliyey in arrinta koowaad, Labaad, Saddexaad ama Afraad ee dowladdiisu xooga saareyso ay tahay “Sugidda Amniga Dalka”.

2.    Barnaamijka loogu magac daray “Hiigsiga Cusub” (New Deal) ee Dowladdu dejisay, wadamada deeq-bixiyayaasha reer Yurubna ballan qaadeen in ay barnaamijkaas lacag badan ku bixinayaan qeybihiisa koowaad waxaa ka mid ah “Amniga” iyo hanaanka dowladdu wax uga qabneyso oo si cad loo qeexay.

3.    Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hadda jirta waxay dowladdii ku-meel gaarka ahayd ee iyada ka horreysay ka dhaxashay “Qorshaha Nabadgelyada iyo Xasilinta Dalka” (National Security and Stabilization Plan”, kaas oo dib-u-eegis dhameystiran lagu sameeyey, si cad oo aad u tafaftiranna u qeexaya hanaanka loo sugaayo Amniga dalka.

4.    Waxaa dhisan oo dowladdu haysataa dhammaan qeybihii kala duwanaa ee Ciidmada Qalabka-sida oo maalin kasta dhegaha Bulshada Soomaaliyeed maqlayaan jiritaankooda iyo in ay diyaar u yihiin sugidda amniga dalka.

5.    Waxaa intaas sii-dheer Ciidamada AMISOM oo isugu jira Booliis iyo Milatari oo waajib-kooduba yahay ka shaqeyn sugidda amniga dalka iyo soo celinta hanaankii kala danbeyneed ee dalku lahaa.

 

Hadaba iyada oo qorshayaashaas oo dhan ay jiraan illaa iyo hadda oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sanad iyo bilo jirsatay, amniga dalkuna uusan wali gaarin heerkii la filaayey; waxaa talo u baahan oo aan rabnaa in aan kulankaan ku falanqeyno ugana talo bixino; Maxaa khaldan? Sideese arrintu isu qaban la’dahay? Waxaan rabnaa in aan sal dhig uga dhigno talooyinkeena, su’aalahan soo socda ee inta badan shacabka Soomaaliyeed isweydiiyaan oo ay ka mid yihiin;

1.    Maxay yihiin caqabadaha hortaagan sugidda Amniga dalka guud ahaan?

2.    Maxaase lagu daaweyn karaa ama looga gudbi karaa caqabadahaas oo xal ah?

3.    Sidee dowladdu u sugi-kartaa Amniga deegaannada ay maamusho oo caasimadda dalku ugu horeyso?

4.    Muxuu yahay dowrka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed kaga aaddan sugidda Amniga dalka?

 

 

 

 

·        Xasilinta Dalka:

Dalka Soomaaliya waxaa laga hirgalinayaa oo la qaatay nidaamka Federaalka, sida ku cad Dastuurka Ku-meel gaarka ah ee hadda dalka u ah midka rasmiga ah ee sharci ahaan ugu sarreeya, – marka laga reebo shareecada Islaamka – dalka waxaa loo baahan yahay in uu yeesho dowlad goboleedyo, inkasta oo aan wali la qeexin inta dowlad goboleed ee dalku yeelan-doono. Dastuurku wuxuu caddeeyey in labo gobol iyo ka badan oo midoobay, ay noqon karaan dowlad goboleed. Sidoo kale siyaasadda lixda tiir ee dowladda Soomaaliya saldhiga u ah waxaa ka mid ah “Xasilinta dalka iyo hirgalinta dowlad dhismaha nabadgelyada dalka”.

 

15-kii Bishii Feebaraayo 2013, dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo saartay nidaam aad u faahfaahsan oo ku saabsan “Qorshaha Xasilinta Qaran” (National Stabilization Plan), kaas oo dowladdu ku caddeysay tilaabo kasta oo loo baahan yahay in la qaado si dalka Soomaaliya dib-u-xasilin rasmi ah looga hirgaliyo dhammaan gobolladiisa. Wuxuuna qorshahaas si tifaftiran u caddeynayaa qaabka ama hanaanka loo dhisi-doono maamuladda Degmooyinka, Gobollada iyo Federaalka guud ee dalka iyo waqtiga ay shaqeyndoonaan maamuladda la dhisi-doono, kuwaas oo loo muddeeyey muddo lix bilood ah, intaas kadibna degmo iyo gobol kasta oo nidmaankaas laga hirgalinayo uu qaban doono doorasho guud muddadaas lixda bilood kadib, marka uu maamulkaasi dib-u-heshiisiin iyo is-af-garad buuxa ka sameeyo dadka degan degmadiisa ama gobolka uu maamulo. Qorsahaas wuxuu kale oo si faahfaahsan u caddeynayaa qaabka Dowladda Federaalka Soomaaliya ula dhaqmeyso maamullada hadda jira iyo kuwa dhismi doona intaba. Hadaba iyada oo intaas oo qorshe iyo dadaal ah la sameeyey, walina aysan jirin xasilin la taaban karo oo dalka laga hirgaliyey iyo maamulo dhameystiran oo degmooyinka iyo gobollada dalka laga dhisay, su’aalaha kulankeena horyaal waxaa ka mid ah;

1.    Maxaa hortaagan oo dowladdu u hirgalin la’dahay qorshaha xasilinta qaran ee dalka loo dejiyey, sideese loo hirgalinkaraa? (National Stabilization Plan)

2.    Xasilinta, dib-u-heshiisnta dalka iyo in laga abuuro dadka Soomaaliyeed is-fahan dhameystiran xagee ayey tahay in laga billaabi, maxaase loo baahan yahay ama hannaan sidee ah ayey tahay in la adeegsado?

3.    Muxuu yahay dowrka Bulshada Rayidka ah ee ku aaddan xasilinta dalka iyo maamul u sameynta gobollada dalka guud ahaan si loo hirgaliyo nidaamka federaalka si dhameystiran?

 

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.