Home » Warar »

Qaybaha kala Duwan ee Bulshada Rayidka oo si weyn u lafa Gurtey Heshiiska New Deal ee Soomaaliya.

Waxaa Hotelka Jasiira ee Magaaladda Muqdisho lagu qabtey Kulan looga doodayey Dooraa Bulshada Rayidka kaga aadan Heshiiskii New –Deal ee Soomaaliya looga yaboohay Dhaqaale gaaraya Malaayiin Doolar , waxaana Kulankaan ka qayb galey Qaybaha kala duwan e Bulshada , waxaana soo qaban qaabiyey Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee SOSCENSA

Kulankaan ayaa waxaa si aad ah Diirada loogu saarey waxa kaga aadan Bulshadda Rayidka Dhaqan gelinta Heshiiska New Deal , waxaana ka mid ahaa Xubnhii ka qayb galey Kulankaas Csmaan Muxyadiin Shaatax oo ka socdey Hayadda SOYDEN waxaana uu sheegey in Bulshadda Rayidka looga baahan yahay in qayb weyn ka qaataan Hirgelinta Heshiiska New Deal Sidoo kale waxay sheegtey in Bulshada Rayidka ay u Midoobaan sidii ay ugu faaiideysan lahaayeen Heshiiskaas.

Waxaa kale oo halkaa ka Hadley Duniyo Maxamed Cali (Duniya Carshaan) oo ka soctey Hayadda IIDA waxayna sheegtey in Bulshadda rayidka looga bahan yahay in marka hore Midoobaan si ay u wajahaan ka mira dhalinta Heshiiska New Deal si Soomaaliya uga hormarto Dhinacyada Dib dhiska dalka , Amniga iyo Dhaqaalaha

Waxaa kaloo halkaas ka Hadley Aamina Xaaji Cilmi oo ka socotey Hayadda SSWC waxay sheegtey in meel marinta Heshiiska New Deel uu ku imaan karo iyadoo marka hore isla meel dhigaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada taasoo ay sheegtey in lagu gaari karo hanaanka Fog ee lagu hormarin karo Dalka
somali13
Shirka waxaa soo Xirey Guroomiye ku Xigeenka Daladda Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee SOSCENSA Liibaan Bile Xiireey oo ugu horeyn u Mahadceliyey ka qayb galayaashi Kulanka isagoo sheegey Doorka kaga Aadan Bulshada Rayidka Heshiiska New Deal ay Daladda SOSCENSA ay Balaarin doonto , waxaana lagu Balamey in 5-6 Maarso 2014 la qabto Kulamo kale taasoo Marti gelin doonto Midowga Bulshada Rayidka (Forum-ka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.