Home » Warar »

Bulshada Rayidka oo Kulan Xasaasi ah la qaatey Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Waxaa Hotelka City Palace Magaalada Muqdisho kulan Balaran ku yeeshey Xubno ka socdey Bulshada Rayidka iyo Wasiirka Amniga Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed , waxaana Kulankaas soo abaabuley Wasaarada Amniga Qaran iyadoo kulanka Muhiimadiisu ahayd sidii Iskaashi u Dhexmari lahaa Bulshada Rayidka iyo Wasaarada Amniga qaran si talooyin ku aadan Bulshada oo ku aadan Amaanka Wasaaradu u heli lahayd si wax looga qabto arrimaha Xaalada Nabadgelyo ee ka jirta Magaalada Muqdisho waxaana Kulankaas Goob Joog ka ahaa Gudoomiyha Daladda SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac .

Qaybahii Bulshada Rayidka ee kulankaas ka qayb galey ayaa waxay Wasiirka amniga ay weydiiyeen Su’aalo Dhowr ah hadii aan soo qaadano Xubnhii Wasiirka weydiiyey Su’aalaha , Duniyo Maxamed Cali oo ka socotey Hayadda IIDA waxayna Su’aasheedu ahayd Maxaa Diidan in Ciidmada Dowlada loo Qoro Dhalinyaro aqoon leh si looga maarmo kuwa Bulshada aan kalsoonida ku qabin

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa Xubnhii Wasiirka Weydiiyey Su’aalaha Gudoomiyaha Dallada SOYDEN Cismaan Muxyadiin Shaatax oo yiri “ Ciidamada Keligiid ma keeni karaan Nabadgelyo marka maxaa diidan in Bushada Rayidka iyo Ciidamada iskaashadaan taasoo aan oron karo waxay ku imaan kartaa Sugida amaanka dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Daladda Culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegey in Nabadgelyo ku imaan karto iyadoo Guud ahaan Dalka laga saaro Xarakadda Al-Shabaab ,taasoo uu sheegey in hadii aysan Hirgelin aan waxba laga qaban Karin Nabadgelyada dalka marka waxaa uu wasiirka weydiiyey waxa hortaagan in Shabaab in Dalka laga saaro ?

Su’aalahii kale ee Bulshada Rayidka ay Wasiirka Amniga Qaranka weydiiyey waxaa ka mid ahaa “Maxay Dowlada wax uga qaban weydey Cabashada Bulshada ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ku aadan sida aysan isula Shaqeyn Gudoomiyaha Degmada , Taliyaha Saldhiga iyo Taliyaha Nabad Sugida kuwaa oo la ogyahay in ay ka mid yihiin Caqabadaha Hortaagan in la soo celiyo Amaanka iyo kala Dambeyntii?

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa la weydiiyey Su’aalo ay ka mid ahaayeen Sababaha ay Dowlada wax uga qaban waayeen Isbaarooyinka weli yaala Gudaha Magaalada Muqdisho iyo Daafaheeda , sidoo kale waxaa la weydiiyey Sababaha keeney in mar weliba la xiro Wadoooyinka Magaalada Muqdisho taasoo ay sheegeen in ay Dhibaato ugu Jirto Bulshada Soomaaliyeed Qaybahooda kala duwan.

Markiii ay dhamaadeen Suaalahii la weydiiyey Wasiirka Amniga Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu inta badan ka jawaabey Su’aalihii la weydiiyey waxaana uu sheegey in uu aad ugu farxasan yahay in uu kulan la qaato Bulshada rayidka oo uu sheegey in uu ka tirsanaan jirey waxaana uu Cudurdaarka muujiyey kala Maqnaanshahaas dheer, isagoo halkaa ka cadeeyey in Talooyinkii iyo Su’aalhii la weydiiyey ay wasaarada Amniga ku dhaqmi doonto.

Wasiirka Amniga Cabdikariim Xuseen Guuleed waxaauu sheegey in Dowladda wax badan ka qaban doonto cabashada ka soo yeereysa Bulshada rayidka ee ku aadan Dhinaca Nabadgeyada, isagoo sheegey In dib u habeyn lagu sameyn doono Ciidamada kala duwan ee Qaranka sidoo kale waxaa uu sheegey in Dowladda ay wax ka qaban doonto isbaarooyinka iyo Jidgooyooyinka yaala meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho,wuxuuna ka dalbadey Bushada Rayidka inay la shaqeeyaan Wasaarada Amniga si loo helo Nabadgelyo buuxda .
somali168
Ugu dambeyntii waxaa halkaas ka Hadley Gudoomiyha Daladda SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac .iyo Gudoomiye ku xigeenka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Canab Xasan Cilmi oo ka Mahadceliey Gogosha uu u dhigey Wasiirka Amniga Qaranka Cabdikariim Xuseen Guuleed iyagoo Balan qaadey in Bulshada rayidka ah ay si weyn ula Shaqeyn doonto Wasaarada Amniga si Bulshada u hesho nabadgelyo , waxaana mar kale lagu balamey kulamo kale .

Kulankaas ayaa waxaa sidoo kale Goob joiog ka ahaa Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Faarax Shiikh Cabduqaadir oo isna ka Cudurdaartey mudadii ay kala Maqanaayeen Bulshada Rayidka isagoo Halkaa ka sheegey in Maalinta Axada Hadii Eebbe Idmo ay kulan isugu Imaan doonaan Bushada Rayidka iyo Wasaarada Garsoorka taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen Bulshada Rayidka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.