Home » Faallo »

GABAY: AARKII QARANKEENNA: GEERIDII CABDIRISAAQ XAAJI XUSEEN

– WT. MAXAMUUD AXMED CABDALLE
(ABWAAN SHIINE)
02/02/2014

Email: Mabdalle@gmail.com

  1.  Kolka uu halyey iisho oo iilka lagu awdo
  2. Ehel iyo xigaaliyo asxaab waw ayaan mudane
  3. Ajasha iyo geerida ku timid aarkii qarankeenna
  4. Udub qaran Cabdirisaaq ninkii aad garanaayey
  5. Urugiyo xanuun bay u tahay oof-wareen galaye
  6. Arladeeda Soomaali weyn waw ahiyo waye
  7.  
  8. Mugdibaa na awdoo qalbigu waa na oogsadaye
  9. Eebbow albaab baa ka jabay ehelkii Soomaale
  10. Niman eexdu saamayn qabiil lagu adeegtaaye
  11. Afar iyo tabnaadbuu ahaa geesi fool adage
  12. Tiirkiyo afaafkuu ahaa qaran asdayntiise
  13. Insaan eebbihii caabudoo eed kadheer abide
  14. Astaantii midnimaduu ahaa odaygii Soomaale
  15.  
  16. Arbihii Cabdirisaaq Alloow yimi agtaadiiye
  17. Adaa oofsadoo aadamaha malag ka oolsiine
  18. Irridaha fardowsaad allow geli addoonkaaga
  19. Eebbow dunuubtiyo ka maydh dunida eeddeeda
  20. Waanaduu ikraankiis na faray nagu anfaac guulle
  21. Allow ururi Soomaali waa sidan ugaadhiiye
  22. Eebboow arwaaxdeeda qumi aammin naga yeelo
  23. Eebbow duryaadka u aflaxay iinta ka ilaali
  24. Alloow noo adkee oodda way uubtay taladiiye 

Maxamuud Axmed Cabdalle(Awaa Shiine)

Email: Mabdalle@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.