Home » News »

Warsaxaafadeed:: Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya iyo Ethiopia oo kulan uu ku dhexmaray Addis Ababa iyo Heshiisyo dhexmaray labada Dawladood.

WARSAXAAFADEED:
Date: 14/02/2014

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa uu maanta kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Hailemariam Desalegn iyadoo ay wehelinayeen Ra’iisul Wasaaraha qaar kamid ah xubnaha Xukuumaddiisa oo socdaalka ku wehelinaya.

Mas’uuliyiinta labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya iyo Iskaashiyo hor leh oo laga galayo dhinacyada Amaanka, Ganacsiga, Warbaahinta, Duulista Hawada iyo ka qayb qaadashada horumarinta iyo tayaynta Hay’adaha Dawladda Soomaaliya. Labada dhinac waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo xasilinta dalka iyo la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah dalka Soomaaliya, Gobolka iyo Caalamka guud ahaan.

heshiis_lasaxiixay

“ Waxaan uga mahadnaqay Dawladda Ethiopia oo ciidankeedu ay qaybta ka yihiin howlgalka Amisom taageerada ay noo fidinayaan ee ka qayb qaadashada sugidda iyo la dagaalanka Argagixisada oo gobolka khatar ku ah.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. Dhanka kale waxaa uu xusay in ay ka go’antahay sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa kooxaha Xagjirka ah ee dhibaataynaya shacabka Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale.

Ra’iiusl Wasaaruha Soomaaliya ayaa sheegay in lasii xoojin doono howl-galadda lagu burburinayo nabad-diidka isla markaana lagu xoraynayo goboladda ay weli ku harsan yihiin kooxaha Nabad-diidka.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa dhankiisa sheegay in ay markasta la garab istaagayaan Dawladda Soomaaliya taageero dhinac walba leh, gaar ahaan xasilinta dalka, waxaa uuna rajeeyay dawladda Soomaaliya in ay ku guulaysan doonto qorshayaasheeda kala duwan.

Ugu danbayntii waxaa labada dawladood ay kala saxiixdeen Heshiis ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Ra’iiusl Wasaare ku-xigeenka Ethiopia. Heshiiskaas oo ah iskaashiga dhinacyada Amniga iyo xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaana wada shaqaynta iyo Iskaashiga dhinacyada Booliska iyo Warbaahinta dawladda.

END
Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Addis Ababa – Ethiopia
E: Media@opm.gov.so
Ridwaanhaji@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.