Home » Warar »

Nuur Kediye Yarow Sharax u Taagan Xilka Gudoomiyaha Degmada iyo Duqa Magaalada Kismaayo.

Iyadoo Dhawaan Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo loo Magaacabey Maamul Goboleed la Magac baxay Jubba Xaruntiisuna Tahay Magaalada Kismaayo uuna Madaxweyne ka yahay Axmed Maxamed islaan ( Axmed Midoobe) ayaa waxa Shir Jaraaid Magaalada Muqdisho ku qabtey Nuur Kediye Yarow oo ah Aqoonyahan ka soo Jeeda Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Magaalada Kismaayo , wuxuuna Shirkaas jaraaid ku sheegey in uu yahay Musharax u taagan Gudoomiyaha Degmada iyo Duqa Magaalada Kismaayo.

nuurkediye7Musharax Nuur Kediye Yarow oo Dhinacyadiisa fadhiiyeen markii uu qabanayey Shirkaas Jaraaid qaar ka mid Nabadoonada , Salaadiinta , Culimada , Haweenka iyo Dhalinyarada ayaa waxaa uu sheegey in haddii Xilkaas loo dhiibo uu wax weyn ka qaban doono arrimaha Nabadgelyada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda Degmadda oo Mudooyinkii u dameebey ay ka jireen Khilaafyo badan oo soo noq noqdey.

Musharax Nuur Kediye Yarow ayaa waxaa uu sheegey in haddii Xilkaas loo Magacaabo uu ka shaqeyn doono sidi Dib u heshiisiin Dhab ah u dhex dhig lahaa Beelaha Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo islamrkaana uu dib u soo celin doono Walaaltiamadii u dhexeysa Dadka ka soo jeeda Goboladaas , waxaa kale uu sheegey in uu dib u soo nooleyn doono Dhaqaalhi uu Gobolka lagu yaqaaney isagoo sheegey in uu Xooga saari doono Kaabayaasha Dhaqaalaha,

Qaar ka mid ah Nabadoonada , Salaadiinta , Culimada , Haweenka iyo Dhalinyarada oo halkaa ka hadley ayaa sheegey in ay taageerayaan Musharaxnimada Nuur Kediye Yarow oo sheegey in uu u taagan yahay Qabashada Xilka Gudoomiyaha Degmada iyo Duqa Magaaladda Kismaayo, waxay intaa ku dareen in uu yahay Shaqsi isku keeni kara Guud ahaan Dadka ku nool Magaaladda Kismaayo. iyo Deegaanada kale ee hoos taga Maamulka Jubba

Nuur Kediye Yarow Hadii aan dib u Milcsano Taariikdiisa waxaa uu ku dhashey Magaalada Kismaayo Sannadkii 1958 ,wuxuu Waxbarashadisii Qur’aanka ku bartey Magaalada Kismaayo, Waxbarashadii hoose Dhexe waxaa uu ku soo dhameystey isla Magaalada Ksmaayo, Dugsiga sare waxaa uu ku qaatey Magaalada Xamar gaar ahaan Dugsiga sate ee Jamaal Cabdinaasir .

Ka dib waxaa uu ka mid noqdey Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda gaar haan Waaxda Canshuuraha , isagoo Maamule ka soo noqdey Magaaoolyinka Ceeri Gaabo iyo Magaaladii uu ku dhashey ee Kismaayo , wuxuuna ku Xeel dheer yahay arrimaha Maaumulka iyo Maareynta ka dib Dagaaladii Sakeeye waxaa uu u wareegey Arrimaha Ganacsiga oo uu muddo dheer ku soo jirey waxaana uu sheegey in hadii loo doorto ama loo Magacaabo Xilka Gudoomiyaha iyo Duqa Magaaladda Kismaayo uu wax weyn ku soo kordhin doono islamarkaana Isbedel Muuqda si dhaqsi leh loo dareemi doono

Wixii Faahfaahin oo la Xiriita Musharaxnimada Nuur Kediye Yarow ha kala soo Xiriireen
00252615595546

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.