Home » Warar »

War-saxaafadeed: Golaha Wasiirada oo yeeshay kulan aan caadi aheyn

Muqdisho, February 9,2014—–Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.

somali172Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray qorshe howleedka Wasaaraddaha, waxaana maanta qorshayaashooda soo bandhigay Wasaaraddaha Garsoorka iyo Dastuurka, Shaqada iyo Shaqaalaha, Isgaarsiinta, Dekedaha iyo Dhalinyarada iyo Isboortiga, waxaana Wasiirada Wasaarahani ay ku dheeraadeen qorshayaashooda waxqbad, gaar ahaana aragtiyo cusub oo ay ku soo kordhin doonaan Wasaaradaha.

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa soo bandhigtay qorshaheeda waxqabad, waxaana Wasiirka Wasaaraddu uu balan qaaday in shaqaalaha dawladda ay tayeyn iyo kordhinba ku sameyn doonaan isla markaana heli doonaan xaquuqdooda shaqaale-nimo oo dhameystiran.

Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Dastuurka ayaa isna soo bandhigay qorshe howleedka Wasaaradda ayaa sheegay in uu xooga saari doono doono adkeynta iyo tayaynta Garsoorka iyo Cadaalada, wuxuuna xusay in dib u habeyn lagu sameyn doono dhamaan hay’addaha ku shaqada leh garsoorka iyo Cadaaladda. Isaga oo dhanka kale balan qaaday in la furi doono sanadkan gudihiisa dugsi tababar arrimaha Garsoorka.

Sidoo kale, Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa ka mid aheyd Wasaaraddaha soo bandhigay howl-qabadkooda, waxaana madaxda Wasaaraddu ay sheegeen in horumarin lagu sameyn doono dhamaamba isgaarsiinta dalka talaabada ugu horeysana ay ku hirgelin doonaan in dhamaan shirkaddaha isgaarsiintu ay isu gudbin karaan qadadkooda telefoonada, si dadweynaha ay ugu fududaato in qofkii heysta 1 Sim-card uu la xariiri karo dhamaamba shirkaddah kale ee dalka.

Dhanka kale, Wasaaradda Dekeddaha ayaa soo bandhigtay qorshe howleedkeeda waxayna tilmaameen in Wasaaraddu howlaha muhiimada gaarka ah ay siin doonaan ay tahay sidii loo ballaarin lahaa baaxada iyo adeegyada dekeddaha dalka Soomaaliya.

Garad Salad Hersi

Senior Press officer, PM office

Mob.+252-61-5536608

Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.