Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Booqasho ku tegey Itoobiyo

WARSAXAAFADEED

ka soo baxay DFS ayaa u qornaa sidan:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo booqasho rasmi ah ku yimid Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

13/02/2014

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin qaar ka tirsan Xukuumaddiisa oo galabta kasoo ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray caawa soo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay wafdiga Ra’iisul Wasaarah garoonka dayuuradaha ee Addis Ababa.
somali5
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha uu ku yimid Addis Ababa, waxaa uu qayb ka yahay booqasho rasmi ah oo uu ku marayo Ethiopia iyo Djibouti iyadoo Wafdiga Ra’iiusl Wasaaraha ay kamid yihiin Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Warfaafintan Mudane Mustaf Dhuxulow, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Siciid Maxamed Qoorsheel, Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo xubno kale.

“ Socdaalkan aan kusoo gaarnay dalka Ethiopia waa mid aan ku xoojinayno xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaan iska kaashan doonnaa arrimo ay kamid yihiin Amniga iyo la dagaalanka xagjirka khatarta ku ah guud ahaan gobolka, waxaa kaloo aan iska kaashan doonnaa arrimaha kale ee siyaasadda iyo dhqaalahu ay kamidka yihiin.” Ayuu u sheegay arbaahinta Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

“ Ethiopia waxaa ay kamid tahay dalalka dariska ah ee qaybta ka ah howlgalada Amisom ee xasilinta amniga iyo la dagaalanka xagjirka, waxaa la gaaray xilligii aan sii xoojin lahayn howlgallada ay iska kaashanayaan dawladda iyo dalalka dariska ah si loo soo afjaro kooxaha Nabad-diidka ah ee cadawga ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed, Gobolka iyo guud ahaan caalamka.” Ayuu intaas raaciyay Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalinta barri ah kulan la qaadan doona mas’uuliyiinta dalka oo uu kamid yahay Ra’iiusl Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo Mas’uuliyiinta kale dalka qaarkood.

END

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Addis Ababa – Ethiopia
E: Media@opm.gov.so
Ridwaanhaji@gmail.com

War-saxaafadeed
Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyey qaraxii lagu laayay dadka rayidka ah ee ka dhacay nawaaxiga garoonka Muqdisho

Muqdisho, Khamiis, February 13, 2014—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyey galabta ka hor inta aanu ka dhoofin dalka falkii qaraxa ahaa ee kooxaha nabadiidku ay ka fuliyeen nawaaxiga garoonka caalamiga ah ee Aadan-cadde, kaasoo ay ku dhinteen dad rayidka ah oo ku ganacsanayay afaafka hore ee garoonka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray dhamaamba dadkii ku geeriyooday goobtaasi qaraxa, wuxuuna u rajeeyey inuu eebbe Janada geeyo, maadaama ay yihiin dad si xaq darro ah lagu xasuuqay, wuxuuna dhanka kale caafimaad u rajeeyey dadkii kale ee ku dhaawacmay falkaasi.

“Falkan wuxuu cadeyn u yahay sida ay weli ugu ooman yihiin kooxaha nabadiidku daadinta dhiiga dadka Shacabka ah, waana in bulshada Soomaaliyeed ay garab ku siiyaan dawladda ciribtirka kooxahan xagjirka ah ee baneystay nafta, maalka iyo sharafka ummadda” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Xukuumada ka hor inta aanu ka dhoofin garoonka Muqdisho xilli uu ku sii jeeday dalka Itoobiya.

Garad Salad Hersi

Senior Press officer, PM office

Mob-+252-61-5536608

Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.