Home » Warar »

Dr.Abdirahman Dualeh Beileh oo xilka Wasaaradda Arrimaha.Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga kala wareegay Fawzia Yusuf Xaji Aadan.

Mogadishu, February 02,2014- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr.Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta xilka Wasaaradaasi kala wareegay Wasiirkii hore H.E. Fawzia Yusuf H. Adam kadib munaasabad balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo maanta ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo ku taala Caasimadda Muqdisho.

Munaasabadan ayaa qabsoontay kadib markii loo dhaariyay H.E. Dr.Abdirahman Dualeh xilka Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga , waxaana ka soo qeybgalay xafladda xil wareejinta Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Buri Mohamed Hamza ,Wasiir kuxigeenka Wasaaradda H.E. Mahad Mohamed Salad,Xildhibaano,Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda,Safiiro, diblomaasiyiin kala duwan,agaasimayaasha guud ee Wasaaradda,lataliyeyaal, agaasimayaasha waaxyaha,shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda, saraakiisha amniga ee Xarunta Wasaaradda iyo marti sharaf kale .

Waxaa furitaanka Xafladda hadal kooban ka jeediyay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda H.E. Abdi C. Dirshe , waxaana uu soo dhoweeyay Wasiir H.E. Dr. Abdirahman Beileh, isagoo ammaan iyo bogaadin u jeediyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda H.E. Fawzia Yusuf , waxaanu yiri “ Waan soo dhoweyneynaa wasiirkeena cusub Dr. Abdirahman Duale Beileh iyo wasiirada kale ee Wasaaradda , waxaan si sharaf leh u sagootineynaa Wasiiradeenii hore Fawzia Yusuf oo xilka wareejineysa ,runtii howsha meeshii ay mareysay in looga sii ambaqaadi doona ayaa filayaa , waan hubaa wasiirkeena cusub inuu leeyahay kartida iyo aqoonta howshaasi”.

Ambassador Yusuf Hassan Ibrahim ( Yuusuf Dheeg) oo ah danjiraha Soomaaliya ee China, kuna hadlayay magaca danjirayaasha iyo diblomaasiyiinta Soomaaliyeed,ayaa isna waxa uu sheegay in mudadii ay xilka heysay Fawzia Yusuf oo ku soo dhex barbaartay qoys diblomaasiyadeed in wax weyn ay ka qabatay siyaasadda dibadda iyo maamulka gudaha ee Wasaaradda ,waxaanu yiri “ waxaan uga mahadcelineynaa howlihii kala duwanaa ee dalka iyo dadka ay u qabatay , waxaan rajeynayaa intaas iyo in kabadan ay u qaban doonto danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale anigoo ku hadlaya magaciina ku soo dhoweynayaa Wasiirkeena cusub Dr. Abdirahman Duale Beileh oo aan ogahay inuu karti , aqoon iyo khibrad u leeyahay inuu sare uga sii qaado Wasaaradda halkii ay gaarsiisay Fawzia Yusuf , waxaan kugu duceynayaa inuu Allah kugu guuleeyo howsha laguu igmaday,waqti adag ayaa mareynaa , oo dalku dowlad federal ah uu leeyahay oo aan KMG aheyn, fursado badan ayuu leeyahay dalkan , cid waliba waa u hanweyn tahay dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhabaha ay ku socoto Siyaasadda dibadda”.

Ambasador Yusuf Dheeg, oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “ in Wasaaraddu ay horumar gaarto inta aad madaxda ka tahay , danjirayaasha iyo shaqaalaha wasaaraduna waa ay ku garab joogaan , sida la wada ogyahay Wasaaradda arrimaha dibadda waxa ay soo martay marxalado kala duwan tan iyo 1960-kii ilaa iyo maanta , waxaa jiray xilli ay soo koreysay oo kobcayay kaadirkeeda iyo qalabkeeda , iyo xilli ay gaartay waxqabad ahaan meeshii ugu wanaagsaneed, nasiib xummo muddooyinkii dambe waxaa saameeyay qaran burburkii dalka ka dhacay, xilligan danjirayaasha iyo shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda , waxa ay diyaar u yihiin inay dib u yagleelaan Wasaaradda iyo siyaasadda dibadda oo ay gaarto meel aad u sareysa”.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H.Adam oo xafladda hadal dheer ka jeedisay ayaa ka dhawaajisay guulaha ay Wasaaradda gaarsiisay mudadii ay xilkaasi heysay , waxa ayna tiri “ marka hore waxaan soo dhoweynayaa oo aan bogaadinayaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dr. Beileh ,Wasiiru dowlaha Buri iyo Wasiir kuxigeenka Mahad , waxaan aad ugu faraxsanahay inay iyagu nasiib u yeesheen inay i badalaan,waxaana rajeynayaa in Wasaaraddu ay sare uga sii qaadi doonaan heerka aan gaarsiiyay”.

H.E. Fawzia Yusuf , waxa ay intaa sii raacisay “ November 2012 ilaa iyo January 2014 Wasaaraddu waxa ay gaartay guulo kala duwan oo heer sare ah , waxaana u imid Wasaarad dunsan ,safaarado badan oo aan shaqeyneyn, xiriirkii dibadda oo god mugdi oo madow ku jiray , markii aan dib u eegay wixii qabsoomay, aad ayaan u farxaa , shaqaalaha gudaha iyo dibadda oo si dulqaad oo karti leh oo mushaar la,aan iila shaqeynayay waan u mahadcelinayaa dhammaantooda”.

Mar ay ka hadleysay Xiriirka Caalamiga ayaa waxa ay tiri “ waxaa xusid mudan in ugu yaraan 30 safiir ay warqadahooda dhiibeen oo wareejiyeen, waxaana dhul ka siinay caasimadda Muqdisho Safaaradaha wadamada Britain, France, China iyo kuwa kale oo badan si ay u dhistaan , waxyaabihii Wasaaradda u qabsoomay waxaa ugu waa weyn aqoonsiga dowladda Mareykanka ay dib u siisay dowladda cusub ee Soomaaliya , wuxuuna Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud la kulmay dhiggiisa dalka Mareykanka Barrack Obama , taasoo noo fududeysay furidda albaabada world bank , IMF iyo African development bank , oo dhammaantooda hadda nala shaqeeya , waxaan booqday China oo si aad ah nalooga xiiseeyo , waxa ayna diyaar u yihiin dib u dhiska guud ahaan dalka”.

H.E. Fawzia Yusuf , waxa ay muujiyay kaalinta diblomaasiyadeed ee Wasaaradeedu cayaartay si ay u muujiso amniga iyo deganaanshaha caasimadda Muqdisho , waxa ayna tiri “ Ambassador Jan Eliasson oo ah kuxigeenka Xoghayaha guud ee Q.midoobey ayaa Muqdisho keennay oo hal habeen ku hoyday , waxaan ku qancinay in Muqdisho nabad tahay , xilli safiirada shisheye ay ammaan daro awgii ugu yeeri jireen madaxda dalka inay kula kulmaan Airport-ka Muqdisho , taasoo aan soo afjarnay, William Hague oo ah Wasiirka arrimaha dibadda Britain ayaa safaaradiisa ka furay Muqdisho”.

Mar ay ka hadleysay kaalimaha dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya iyo heshiisyada ay saxiixday xilligii ay xilka heysay ayaa waxa ay tiri “dowladda Turkiga waxyaabo badan ayey dalka ka qabatay , waxa ayna damacsan tahay in dib u dhis ku sameyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay u sameyn doonto dhowaan adeeg isgaarsiineed oo casri ah oo Wasaaradda ,ergada,safaaradaha iyo qunsuliyadaha guud ay ku xiriiri doonaan , foreign service law ayaa sameynay , waxaan olole iyo dood dheer kadib ku guuleysanay in cunqabateyntii hubka laga qaado Soomaaliya, waxaan sidoo kale ku guuleysanay in ciidankeena badda inaan u helno lacag dib loogu dhiso, in xarunta Wasaaradda amnigiisa sugaan boolis Soomaali ah iyo ciidamo ka tirsan AMISOM, waxaan heshiisyo kala duwan la kala saxiixanay hey’adaha iyo ururada UNHCR,ICRC,WFP,OIC,IOM,hey’adda sharciyadda badda ee Q.Midoobey oo iyana qorsheyneysa in tababaro u furto hey’adaha dowladda , si wax looga barto wax ka qabashada muranka xuduud badeedka ay la wadaagto Soomaaliya dalal kala duwan iyo heshiisyo la xiriira xuquuqda haweenka iyo caruurta, heshiisyada aan dalalka la kala saxiixanay waxaa ka mid ah UAE, Turkey, China, Italia, Yemen, USA, Canada, Egypt, South Africa, UK, Norway, Japan, Germany iyo heshiis seddex geesood ah oo Nairobi kula saxiixanay UNHCR iyo Kenya oo ku saabsan dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool”.

H.E.Fawzia Yusuf ayaa ka hadashay xaaladda dhismayaasha Safaaradaha kala duwan ee Soomaaliya ay leedahay , waxa ayna tiri “ waxaan booqday mudadii aan xilka hayay safaaradaha Soomaaliyeed ee Magaalooyinka Rome,Paris, Brussels,Cairo, Addis Ababa, Nairobi,New York, Ankara, Kampala iyo Beijing , dhammaan dhismayaasha safaaradahaasi waxaa ay u baahan yihiin dib u dhis iyo dayactir si ay dib ugu shaqeeyaan , waxaana qaarkood degan dad qaxooti ah”.

Mar ay ka hadleysay wax ka qabashada dhibaatada Soomaalida ku nool wadanka dibaddiisa ayaa waxa ay tiri “Waxaan ku guuleysanay in dhalinyaro tira badan oo Soomaali ah oo xabsiyo kala duwan ku kala xirnaa oo wajahayay eedeymo la xiriira burcad badeednimo iyo kuwa kale , aan ka soo siideynay xabsiyo ku kala yaala wadamada Sri Lanka , Egypt ,Italia , Kenya , Britain iyo kuwa kale , halka wadamada qaar aan la galnay wadahadal iyo heshiis la xiriira wax baridda iyo tababarida maxaabiista mudada ay xabsiyada ku hayaan si ay dib u shaqeystaan marka ay helaan xoriyadooda, waxaan kaloo ku guuleysanay inaan wadanka dib ugu soo celino 475 ruux oo Soomaali ah oo ku go’doonsanaa goobaha colaada ee wadanka South Sudan, waxaana muddooyinkan aan wadahadal kula jirnaa hey’adda IOM oo ah inay fursado shaqo u abuurto dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan ee laga soo tarxiilo wadanka Saudi Arabia oo gaaraya inta u dhaxeysa 18,000 ilaa iyo 20,000 ruux”.

H.E. Fawzia Yusuf , waxa ay sidoo kale cadeysay “wax qabadka Wasaaradda ma yara , waxaa ka mid ah tababarida shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Wasaaradda , si sare loogu qaado tayadooda aqooneed iyo shaqo, iyadoo horey loogu soo kala tababaray wadanka UAE 12 ruux , halka wadanka South Africa lagu tababaray 21 ruux oo diblomaasi ah, waxaa hadda diyaar ah 7 dal oo noo balan-qaaday inay noo tababaraan diblomaasiyiinteena , waxaana ka mid ah wadamadaasi UAE, Turkey , Egypt, Italia, Belgium ,South Africa iyo Malaysia”.

Mar ay ka hadleysay kaalinta Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ay ka cayaartay arrimaha gobolka geeska afrika, ayaa waxa ay tiri “Wasaaraddu waxa ay dadaal weyn u gashay inay meesha ka saarto IGAD Stabilization Plan oo ahaa qorshe wax u dhimayay qaranimada dalka , waxaana ku guuleysanay inaan sameyno National Stabilization Plan oo hadda nagula xushmeeyo, waxaana muujinay xubinimadeena waxtarka leh ee Urur goboleedka IGAD”.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay tilmaamtay in shirarka waa weyn ee Wasaaradeedu kaalin weyn ka qaadatay abaabulkeeda ay ka mid yihiin Shirarkii lagu kala qabtay London,Brusales , Tokyo iyo Istanbul,waxa ayna intaasi ku dartay “ waxaana rajeynayaa in sanadkan 2014 uu noqon doono sanad guul u ah howsha Wasaaradda , maadaama koox khibrad leh loo soo magacaabay , waxaan ugu duceynayaa Wasiirada cusub in howshooda Allah u fududeeyo ,wax caqabada ahna aaney la kulmin , waxaan jeclahay inaan idin xasuusiyo inaad u howlgashaan howl gelinta Safaaradaha si shaqada Wasaaradda ay u horumarto”.

H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxa ay mahadcelin gaar ah u jeedisay dowlado iyo shirkad isgaarsiin oo ka howlgasha Muqdisho , waxa ayna tiri “ waxaan u mahadcelinayaa dowladaha Turkey, China , Italia ,Booliska Soomaaliya, AMISOM,Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Muqdisho Mohamud Ahmed Nur “ Tarzan”, Shirkadda isgaarsiinta Nation link kaalinta wacan ee ay ka qaateen taageeridda Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga” .

Wasiir Fawzia Yusuf ayaa ku wareejisay ducumintiga iyo heshiisyada Wasaaradu gashay Wasiirka cusub ee Wasaaradda H.E. Dr. Abdirahman Duale Beileh .
somali166
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Duale Beileh oo soo gaba-gabeeyay Xafladda , ayaa ku tilmaamay Wasiirkii hore ee Wasaaradda H.E. Fawzia Yusuf shaqsi aad u qaali ah oo ay aad isku yaqaanaan, shirar bandanna ay horey ugu kulmeen.

H.E. Dr. Abdirahman Duale Beileh ayaa waxa uu yiri “ anigu kama aan shaqeyn wadanka , laakiin waan la socday xaaladda uu marayo, wuxuu dalkeena ka mid yahay Afrika,gaar ahaan geeska afrika ,aniguna afrika ayaa ka shaqeynayay , waxaan u shaqeynayay hey’ad qaabilsan horumarinta dunida , waxaan madax ka ahaa biyaha , cuntada iyo soo celinta horumarinta dhaqaalaha Afrika,mar waliba waxaa arki jiray Soomaaliya oo shirarka aan joogin iyo xilliyada qaar oo qaar yimaadaan oo calanka la isku dul-laayo, wax badan ayaa arrinkaas ka qoray”.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa mar uu ka hadlayay aragtidiisa xilka loo magacaabay ayaa waxa uu yiri “ sharaf weyn ayey ii tahay maanta inaan halkaan fadhiyo oo la igu sharfay inaan xilkeeda qaado Wasaarad weyn , ma qiyaasi karo waxa aan ku tilmaamo sharafta noocaas ah , intii aan la socday horumarka dalalku sameynayaan , mar waliba Soomaaliya xagga dambe oo hoose ayey ku jirtay hadiiba ay dhacdo, waa haddii runta aan isku sheegno, waxaan maanta ku qancay majaraha toosan ee dowladda cusub ay wado, waxaan ku qancay sida habeysan ee loo habeeyay inaan wax sameysano, tirada dadka aglabiyadda Soomaaliyeed ay gaareen , wadahadalada ay wadaan ee dhammaadka ku dhow,waxaan dareemay in leer ifaayo uu jiro , waxaan go’aansaday inaan joojiyo shaqadii aan ka hayay African development bank, kadibna idinku soo birio”.

H.E. Dr. Abdirahman Duale Beileh , oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “waan ogahay waxqabadkiina iyo inaad ku shaqeysaan si mutadawacnimo oo qaarkiin aaney qaadan lacag, waxaan ahay dhaqaale-yahan , wax soo saarka waxaa u sal ah dadka iyo dhulka ,idinka la’aantiina wax ma hagaagayo, anigu waxaan ku shaqeeyaa wadatashi, dadkiina halkaan ka soo shaqeeyow adinkaa og waxa khaldan,haddaan gacmaha isqabsanno dhammaanteen oo aan hore u soconno , hore ayaa u soconeynaa ,haddaan boqol dhinac u kala yaacno , meelna gaari meyno,haddee ogow adduunka inagaa u dambeyna, cid kale inaan mas’uuliyadda saarno ma aha, Soomaaliyeey inaggaa dib isku dhignay,maantana waxaa ii muuqata waxyaabihii ay qabatay marwo Fawzia Yusuf,waxaan idinka codsanayaa in unug iyo waax waliba isku tashato oo la wada-hadlo si wax loo soo saaro, Allah ayaa idinku dhaariyee shaqada horumariya oo wax ku dara”.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Duale Beileh ayaa waxa uu sheegay in Muqdisho marar kala duwan uu yimid , oo aanu arag dhisme ka qurxoon dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda , waxaanu yiri “ meel loo socdo oo la hiigsado ayaa jirta , anigu waxaan ku shaqeyn doonaa wadatashi, inaan la tashado wasiirada, oo aan noqonno hal koox oo si todobaadle ah shir u yeelano, agaasimayaashuna ay noqdaan hal koox, waxaan hubaa in dhammaanteen bishiiba aan halmar kulanno, safiirada halkaan jooga ee qiimaha leh khibrad ayaa ka buuxa , waxaan balan-qaadayaa inaan talo iyo tilmaam ka qaato waxyaabaha ay soo mareen, waxaan ku shaqeyn doonaa waxa loo yaqaan Triple A oo ah in la is xisaabiyo , Waad mahadsan tihiin , aan is wada caawinno , halkaan waxaa u imid inaan waxqabto , hadaan wax qaban-waayana xilka waa iska wareejinayaa, shaqaalow la’aantiina waxba lama qaban karo,cabashooyinkiinana iyo arrimaha idin gaarka ah waxbaan ka qaban doonaa , si wax soo saarkiina u kobco, waadna mahadsan tihiin .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.