Home » Warar »

Xaflad lagu taageerayo wasiirada howlaha guud & dib u dhiska Eng Nadiifo Muhumed Osman oo lagu qabtay Sweden

waxaa dalka Sweden gaar ahaan caasimada labaad ee lagu magacaabo Gothenburg lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay taas oo lagu taageerayay wasiirada howlaha guud & dib u dhiska Eng Nadifo Muhumed Osman,ugu horayntii ayaa xaflada waxaa lagu furay sida caadada ahayd aayado quraan ah oo uu halkaas ka aqriyay mohamed osman ahmed.
somali3
waxaa intaas ka dib waxaa magarafoonka lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha jaaliyada deebleey mudane Mohamed Aden Mumin Shiine isagoo umahad cliyay gudigii qabanqaabada xafladan oo uu madaxda u ahaa sharmarke abdi magaale sida hagaagsan oo dadkeedao ay iskugu soo duba rideen wuxuuna sidoo kale ku amaanay wasiirada oo uu sheegay iyadoo dagan dalka maraynkanka in ay ka door biday in ay la qaybsato dadkeeda dhibaatada ku jira isagoo kula dardaarmay in ay cadaalada ka fogaanin aqoonteedana ay uga faa idayso dalkeeda.

intaas ka dib ayaa xiriiriyihii xaflada kaabeer uu kusoo dhaweeyay magarafoonka gudoomiyaha haweenka jaaliyada Hiiraan ee magaalada Gothenburg marwo Aamino Elmi Farah oo uga mahad celisay dhamaan dadki kasoo qayb galay xafladaan waxay kaloo sheegtay in ay wasiirada aqoon buuxdo uleedahay kuna taqaan quf howl kar ah wadaniyad ah kana soo jeedo qoys la yaqaan oo madax ah iyadoo ku casuuntay in ay kusoo booqato dalka Swedan.

Iyada oo ay badnaayeen dadkii halkaaas kasoo jeediyay qudbadaha kala duwan ayaa waxa halkaas iyadana ka hadashay Marwo Raaliyo oo ah madax ka ah hay ad u dooda haweenka iyadoo sido kale sheegtay in ay nadiifo si wacan u taqaan kuna faantay in ay ka tirsan tahay haweenka firfircoon walow sidii la rabay aysan u helin dumarka xuquuqdii ay ku lahaayeen xukumada cusub.

Ugu danbayntii ayaa waxaa qadka taleefoonka soo galay intii ay xaflada socotay wasiirada eng Nadiifo Muhumed Osman iyadoo aad uga mahad celisay dadkii isku soo dubariday & intii kasoo qayb gashay xaflad noocaan oo kale ah waxayna ku boorisay in ay dalka usoo laabtaan quf walbana looga baahan yahay in u yimaado dalka oo wuxuu soo bartay ama wuxuu kubiirin karo nagu biiriyo dalkuna uu raja badan leeyahay lana gaaray xiligii nabada soo noqon lahayd dalkana la dhisi lahaa.

Waxaa sidoo kale isagana qadka taleefoonka kaga qayb galay xafladaas gudoomiyaha gudiga dhalinyarada baarlamaanka ahna madaxa hab maamuusa baarlamaanka mudane xildhibaan Nuux isagoo sheegay in iftiin uu soo bidhaamay dhawaana dalka oo dhan nabad noqon doono dhalinyaradana ay yihiin awooda dalka u ku faanayo dalkana ay niyada ku haayaan.

Jawiga xaflada ayaa ku dhamaadey sidii loogu talagalay iyagoo dadkii kasoo qaybgalay ay dhamaan balan qaadeen inay halkaas kasii wadi doonaan taageerada xoogan ay u haayaan dowladda Soomaaliya iyo xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdiwali Sheekh.

La xiriir: abdullahihassan@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.