Home » Warar »

Muqdisho: Shirkii Golaha Wasiirada Oo Caawa Go’aano Laga Soo Saaray

Kulan degdeg ah oo golaha Wasiiradda DFS ka yeesheen weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada DFS ayaa waxaa ka soo baxay warsaxaafadeed u qornaa sidan:

summadWarsaxaafadeed
22/2/2014

Shirkii Golaha Wasiirada Oo Go’aano Ay Kasoo Baxeen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa gudoomiyay shir aan caadi ahayn oo caawa lagu soo gaba gabeeyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyadoo looga hadlay arimo ay kamid yihiin qorshaha dhanka amaanka ah ee Xukuumadda Soomaaliya iyo ka-hortagga falalka argagixisanimo ee kooxaha Nabad-diidku ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaa kaloo kulankaasi looga hadlay weerarkii la fashiliyay ee lagu qaaday Madaxtooyada Qaranka Soomaaliyeed iyadoo sidoo kalana Xukuumaddu ay tacsi u dirtay ehelada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarkaasi in uu ilaahay u naxariisto, intii dhaawacantayna uu Samir iyo iimaan naga siiyo.

Kulankan ayaa laga soo saaray sadex qodob oo muhiim ah, waxaana qodobadaasi ay yihiin sidan:

  1. Waxaa la magacaabay guddi heer wasiir ah oo loo saaray in ay baaritaan ku sameeyaan falkii shalay lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya. Gudigaasi oo loo qabtay in ay 5 maalin guduhood ku soo bandhigaan faah faahin la xiriirta sida ay wax u dhaceen, kadibna ay usoo bandhigaan Shacabka Soomaaliyeed.
  2. Waxaa goluhu uu faray Wasaaradaha Amniga Qaranka, Gaashaandhigga iyo hay’adaha hoos yimaada in ay jawaab dag dag ah ka bixiyaan weerarada argagixisadu ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.
  3. Waxaa xukuumaddu ay go’aan ku gaartay qorshe ballaaran oo lagu howl-galinayo dhamaan qaybaha bulshada, maamulada degmooyinka, gobolada iyo hay’adaha amniga heerarkooda kala duwan. Waxaa howlgelintani ay bilaabanaysaa barrito oo taariikhdu ay ku beegantahay 23/2/2014.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyad weyn siin doonto amniga shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay go’aano adag ka qaadan doonto sidii looga guulaysan lahaa Nabad-diidka iyadoo la kaashanayo Shacabka.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya
E: Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.