Home » Warar »

Burcad Badeeda Xabsiyada ku jirta oo sii Kordhaysa.

“Dhacdooyin Xanuun Badan “.

Iyadoo Mudooyinkii dambe Kooxaha Buircad Badeeda ka Qowleysnayey Xeebaha ku Dherersan Soomaaliya kuwa la Deriska ah Soomaaliya Falalkooda uu siI yaraanayey ka dib markii Maraakiib Dagaal oo laga leeyahay Wadamada Caalamka ay Dagaalo kula jireen ayaa haatan waxaa Muuqda in Kooxaha Burcad Badeedka inta badan Howgalkaas lagu qabtey kuwaa oo ka Buuxa oo ku jira Xabsiyo kala duwan oo Dunida ah , iyadoo taasi jirto ayaa Dhalinyaradaas waxaa Xabsiyadaas ku haysta Dhibaatooyin kala duwan oo isku jira Cunto Xumo,Caafimaadaro, Jiif Xumo iyo Daryeelkii kale ee ay u Baahnaayyeen Maxaabiista,Hadaba Dhacdooyin Xanuun badan oo qabsadey Dhalinyaradaas Burcad Badeeda ayaa halkaa idiin ku soo Gudbineynaa

Waa Dhacdo Xanuun badan markii aan dhegeystey Wareysiyo ay siiyeen Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho koox Burcad Badeed ah oo ku Xiran Xabsiyadda Maamulka Soomaaliland kuwaa ka waramayey Xaalado adag oo ay la Kulmeen intii ay ku Xirnaayeen Xabsiyada Jasiirada Seychelles iyo Soomaaliland.

Cabdi Xasan oo ka waramayey Qaabkii ay ku galeen Xabsiyadaas ayaa yiri “ waxaan ahayn Koox Kaluumeysto ah oo watey Doon kuwa kaluumeysiga ah oo marayey Meel ku Dhow Xeebaha Ceel Macaan ,waxaana Xiligaas na soo weerarey Markab kuwa Dagaalka ah oo ka tirsan Maraakiibta ka howl gala Xeebaha Soomaaliya kuwaa oo la dagaalama Kooxaha Burcad Badeedka , waxaana weerarkaas iga soo gaarey Dhaawac Culus ,markiiba waan Miyir beeley , waxaan soo Baraarugey aniga oo ku jira Isbitaal ,waxaan u qaatey in meesha ay tahay meel ka mid ah Soomaaliya hase yeeshee mar dambe ayaa la ii sheegey in meesha ay tahay Jasiiradda Seychelles, Xiligaas ma garaneyn meel la geeyey Saaxiibadeey aan wada soconey , waxana iiga si naxdin badnaa markii ay indhaha ka qaatey gacanateyda Bidix oo iiga maqan , aad baan u walwaley, isbitaalkana Cid aan ka aqaaney ma jirin , markii aan Muddo ku jirey oo gacantii ii reystey ayaa la ii soo qaadey “ waxaa uu sii raaciyey

“Markii aan Saaxiibdey aan indha ka qaadey ayaa farxad darteed la ilmeeyey hase yeeshee waxaa iigu taagan oo Maskaxdeyda ka go’i la’ Maqanaansha Gacanteyda Bidix, waxaana la igu darey Saaxiibaddey oo Mudadii aan Isbitaalka ku jirey iyana ay ku jireen Xabsi , halkii ayaan muddo ku jirney mararka qaar waxaa Waqtiyo aan sidaa u kala dheereey nala geeynayey Maxakamad aan Cidi joogin oo dadka Maxkamada na saaraya ay yihiin dad u wada dhashey Wadanka Seychelles oo aan garaneyn Afkooda “

Sidoo kale Waxay Idaacada Goob joog wareysatey Cilmi Xasan oo isna ka mid ahaa Maxaabiistii ku Xirneyd Xabsiga Soomaaliland ayaa isna halkii ka sii wadey Sheekadii waxaana uu yiri “ Tiro Toban jeer baan Maxakamada nala soo taagan anagoo haysan wax noo dooda ama Qareen noo Noqda maalintii ugu Dambeysey ee Xukunkeenna ayaa nin ka mid ah Garsooorayaashii Maxkamada inta soo istaagey ayuu Gacmahiisa laba jeer inta isku dhuftey Laba Faroodna Kor u taagey intaas baa la idiin ku Xukumey ,waa yaabney waxaan garan weyney inta lana ku Xukumey maadaama aan Afkooda aanan aqoonin ma labaatan iyo Laba Maalmood baa, ma labaatan iyo Laba Bilood baa ,Ma labaatan iyo Laba Habeen baa , waa dhacdo aan Qalbigeenna ka Go’in markii Xukunkaas uu dhacay oo Muddo ku sii jirney ayaa waxaa nala soo saarey Diyaarad waxaa nala keeney Magaalada Hargeysa , markaa ma garaneyn in meesha nala keeney ,waxaan u qaadaney in Xabsi kale nala geeyey oo isla dalka Seychelles , markiiba Dhagaheenna waxaa ku soo dhacay Dad Af Soomaali ku hadlaya inta mid ka mid ahaa Dadkii Garoonka joogey u soo dhawaanay ayaa weydiiney meeshaas halka ay tahay , markaasuu yiri “Waa Magaaladda Hargeysa inta Neef naga soo Go’dey ayaa waxaan Hal Mar ku Dhawaaqney “Al Xamdulilhaahi” waxaan markiiba nala saarey Gaari Shabaqle ah waxaa nala geeyey Xabsi weyn oo ku yaala Magaalada Hargeysa , inkastoo aan Niyada gashanay in aan Isbedel dareemi doono hadana arrinku waxaa uu Noqdey “ Waa Kud ka Guur oo Qanje u Guur “ ,waxaan galney Marxalad kale o ka duwan midii Seychelles oo aad u adag waayo Qaraabo iyo Walaal midna meesha nooma joogaan, Nolasha aad bay u adag tahay , ma garaneyno Xiliga aan Dhameysaneyno Xabisga”

Dhalinyaradaas waxay sheegeen in Xabsiyada Maamulka Soomaaliland ay ku jiraan Dhalinyaro farabadan oo lagu soo qabtey Falal Burcad Badeednimo kuwaa oo laga keeney Xabsiyo ku yaala Dunida , waxayna Codsadeen in laga saaro Xabsigaan lana geeyo Xabsiyo kale oo ay ka arki karaan Eheladooda iyo Qaraabadooda , maadaama Nolosha Xabsiga hargeysa ay aad u adag tahay sida Cuntada, Jiifka iyo Caafimaadka sidoo kale waxay ka dalbadeen Dowlada Federaalka in laga soo bedelo Xabsiga Magaaladda Hargeysa

somali11

Darxumadda iyo Dhibaatooyinka Haysta Kooxaha Burcad Badeeda ee Xabsiyada ku jira ma yara Dhacdo kale aad u xanuun badan ayaa waxaa laga soo Calaamadeeyey Wadanka Yaman waxaa ka mid in Maxaabiis ku iirtey Xabsi ku yaala Dalkaas in mid ka mid ah Kooxaha Burcad Badeeda uu Ishiisa ku waayey ka dib markii Kooxo Gaangistaro ah oo Xabsiga kula Jirey ay dagaal ku soo qaadeen taasoo Aakhirkii keeney in wiilkaas Dhalinyarada ah uu ku waayo mid ka mid ah Xubnihisa ugu Muhiimsan qaar kalena ay ka soo gaareen Dhawacyo kala duwan

Hadii aan Fiirino Xabsiyada kale ee Kooxaha Burcad Badeedka ku Xiran yihiin ee Aduunka waxaa la sheegey in ay gaarayaan 350 Maxbuus oo qaarkood lagu Xukumey Xabsiyo Sannooyin kala Duwan ah , kuwaa oo la sheegey in ay ku nool yihiin Nolol tii ug adkeyd , iyadoo taasi jirto ayaa Dowladda Federalka waxaa Dhowr jeer soo gaarey Dalab iyo Codsiyo looga Dalabanayo in Dhalinyaradaas dib loog soo celiyo Dalooda si ay Xabsiga lagu Xukumey ugu Dhameystaan Gudaha dalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.