Home » Warar »

Gabar Soomaali ah oo Sun Cabtey ka dib markii Waalidkeed ka weydey Mobile ay u Iibiyaan !!

Waxaa Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ku Geeriyootay Gabar Soomaaliyeed ee da’deeda lagu sheegay illaa iyo Todoba iyo Toban Sano (17) ka gadaal markii ay sida la sheegay ay si ula kac ah u Cabtay Sun. Xiriir ay Warbaahinta la samaysey dad goob joogayaal ah ayaa u xaqiijiyay Geerida Gabdhan oo ka dhacday meel aan ka fogeyn Masaajidka Xaaji Maxamed ee Degmada Wadajir.

somali171Goob joogayaasha oo sii hadlay ayaa Warbaahinta u sheegay in gabadhan sababta ay Sunta u cabtay ay tahay markii Qoyskooda ay ka weydey codsi ay hore u weydiisatay oo ahaa in loo Iibiyo Taleefanka Gacan qaadka ah Mobailka oo muddo dheer ay weydiisanaysey.

Qoyska Gabadha ayaa la sheegay in dhaqaale ahaan aysan awoodin in ay Telefankaa ay u Iibiyaan Gabadhooda iyadoo ugu dambayntiina ku hanjabtay in haddii aan loo gadin Taleefankaas ay Sun Cabbi doonto.

Gabdhan oo ay goob joogayaashu magaceeda ka gaabsadeen in ay Warbaahinta u sheegaan ayaa waxa ay intaa ku dareen in Gabadhii ay cabtay suntii ay hore ugu hanjabtay taasoo goor dambe Meydkeeda la arkay.

Arrintan ayaa ah mid ku cusub Magaalada Muqdisho in kastoo ay hore ama sanadkii hore ay u dhacday Gabar Sun u cabtay dhibaato ay kala kulantay Seygeeda iyo gabdho kale oo la sheegay iyaguna in Maseyr dartii ay sun u cabbeen

Dhacdadaan Foosha Xun ee ka dhacdey Magaalada Muqdisho ayaa waxay salka ku haysaa Masyr Dhinaca caruurta ah maadaama Dadka Jeebkooda Buuran yahay ee ka soo jeeda Qoysaska Ladan ay Caruurtooda oo dhan u iibiyaan Mobile kuwaas oo ugu faanaya Caruurta kale ee danta yarta , oo ay suurta gal tahay in ay ku Xambaaraan marka qaar in ay ku kacaan falal Diinta ka baxsan sida mida ka dhacdey Degmada Wadajir .

Si kastaba Magaalada Muqdisho ayaa hadal haynta maanta ugu badani waxay tahay dhacdadan Maqalkeeda Dhegeha Dadka ku cusub yahay ee ka dhacday Degmada Wadajir iyadoo Walaalidiinta intooda badan iska Tabar yar yihiin oo aaney Fulin Karin Codsiyada qaar ee uga yimaada Caruurtooda taasoo ku timid markii Mobil-ka uu noqdey wax ay Dhalinyaro Xiiseeyan si ay Danahoodada gaarka ah ugu Fushadaan .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.