Home » Warar »

Mashruuc Haweenka Soomaaliyeed ugu Diyaar-Garoobayaan Doorashada Sannadka 2016 oo ka Furmey Xarunta SWDC ee Muqdisho.

Waxaa Xarunta Somali Women Developments Center (SWDC) ayaa Maanta ka furey Mashruuc loogu Gogol Xaarayo Muddo Sannad ah in Haweenka Soomaaliyeed Door Muuqda ug Qayb qaadan lahaayeen Doorashada Soo socota ee Sannadka 2016 islamarkaana ay u heli lahaayeen Xaquuqdooda Siyaasadeed oo muddoyinka Dambe ay sheegeen in ay waayeen.

Kulankaan oo ay ka qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Haweenka Qaranka , kuwa Gobolka Banaadir , Kuwa Degmooyinka Gobolka Banaadir,iyo Aqoonyahano ka tirsan Haweenka Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn waxaa halkaa ka Hadley Madaxa Mashruucaas Ibraahim Axmed Cali oo sheegey in Mashruucaan uu socon doono Muddo Sannad kaasoo uu sheegey in lagu Diyaarin doono Haween ka qayb qaata Siyaasada Dalka Soomaaliya .

Xubnihii ka Hadley Kulankaas ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo si aad ah ugu Dheeraatey sida Haweenka Soomalliyeed ugu Dulman yihiin arrimaha Siyaasadda , Dhaqaalaha iyo Shaqada , waxayna kula Dardaarantey Haweenka Soomaaliyeed in ay u Sara kacaan sidii ay u soo dhacsan lahaayeen Xaquuqdooda islamarkaana Door Muhiim ah ugu yeelan lahaayeen Doorashada soo socota.

Sahro Axmed Maxamed oo ah La taliyha Dhinaca Sharciga ee Xarunta SWDC ayaa waxay tiri “Maadaama Haweenka Soomaaliyeed ay si aad ah ugu tilmaanaayeen Xiligi adkaa ee Dalka uu soo marey ayaa maanta waxaa loo baahan yahay in ay dadaalkeeda sii laba jibaaraan oo ay si aad uga muuqdaan Doorashadda soo socota ee Sannadka 2016”

somali8

Batuulo Shiikh Axmed Gaballe oo ah Gudoomiyaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo ka hadashey Furitaanka Mashruucaas ayaa waxay ugu horeyn u Mahadcelisey Xarunta SWDC oo ay sheegtey in ay tahay Xarun ay ka Go’an tahay Wax u qabashada Haweenka Soomaaliyeed iyadoo sheegtey in waxa ka maqani ay tahay Gacmahooda ku jira oo loo Baahan yahay in Haweenka Soomaaliyeed ay u sitaagaan sidii Xaquuqdaas u Ceshan lahaayeen.

Ugu Dambeyntii waxaa Mashuurcaas Furey Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqda Aadanaha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa u Mahadcelisey intii isku soo Dubaridey Mashruucaan Haweenka looga qayb gelinayo Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Shaqada , waxayna Balan qaadey in inta ay joogto Xafiiska ay wax badan ka qaba doonto Dhamaan Xaquuqaha ka maqan Haweenka Soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.